About Ceel-Cadde

 Degmada Ceelcadde waxay ku taalaa qiyaastii 60 KM koonfur galbeed ee caasimadda gobolka Gedo ee g/haarey. Degmada Ceel-cadde waxay caan ku tahay xoolaha nool sida Geela, lo’da iyo arigaba. Degmada Cee-Cadde waxaa la aas-aasay sanadihii 1960-yadii. Hore waxaa ay u ahaan jirtay meel ku wanaagsan daaqa xoolaha oo cara san ah. Ka dibna waxaa la isla gartay in laga dhigo Tuulo leh matooro ay xooluhu ka cabaan. Iskooladii waxbarasho ee u horeeyey waxaa la aas-aasay sanadihii 1973-gii. waxaana degmada Cee-Cadde ka aflaxday rag iyo dumar badan oo dunida dacaladeeda iminka ku nool. xoolaha ka sokow Ceel-Cadde waa meel ku wanaagsan beeraha. Waxaa ku yaala togag waawayn oo ay biyuhu ku rogmadaan xiliyada gu’ga iyo dayrta. Waxaa ka baxa dalagyo badan sida sisinta, digirta, masagada, galayda iyo qaraha. Ceel-Cadde waxay ka gudubtay tuulo iyadoo noqotay Degmo. ka dib markii ay kasbatay wax kasto oo degmo looga baahnaa sida Isbitaalada, Iskoolada iyo dhamaan adeegyada bulshada. Ceel-Cadde waxaa ka dhisan ilaa iyo heer dugsi sare oo waxbarasho ah, iyadoonan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo aanan xitaa lahayn waxbarashada aas-aas-aasiga ah. Degmada Ceel-Cadde waxay leedahay maamul gooni ah oo laga soo dhex doortay dadka. waxay kaloo leedahay oday dhaqameedyo iyo gole guurti oo ka kooban dadka deegaanka wada dega.

Waxaan dhawaan idiin soo bandhigi doonaa masawarida iyo taariikdha aas-aasayaashii degmada Ceel-Cadde iyo jaran-jarada maamulka ee hadda  jiro. Fadlan haddii aad hayso wax macluumaad ah oo ku saabsan degmada Ceel-Cadde inoogu soo dir emailka ceelcadde1960@hotmail.com

mahasanid

  1. June 23, 2007 at 11:04 pm

    tuulada celcade waxay kutaalla kalabaraha lakin wali ama aysan gaarin dagmo run ahaantii lakin waa ay gaaraysaa hadaai dad badan o kaladuwan qabilkoda iyo dhaqn ahaantoodaba dagmana manoqoto meel hal qabilo ama hal cid ay dagan tahay sidaa awgeed waxan in leeyahay anigoo ah wiil somaliyed daganna gobalka gedo kuna soo bar baaray ceelcade maraka waad kumahadsantihiin codsigaas

    • April 20, 2010 at 9:25 am

      waxaan ku oran lahaa walaalka aadam inuu badalom hadalada meel uga dhaca ee kadhanka ah dagmada barkaysan ee ceelcade siada hadalka tuulo
      walaal maxaasid ka naftiisa ayaatahay? waalahubaa ceelcade ayaad kusoo indhi furataye!!!!!!!!!

  2. June 23, 2007 at 11:09 pm

    magacaygu waa amina taas oo ah gabar ree garad ah run ahaantii waan jeclahay qabil kayga iyo wadan kaygaba saas awgeed waxan usheegaya dadkayga dagan tulada yarata ah oo adka iyo aad ka ufoolxun inay kadaayan xayaysiinta iyo kabad badinta waayo aniga adinka ayaa iga socayriyay tuuladayda ceelcade manadoonaayo inaan mardanbe kulaabato wadan kayaga waayo waala iguxumeeyay mana doonaayo inaan halakan kasheego dadkaas waa ayna isgaranaayaan runtii bay baay thank,s

    • April 20, 2010 at 9:29 am

      aamino waxkale oon ku dhaho garan maayo oon ka ahayn inaad gur wayday uguyaran ama magaaladu kusoo tuftay maxa yeelay way barakysnhaye ama jaceyl laguu xumeeyay
      kkkkkkkkkk soo runtay ma aha abaayo

  3. June 23, 2007 at 11:22 pm

    waxan ahay wiil kasooqalin jabiyay dagmada ceelcadda kuna soo bar baaray yaraantaydii waxan kuxifdiyay quraanka iyo kutub aad ubadan sidaa awgeed intaan jogay dagmadas ma arkin qof lamaagaayo ama qof laga gardarsaday ama qof xabad lagu ridaayo magaladas amnigeda waan layaabay runtii midda kale waxaa kasiidaran masaajidda iyo madarasoyinka say dadka wax ooga barataan maasha allah

  4. Qaasin
    July 3, 2007 at 8:25 pm

    Amino walaal ma maqal gabar ceelcadde lag soo cayrieyey. been baanad shegaysaa. Haddii lagaa soo cayriyey falal foolxumo baad ka samaysay in lagaa so cayriyana waad ku haboonayd.
    acw

  5. July 11, 2007 at 10:31 pm

    walaal layaal kay iyo bul sha wayn ta reer ceelcade waxaan u sheega uyaa inay aad u hor mareen bye ceel cade

  6. July 11, 2007 at 10:35 pm

    walaashay waxaan oran lahaa Aamino xageed unoosha hay waxaan ogaan rabaa inaan kuu sheego sabab ta ceelcade la gaaga soo cayriyay adiga oona ka xumaa nayn ogaa sha ha aan ogaana yo meelsha aad joogto iyo inaan ba ogaado qof kaatahay bye ceelcade 0

  7. salaam
    July 15, 2007 at 7:00 am

    waa la xumeeyee yaa xaal marinaa amino ….kkkkkkkkkk u were kicked awt of ceelcaddde..hahahahaha

  8. Ceelcadde #1
    August 8, 2007 at 2:14 am

    Amina sister first I am sorry for you to lose that paradise place. It is really tragedy and extremely bad news to hear that. Sister, as a General Attorney of Ceelcadde City, I know one could only be kicked out from Ceelcadde for the fallowing of reasons.
    A: Misconduct-Illegal intercourse… (Zina)
    B: Attempt for killing innocent person or attempting tooting for their property
    C: Behavioral miscounting—having bad repetition in the society.
    Those are the only reasons we abandon individuals from our city.
    If you prove that you did not commit any of those, I will promise you for place to live in Ceelcadde.

  9. Baxnaan
    August 10, 2007 at 4:23 pm

    Shame a on you Ceelcadde!!!!!!! You sound jerky

  10. Ceelcadde
    August 11, 2007 at 3:56 pm

    Baxnaan, I didn’t say any jerky. Just that copied the constitution of Ceelcadde, terms in the on the bylaw which explaining how one could loss the citizenship of Ceelcadde.

  11. August 21, 2007 at 11:58 pm

    sc. dhamaan waad salaamantihii.
    salaan ka bacdi: waxaan filayaa dad badan way ka qarsoontahay bilicsanaanta magaalada ceel cadde.
    miyaanan la ogayn ceel cadde inay tahay caasimada degmada diiharo?
    cee-cadde waa magaala madaxda degmadaas, marka ceelcadde ninkii yaqaanno waa yaqaannaa ninkaan aqoonna afka hakala baxo, kii iyadoon wax ahayn kasoo tagayna haku laabto, ceel cadde ninka ka taariikheeyay waa uu yaqaannaa dhabnimadeeduunna ka hadlaye, hala soo barto magaalada intaan wax laga sheegi.

  12. Omar
    September 5, 2007 at 5:26 pm

    really waa arin lagu farxo in magaalo kutaalo somalia guud ahaan gedo khaas ahaan ee hormarto, horimarkuna ma ahan kaliya in maagalo dhisanto ee waa in bulshada kunool xitaa horimar udiyaargaroow, marka bulshadaashi horimarto waxay badeleysaa inta udhawo. marka ceel cadde horimarto micnaheedu waa gobalka odhana waa horimari mashaa Allaaaaaaaah yaa heli karo. intaasi waxaa noodheer degmooyin badan inaan yeelano waan rabnaa ee yaan loodiidin ceelcadde inay degmo noqoto. reer ceel cadoow hor mariya ceel cadde intii kalle ood awoodaana kudara. waxyaabo aan loojoogin ayaa dadka qaar sooqoraayaan waxayna ilatahay timekeeda waa lasoodhaafay.
    bardera ayaan kudhashay kuna korey waligeyna ceelcade matagin micnaheeda waa gobalka madhisno mana hormarsano aan wada hormarino akhiyaarta firki cusub aan keeno.

  13. gabar ceel acde
    September 11, 2007 at 12:55 pm

    ascwrwb all walalaha rer cel cade.
    waxan ahay gabar ka soo qalin jabisay Jamacada Bayciiro
    wana jeclahay dhaman gobolka gedo qasatan melaha unabada badan sida ceel cade siina wada hurumarinteeda inta ku howlanayd byeee all wcswrwb

  14. deerow
    October 8, 2007 at 12:17 pm

    jalayaal waxaan aad u jeclaan lahaa hal qof oo reer ceelcada ah oo sharaxaad kooban ka bixiya dhinacyada ay ka hor martey ceelcade aniga shaqsiyan waxaan miisaami karaa oo kaliya dhinaca bulshada waayo mudo ma aanan tagin ceelcade markaan leeyahay bulshada waxaan ula jeedaa dadka ay soo saarto badanaa waaa dad fikir ahaan u dhisan iyo wax barasha ahaanbo oo badanaa uu u fufudyahay ku milmida iyo la qabsiga bulshooyinka kale laakiin waxaana ilaa hada fikrad buuxda ka heysan dhinacyada kale sida dhinaca koboca dhaqaalaha fidista dhismayaasha magalada ee caamka ah iyo kuwa qaska ahba dhinaca maamulka mark (i hope to get from you enought explanation about the development in el adde) thanks aan idin xusuusiyee ceelcade waxaa iigu danbeysey 7 sanoka hor
    wabilaahi towfiif\

  15. October 24, 2007 at 11:29 pm

    Maa shaa laah CEEL CADDE GOORMEEY DAGMO NOQODAY WALAALAYAAL??? dooladeesa ka dhigtay? ceel cadde anagaa le anagaana dhiseeyno ilaal doolad soomaaliyeed ka dhalatana ceelcade waa magaalo ee ma ahan Dagmo!!!!!

  16. Caaqil
    November 8, 2007 at 2:39 pm

    Ceelcade maxay ku muteysatay degmanimo, ma qabiil mise degankeeda oo kobcay, haddii dhanka degaanka laga eego Ceelguduud oo 10 km u jirto ceelcade waxba kama yareysato xaga tirada dadka iyo weynaanta intaba marka sow iyaduna xaq u yeelan meyso in degmo loo magacaabo, haddii qabiil laga eego, degaan walba qabiil ayaa degan tusaale Dabley wa degaan xassan Garshireedle – sow xaq u yeelan mayaan in degmo loo magacaabo – maxaase ka dhalan karo arintaas – kala qoqob iyo kala qeybin horleh – hadda ayaa qaatar laga taagan yahay in 6 da degmo la isu keeno – arinkaan ha laga fiirsado. Soomaaliya xeerar ayay leedahay loo tixraaco magacaabista degmooyinka, xeerarkaas dib ha loogu noqdo ummadana yaan la lugooyn.Waxaa ayaan daro ah in qurba jooga ay u guxayaan daciifad qabiil halkii laga filayay inay dadka ka saraan jahliga iyo qabiilka

    • April 20, 2010 at 9:45 am

      walaal ka lamagac baxay caaqil ceel gfuduud waxaan lagu soogaabin karaa iyadaba kacurdaaratay dagma nimo marakay lasoobaxday muuuqaal tuulo ooo isbadal la aan ah waxaana udher meelay kutaal oo dhabiico ahaan uxun lagu noolaankin waana duugantay gaadaalkaan
      marka bal iyadan ha isundiyaariso dagma nimo marka hore

  17. March 1, 2008 at 7:57 am

    ceelcado waa dal; so ma liyeed dad waynaha bayna ka dhe xay saa hasa ahaa tee dad ale khayer sii yaay ayaa gacan ta ku hayo oo dhabadeedsa utaa gan
    HADII AAMINO AYSHEEGATAY INLAGA SO CAYRIYAY waxa loo ga soo cayriyay ayay mutaysatay
    waa aniga oo ah ABDIAZIZ KUNA MAGAC DHEER ABDHISHKA

  18. March 20, 2008 at 9:03 am

    waanidinsalamay dhamaantiin aniga oo ah wiil kunool wadanka kenya gaar ahan magalada mambasa kunadhameeyay dugsiga sare wadankan kenya kanasoojeeda magalda ceelcade waxaan aaminsanahay magalada ceelcade inaytahy mel aad usarayso dhankasta haday ahaanlahayd waxbarasho haday gaar ahaan dhanka schoolda waxaad ogtahay ceelcade inuu kadhisanyahay the best secondary in GEDO iyo madarasooyinka kuyaalo ceelcade waxaa taas sii dheer dhilbaxnimada dadwaynaha mana kajiro ceelcade jinsifaquuq (discrimination) marka dadka aaminsan waxyalaha kale waxaas hakatanaazulen mahadsanidiin

    HILAALYARE IS MY NAME THANKS & GOD BLESS

  19. March 20, 2008 at 9:14 am

    yes miss amina iam very sorry to claim you that you are member of cellcade realy you are not amebmer of cellcade and it written on your face that you are aperson who wan to condame the dignity of the people those around in cellde and also it is shamful from you to abable the particpent !!!!!!!!!!!!! shame an you !!!!!!!!!!!!!!!! good wiling

    HILAALYARE ISMY NAME

  20. March 21, 2008 at 8:22 am

    waad salaamantihiin walalahayga kunoool dhamaan wadanka somaliya gaar ahaan kuwakunool ceelcade aniga oo ah wiil kunool magalada nakuuru ee wadanka kenya waxna kabarto wadankan kanasoojeeda gobolka GEDO hadaan fikirkayga kadhibto magalada ceelcade dagmo nimadeeda runtii ceelcade sida aanwarbixinta kuhayo ceelcade waa uqalantaa dagmanimada loo soomagacaabay maxaa yeelay dadka dagan ayaa ah dad karti leh awoodna uleh inay hormarinkaraan ceelcade waxaana kugudaliil ah siday uhormartay dhanka tacliinta aniga waxaan arkay intaan wadankan joogay kenya arda badan ookasoojeeda ceelcade oo wax kubarato kenya runtii ardadan waxaad qiyasikarto ma ahan siday udhisanyihiin asaas ahaan iyo bulshada siday udhexgaleen example wiilka layiraahdo hilaalyare oo aan askalqaybgalnay hada kahor sabinaar magaalada garisa marka waxaan usheegayaa dadka cadaystay inay aflagadeeyaan waxkasta oo fiican walaalayaal waxaan idinleyahay katanaasula
    GOOD WILLING ALL OF YOU!!!!!!!!!!!!!

  21. March 30, 2008 at 3:29 pm

    WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN REER CEEL CADE IYOI DAD WAYNAHAY KA QAYB QAA DANAAYO DODAAN KUNA DADALAA INAAD ANSHAXA ILAA LISAAN SIDAAD HADAKU WADAAN KU WADA ASANTENI SANA KWA KUENDELEA MAZUNGUMUZO

  22. May 26, 2008 at 9:25 pm

    Awarxamatullahi wabarakaatuhuu dhamman waad salamantihiin umadda soomaaliyeed waxaanidinleeya dagmada ceelcadde allehaidiinbarakeeyo oohakadhiga sidada lajeceshihin waana waxlagufarxo hormar gaartay degmo soomaaliya kutaala waxayna kuxiranta hurmarkeeda dadkeeda waana idinka muuqataa wadda dadaalkiina acwr

  23. July 1, 2008 at 8:43 am

    asalamu alaykum warahmatulahi wabaarakatuh
    congrotulation fo elade
    hanbalyo …………………………………………………………….
    hakadalina dadaalkina wada insha alah waa helaa kidadaalo dadaalkisa ;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;
    waan kufarxsanahay maka caabidda lomaga cabay ceelcade in ay noqoto degmo waxaan idiiiiin leyahay hakadalina dadaalkiina ……………………..bye
    i thenks god not eny thing els ALXAMDULIILAH

  24. September 23, 2008 at 11:13 pm

    ceelcade sawirkeed ma noo soo dhigtiino webka .hambaljo reer ceelcade ku ciida caafimaad san all

    • September 9, 2010 at 9:28 am

      don,t you will get the picture of elade?

      elade is town that is true sister you can come and visit us. now i am in elade i am going to finish in my secondary education ok thanks sister

      place: elade
      name : elmi warsame

  25. October 13, 2008 at 10:52 am

    Dadkan umalaynayo in ceel.cadde oo hormarta ay dhib ku tahay ayaga.. mar walbana cay uga dhigo dadka rer diineedka ah ee dagan waxan usheegaya ceel.cade way hormartay wayna hormaraysa ka dhigo tusaale DUGSIGA SARE..CUSBITAALKA.
    mida kale waydiiya gabadha AAMINA la idha leh ee ereyada liita ee macno darada ah ku xariiqday meesha.. WAA TUMA ADIGA? Hana ushegen Mamulka wabka in dadka sidaa oo kala ah ee caqli ahaan iyo xirfada ahaanba liita in aan logu tali galin in wax faalo ah ama comment ah ay ku qoraan sida Wabkaan sharafta leh oo kale ee ka turjumaya bulshada cajiibka ah ee ka bad baaday is xag xagashada dhax martay beelaha kale..

  26. xiish sh. ibrahin
    December 10, 2008 at 11:44 am

    magacayga waa xiish sh. ibraahin sh. c/lahi waxanleeyhaya dhamaan dadaka neceb hormarka CEEL CADDE CEEL CADDE way hormartay marka waxaan dhihi lahaa CEEL CADDE waxaas inay san wax udhimaynin ceel cadana waa meel aad uhormartay jecelna hormarka kuna tilaabsatay horumar aad u wayn waxaana urajaynayaa mid aad u wayn oo ay ku farxaan dhamaan dadaka ku nool GOBALKA GEDO oo ayan ku daydaan dagmooyinka kale

  27. December 20, 2008 at 12:28 pm

    waxaan haye wiil udhashaye degmad CEELCADE
    oo waxa ku soo bartaye waxa barashada qeeybaheed kaladuwan waxaan ku yaalo iskool caalami ah oo lagabar to diin &maadiba waxa ku yaalo dugsi hoose/dhex ilaa dugsi sare

  28. December 20, 2008 at 12:35 pm

    waxaa kaloo kuyaalo meelo dal xiis &xoolah lagudhaqdo waxa kaloo kadhisan maamul & odayaal dhaqameed yo & waxayaalo gedo ayeesan laheen

  29. December 28, 2008 at 8:16 am

    wxaan salaamayaa dhamaan bulsha waynta caalamka waxaan ahay wiil udhashay dagmada ceelcade wxaan waxbarashadayda dugsiga hoosyo dhexe aan kusoodhamaystay dagmada ceelcade waxaa kuyaalo iskoolaad isku jiro diini iyo maadi waxaa dhigo mcalimiin khibrad uleh waxbarista ardayda iyo tarbiyada ardayda dhankale waxaa ayleedahay dagmada ceelcade 2 masaajid dhaka kale waa meel aad unabdoon

  30. December 29, 2008 at 9:07 am

    magacaygu waa maxamed maxamuud cismaan(mmcisman) oo ku dhashay magaalada ceel cade kuna soo bar-baaray aydoo xiligaas tuulo ahayd Laakiin hada ALLE mahadiis noqotay Degmo kamid ah Degmooyinka uu Leeyahay Gobalka Gedo, Taasna Waxay ku gaartay Siday ila tahay dadaal ay sameeyeen Odayaasheeda, Culumaa’udiinkeeda, dhalinyaradeeda, haweenkeeda, iyo dhalinyarada, ka soo jeedo Degmada ceel-cade ee ku nool qurbaha.
    Dadaalkaasna waxaan Filaynaa inaan sii laban laabno Dhamaantano ilaa aan hor mar wayn oo la taaban karo aan ku talaabsano INSHA ALLAH .
    qofkasto oo u dhashayna waxan oogu baaqaayaa inu ka shaqeeyo hormarkeeda iyo nabad galyadeeda,

  31. January 14, 2009 at 10:00 am

    waxan joogaa magaalada nairobi ee dalka kenya, waxan udhashay magalada ceel-cadde ee bartamaha gobalka gedo ee somalia.

  32. January 14, 2009 at 10:09 am

    Waa aqoonyahay ku dhashay degmada ceel-cadde, gaar ahaan goosayda, sanadkii 1986
    wuxuu ka shaqeeyay hormarka ceel-cadde

  33. January 14, 2009 at 3:17 pm

    mmcisman waa aqoonyahay dagan Degmada Ceel-Cadde ee bartahmaha Gobalka Gedo ee koofurta dalka soomaaliya.
    wuxuuna ka shaqeeyaa hawlaha gar-gaarka gaar ahaan xanaanda xoolaha oo wuxuu u shaqeeyaa Hay’adda xanaanada xoolaha ee V.S.F-Suisse waxaa uu usheegay warbaahinta mar ay waraysatay oo uu ka hadlaayay arimaha Degmada Ceel-Cadde inay tahay magaalada hada oogu nabada badan Gobalka Gedo sidoo kale Hay’addaha gar-gaarka ayaa wuxuu ugu baaqay inay fariisin ka dhigtaan Degmada Ceel-Cadde ayagoo raacaayo ayuu yiri nabad galyada oo ah tan oogu qaalsan ama oogu muhiimsan sii arimaha gar-gaarka marka laga hadlaayo.

  34. January 17, 2009 at 10:48 am

    waxaan salamayaa dhamaan dadka kunool degmada c/cade waa dagmo aad ufiican oo aad iiqan cisay wayna hormartay waxan na no qonatsaa caa simad

  35. April 13, 2009 at 6:56 am

    Gabaygii “TUUG BAROOLE”

    ——————————————————————————–
    garisa, kenya (gedowe) 13-April-09
    ——————————————————————————–
    walaalaaal anigu waxaan kudha shay dag mada celcado kuna barbaray kuna taac lin bartay ilaa dugsi hoosse uga baxay aad iyo aad ayaan ujeclahay ddhulkayga hoooyo khaasatan degmada ceel cadde /
    walaa layaal waxaan yeclaan lahaa inad barnaa mijka uga hada shan maxaa xal ukenikara somalia waad arag ten madax di aan doranaa waa ay na khiyaanay yaan oo waa calooshood usha qaysto yaal oodhulku aayaay gadanayaan
    Gabaygaan la magac baxay TUUG BAROOLE waxaan tiriyay markii aan ka war helay in ay niman Soomaali sheeganaya Kenya heshiis kula galeen in Kenya loo ogolaado in ay qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed. Nimankaas waxay wax ku saxiixeen magac dawladda ku meelgaarka ah.

    Arintaa waxaan maqlay 10/04/2009 goor galab ah, habeenkii ayaan ka seexan waayay xannuunka ay arintaas igu beertay, waxayna noqotay adduunka intaan ku noolaa war ay dhagahaygu maqlaan kii iigu tiiraanyo badnaa. Markaas ayuu gabaygani igu soo dhacay.

    Barfasooradaan aaminee buugagga u dhiibnay
    Baldadaha raggii wada sitiyo suudhadhkiyo baylka
    Baalxooftadii hore raggii loo birdhigi waayay
    Bakhti iyo nijaastay faleen beerku ii gubaye

    Barbarreeyayeey xalay miyaan jiifka bogan waayay
    Biixida miyaan ooga jabay cadow i boobaaya
    Bahalkii Wajeer cunay miyaa baylah iga qaatay

    Baran maysid soomaaliyeey tuug baroolaha e
    Sidii ruux barii’uu dushaa uga bidhaamaaye
    Bashar iyo qof saaxiib ah baad bilicda mooddaaye

    Mar waa sheekh billaahida maroo diinta kaa badine
    Marna waa basaas horor ah oon baab xidhaa jirine
    Boqor iyo suldaan buu noqdaa beelo daaja ahe

    Baryo wuxuu iskaga kaa dhigaa naasax beernugule
    Waa baxar sitiin aan lahayn baasaboor mida e
    Kolba boqol ilood buu middood kuula soo bixiye

    Sidi ruux baldo u dhoofayuu boorsa wayn yahaye
    Danta inuu badbaada u yahuu ba’uhu sheegtaaye
    Bidix iyo markuu midig dayee kaa bogsado shiishka
    Billaawaha wuxuu kaa marshaa meesha baydda ahe

    Kuwii shalay dadwaynuhu baxshee shacabka boobaayay
    Hunguraa baleeyiyo waxay bililiqaystaane
    Bal ogoow dalkoodiyo inayn hoyga badar dhaafsan

    Ummad yahay baddii aad lahayd boojisyaa helaye
    Inta aysan baaqiga hadhiyo dhulalka beecgaynin
    Ma baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye

    FURAHA EREYADA

    barbarrayn: dhinacyayn,isrogrogid

    biixida: bawdada, laxaadka

    bahal: waraabe,dugaag

    wajeer: dagmada wajeer

    barii’: dambi la’aan ah, aan waxba gaysan

    naasax: daacad ah

    baldo: waddamo, magaalooyin

    baydda:dhuunta,halista

    boojis: qawlaysato,budhcad

    Birimo: waxa ugu mudan,muhiimsan

    baadil: dambi

    baldad: suudh

    Abwaan: adiaziz sh osman ( daraataad)
    kaliij35@hotmail.com

  36. April 30, 2009 at 7:01 pm

    asc dhaman waa mahadsanyihiin dadka firkarooda kadhibtay barnaamijkaan aadka xiisaha u leh run ahantii celcade waa degmo leh miisaaniyad degmi nimo waxan aad oogu faraxsanahay aniga oo ku dhashay degmada celcade waxna kusoo bartay ilaa her dugsi dhaxe maantana jaamcad dhigta hadii aysan celcade lahaan lahayn waxbarasho maanta herkaan ma soo gareen balse hormarka celcade aya manta ii saamaxay in aan jaamacad dhogto celcade ad ban ujeclahay waana u mahadcelinayaa cid kasta oo wax kagaysato hormarkeeda
    بلادي وان جارت علي عزيزة واهلي وان بخلو علي كرام

  37. July 7, 2009 at 8:22 pm

    A.c magacaygu waa {isxaaq xassan xirsi adam} waxan ahay wiil kasojoda dagmada celcade kuna qaatay waxbarashadisi lagabilabo quranja ila waxbarashadaydi dugsiga hose e { iqra2} dagmada celcade waxan hada kusuganahay dalka kenya gar ahan gobolka {central provence} magalada {thika} waxana dhigta jamacada {thika college for sharia and islamig studies} waxan raba inakubiriyo fikirkayga ku aadan degmad celcade celcade horta wamel ale amanay dadkuna amanay ma ubahno aman kale waxaynaku amanantahay mambaca ay unoqotay dinta islamka waxana dhihikara wameshakali ah e u kataganyahay calamka dinta islamka gobolka gado dhaman inta dagan celcade o u uhoreyo macalimkay ga m.qasin m. Ali wan idin salamay byyy xirsi124@hotmail.com

  38. August 2, 2009 at 6:02 am

    Asalamu alaykum

  39. August 2, 2009 at 7:06 am

    Waad salamantihiin dhamantin.waxaan ahay mid kamid ah dhalinyarada ceelcadde hadana jogo dalka kenya gaar.ahaan nairobi. Waan ku faraxsanahay hormarka elade walow dhalilo leedahay .waxad ubahantihiin dadaal intaad samayseen kabadan.si.aad ku hesheen aqonsi buuxana waxay ubahan in lahelo asaasiyaadki degmo lahanjirtay in noqoto mid ka fog wax walbo oo keeni karo dib udhac iska ilaliya waad mahadsantihiin DADAALAA WUUGAARAA

  40. hilal
    August 12, 2009 at 6:23 pm

    waan idin salamaya dhamantin salanta islamka a/w/w salan kadib ikhwanii magacayga wa hilaal ugana ayan kunoolahay waxaan tagersanahay hormarka gedmada celcade iyo ubadka ay sosartay marka lafiriyo dhanka hormarka waxan codsanayaa aniga in aynoosoobandhigan sawirada ceelcade qolooyinka uxilsaran webkana ay hagaajiyan webka ama casriyeyanaan waana mahadsantihiin

  41. September 23, 2009 at 11:49 pm

    waan idin salaamay dhamantiin run ahaantii markaan mogaa muddo aad u dheer ayaan dib ugulaabatay 4/21/09 aad iyo aad ayaan ugu farxay dag mada ceel cadde waxaan soo booqday masaajidda iyo dugsiyada kala duwan hoose dhexe iyo waliba dugsiga sare waxaan soo arkay arday si wanaag san wax u baranayso iyo ma calimiin tooda oo la dadaalayso waxana booqday iskoolka aniga macalin ka mid ah macaliinta meesha waxana uu isoo tusay ceel aad u biyo macaan waxaan kaloo booqday isbitaalka oo asagana dhawr qaybood ka kobnaa sidaa qayb dawo qaygb shaybaar iyo qayb bukaan jiif qayr illahay kasiiyo dad kii ka qayb kaqaatay dhismaha iyo wax barashada dagmadda ceel cadde hadana waxaan dhamaanteen is xasuusinaynaa inaan horay usii wadno dadaalkeenii iyo wax barashadeena

  42. November 18, 2009 at 1:31 pm

    May peace of allah be upon you my dear brother and sister first of all iam mohamed abdirahman ibrahim and iam of the ceelcade belovers and i was born there as we aware of ceelcade is the most peaceful place in somali and has schls madaris and itis condusive enviroment for learnings onthe otherhand it has different kinds of live stock such as cattle camel goats e.t.c and also good for farming and it has fertile soil its unbeleivable town in gedo region welcome to ceelcade dear brother or visitors@

  43. November 18, 2009 at 1:38 pm

    @ peace of allah be upon you my dear brothers and sisters first of all iam mohamed abdirahman ibrahim and iam of the ceelcade belovers and i was born there as we aware of ceelcade is the most peaceful place in somali and has schls madaris and itis condusive enviroment for learnings onthe otherhand it has different kinds of live stock such as cattle camel goats e.t.c and also good for farming and it has fertile soil its unbeleivable town in gedo region welcome to ceelcade dear brother or visitors@

  44. November 18, 2009 at 3:32 pm

    Asalamu calaykum : ladies gentlemen it is great pleasure that i address you on ¤ceelcade- is developed city and itis one of the somali cities which is found in the centre of gedo region and its famous for education that is why if any body says that i finished high sch in gedo most of you somalians said that you mean ceelcade ¤what coused that is this ceelcade has well educated elders aside of {islamic religion}” and other knowlege who caused to have acozy relationship their neighbour cities , i haunts that place regularly and what is most important is the vicinity itis good and serene i have through anumber of interesting activities such as hospitals large farms and it has some wonderful sights . I never come across any one whose complaing any problem i mean i never see that pple thinking of what todo next … Want know more join me …. See u again iam mohamed a/rahman ibrahim byye bye

  45. January 12, 2010 at 4:45 pm

    waan idin salaamay dhamaantiin salaanta islaamka a/s/c

  46. January 12, 2010 at 4:52 pm

    waan idin salaamay salaanta islaamka a/s/c salaan kadib waxa aan ahay wiil ku dhashay dagmada ceel cade kuna barbaaray isla ayada kuna qaatay waax barashada qaybeheeda kala duwan hoose dhexe iyo sare

  47. Wiil reer Gedood ah
    February 10, 2010 at 7:12 am

    Tuulo ay reer Garaad degaan iska dheh, ar maxaad u xayeysiinaysaan xaafadaan yar naga daayo amaanta degmo iyo wax u dhaw ma ahan meeshaan qoyska yar degan yahay.

    BYBY.

  48. Mohamed Yare
    February 10, 2010 at 8:33 pm

    Ac. waxaan dareemi karnaa Baahida looqabo Hormar gaar ahaan waqtiga lagu jira oo ay maanta taagan tahay Iskaa wax uqabso

    Ceeldade waxaan filaayaa in ay heerarbadan soomartay laaakiin maanta ay taagan tahay Heermagaala
    waxaan filaayaa Dadka reeceelcade in ay taabteen hormar lataaban kara
    waxay ilatahay in xooga lasaara hormarka aasaaiga ee u’baahantahay Bulsahada kudhaqan gagmada Sida caafimaadka waxbarasha iyo waxii lamid ah
    kolay ceelcade sanadya maanan tagin kaakiin waxaan dareensahay isbadal wayn in uu iga danbeeyay
    aad ayaan ogu hanbalyaynaayaa ree Ceekcade .

    Wc

  49. February 11, 2010 at 7:35 pm

    waxaan salaan qaali ah hawadda umarinayaa dhamaan reer celcade gaar ahaan macalimiinta iyo ardayda degmada oo aan oran karo runtii waa jiritaanka degmada celcade iyo horumarkeeda waad salaamantihiin macalimiin iyo ardo mar labad iyo mar sadexaadba……… anigoo waliba siweyn oogu faraxsan in dufcadii oogu horaysay ay kaqalin jabiyeen degmada rutiina taas waa hormar lataaban karo, sidoo kale waxan umahadcelinayaa qurba joogta reer celcade oo runtii amaan weyn kuleh wax barashada degmada.

  50. February 24, 2010 at 10:26 am

    REE CELCADE / surely mukoo sawa waxaan leeyahay keep it up for there folowing resons
    (I) envoroment cleanesas
    (2) medical provesional
    (3) helping poor peopole
    U AS CELCADE BOY KEEP CLEAN FOR THESE REASON
    FROM THE IBROS
    I LOVE CELCEDE
    WEATHER COMDITION OF CELCADE IS NISE NO COOL NO HOT ITS CALM ON ENY TIME XAAAAAAAAAAAAAAX CELDADE IS DEVOLOPING CITY

  51. February 26, 2010 at 1:10 am

    Walaal siday ilatahay ceelcade degmo manoqon karto sababtoo ah wax badan ayaa kadhima shuruudihii buuxinayay

  52. February 28, 2010 at 9:55 pm

    reer garaad waa waashay war hadaad ugaas mareexaana xoog ku qaadateen hadana ma degmo xoog ah ayaad sanka naga galinaysaan reer garaadow meel naga fariista umada si wada jir ah wax ugu qabta iska daaya ceelcade kaliya ee aad khayraadka kusoo koobaysaan waxaad leedihiin dabeecada idoorka
    somaliland bay kuwaasheen ayagoo haysta siyaasad waasac ah
    marka isku daya somali oodhan inaad wax uqabataan sidii reer diini ay somali wax ugu qabteen okale
    midakale ninkaan ugaas maxamed wali waa nin caqli badan
    somali iska daaye aduunka oodhan wuu hogaamin karaa
    ee nimanyohow kor ubaxa mareexaankii baad kusoo noqoteen xabxabadii baad hoos noogu dhigteen kor nooga qaada bahasha magaciin jirye

    • April 20, 2010 at 9:34 am

      walaal; jaamac kafariiso reerku waaduuaan e yyay san kuqaadine wana waxay uqalmaan dhamaan waxay sheegteen

  53. March 6, 2010 at 10:48 pm

    Waxay ila tahay in aan xiligaan ceelcade aan degmo la oran kari sababtoo ah waa in ay buuxisaa sharuudihii loogu talagalay

  54. April 5, 2010 at 8:34 am

    mr sxb waan kusalaamay salaan qaali ah sxb waxaan ku su,aalayaa adoo raali ah ma ii sheegi kartaa waxa ceelwaaq dagmo ka dhigay amaba buur dhuubo ceelcadana u diiday adigoo og hormarka ay ku talaabsatay dagmada ceelcade ok sxbkey waxaan kugu waaninayaa in aad is ka dhaafto qadiyada xun ee kusalaysan afaara qabiilka ? waxaan kaloon intaas raacinayaa cidkasta oo soo maali ah oo u baahan deeq waxbarasho ilaa high school oo waliba lacag la aan ah in aan u fidinayno ok saaxiibayaa markale ku soo dhawaada dagmada eel ade

  55. April 5, 2010 at 8:38 am

    hahahah eel dae waan jeclahay i lv eldae cidkasta oo mucaarada dag jalaq usiin mayno insha allah horumarkeenana waa uu soconayaa ok cu

  56. Salam
    April 7, 2010 at 11:19 am

    Waa cajiib caqligan dadkan dhaafin la’ ceelcade waa dagmo maye ma ahan. Dabcan dhamantin ugu yaran reer gedo ayad tihiin, ka fikara dhibta iyo rafaadka macluusha ka jirto gobolkii, dhabtii waxad tihiin dad ku xayiran scope aad uyar caqli iyo fakar intaa kawayn ayaa idin sugaya waxaan micno lahayn waqtiga yaan lagu dhumin. dee warka caynkan oo kala ah dabcan waa laga fili karaa nacas aan wax baran oo fadhi kudirir ka qalin jabiyay. Umad islami ah ayaa idin sugaysa ku xayirnaada goobada yarta ah masakiin.. Mida kale yes waynu ognahay ceelcade iskuul sare ayay leedaahay nadam iyo dagnan ayaa ka jira , nacas intaa qiri la’ maxaa ooga daatay ceelcade..

  57. April 15, 2010 at 7:59 am

    sxb ra, yigaaga ma xuma laakiin hadaad tahay nin wax bartay soo kuma haboona in aadan la caytamin kuwa jaahiliinta ah ilaahay quraan kiisa waxa uu ku leeyahay wa acridh canil jaahiliin mar sxb adigoo raali ah ma kula tahay adoon horumar gaarsiin gobolkaad ka dhalatay in aad umad kale horu mar gaarsiin karto ok dabcan arinta ah degmanimada hadaan u soo laabto waxaan filayaa in cidkasta ay ogsoontahay in ay ceelcade degmo tahay balse kuwa qaa imiinta ah had iyo jeerna ku tala,maayoin ay ceel cade burburiyaan iyaga oo adeegsanaayo saxaafada waa in aan ka hortagnaa hadaan nahay el dae youth clup hadaanan ka hortagin kuwaas iyo kuwa ka aqliga xun ee maanta madaxda inoo ah oo aanan barin in ay ceelcade tahay hooyada gobolka ama meesha kali ah ee la oran karo waxay barbaarisaa diinta islaamka marka loo eego gobolka intiisa kale ok

  58. April 15, 2010 at 8:08 am

    who will seperate the united of elade youth never

    what i am sure elade youth they are well organize?

    who is ready to particibate the organization of alade youth if you are ready we are wellcoming you ok pz join elade.4t.com this is our web our email is eladeyouth.net ok

    wellcome
    elade youth is one

  59. April 15, 2010 at 8:20 am

    waxaan rabaa in aan u jawabo nin lamagac baxay wiil reergado ah sxb waax kusu aalayaa first are you educated person pz if u are an ignorant reson dont disturb other people who are exploring the hight second i am advicing u to come el ade and learn some thig if u learn somthing u will respect el ade distrct ok halagu arko hadaad tahay nin wax fahmaayo hadii kale fadhi kudirika kuduqoow waanadas waad qaadan saan filaayo haduuqalbigaaga qoyanyahay in yarna allaha ka dhigee hadii uu qalalayna waxaad kamid tahay ahluqubuurka sxb yaanan kugu dheeraane soodhawoow ayaan ku leeyahay

  60. April 21, 2010 at 11:15 pm

    asc walaalayaal wan kaxumahay dadka ceelcade aan arag oo fikirada daciifka ah ka bixinayaan ceelcade waa magaalada kaliya oo qof islaam ah aana lagu dilin qof xabad ku dhacday oo ku dhintayna uusan jirin saas darteed waxay mudantahay in loogu yeero daari,salaam waana meesha leh dugsiga sare ee gedo oogu tayaha badan waxayna mudantahay in loogu yeero hoyga hor u marka umada gobol waa meesha lagu heshiisiiyay in badan oo ehel ah oo dagaalo dhex mareen waxayna mudantahay in loogu yero hoyga maslaxad dhalinta gobolka, dadkeedu waa nabad dhaqankeedu waa diin fikirkedu waa hor u mar intaas oo wanaag ah iyo hor umarka aay samaysay aya dagmo kadhigtay kadib waxaan iin leenahay walalyaal kudayo ceelcade ku dayo siday bulshadeedutahay kudayo sidii hormarkeeduyahay ku dayo sidii amnigeeduyahay kudayo qofki caqli lehna wuu kufarxi qofki doqon ahna allaha soo hanuuniyo by garaad ibra

  61. May 10, 2010 at 7:20 am

    سلا مى على عيلعد ومن حل فى عيل عد…وان كان تسليمي علي بعد
    سلام حماها وحياها بقهقهة الرعدي
    اولا اسمى عبدالعزيز

    كنت طا لب من طلاب مد ينة عيل عدى ولدت فيها وتررعت/// لا يختلف اثنان انها تقدمت والدى يريد ان ينكر نقول له dayah sobaxay sacabada maku qarin karta

    وايضا نقول
    قم في فم الدنيا وحى عيل عدى…….وانثر على سمع الزمان الخوهرى
    وادكره بعدالمسجدين معظما …..لمساجد الله اللاث مكبرا

    حياكم الله استمرو في دالك

  62. May 10, 2010 at 7:47 am

    marhadii aad hilmaantay fadhigaraad inan gumeedow waxay ila tahay in aad ceel caddana hilmaani doonto goor aan fogayn waad dheeraynaysaa

  63. May 19, 2010 at 5:16 pm

    A/S salaan kadib waxaan walaalaha kuqora ra,yidooda usoo jeedinayaa in ay iska daayaan caadifiyadda haday yihiin qoladda rer celcade iyo kuwa kale ee fikrad ahaan kasoo horjeeda tusaalle ahaa al akh ilaawe oo kale waxa uu qoray waa wax anshaxa wanaagsan ka fog, waa fariin xambarsan xaymmiyadii jaahiliyadda iyo yaa qowmiidii waxaas oo kale looma baahno in waqti lagu bixiya lana qora, dhankale qoladaaan rer ceelcade waa sax in ay celcade xoogaa hormar ah kutilaabsatay markii loo eego meelaha qaar gedo lkn ilaa xad in laga bad badiyo iyadana loma baahno.
    ogu dambayntii waxaan walaalaaha ujeedinayaa in qofkii wax kuqoraayo boggaan uu ilaaliyo anshaxa wanaagsan si loo helo bulsho rer gedo ah oo midaysan kafog qoqob iyo anaga her fulaan ah iyo magaalo helbo anagaa leh iyo waxyaabahlamidka ah loona jihaysto soo bandhigidda waxyaabaha ay dhalin yaradda kafaaidaysan karaan naftana ku farxi karto marka ay aqrinayso intii la qori lahaa waxyaabo qofka aqrinaayo ku xambaari karo inuu jawaab xun kabixiyo wax ninkii kahoreray qoray oo markaas bogga uu isku badalo sida muqata meel lagu caytamo.

    Thanks all

  64. June 1, 2010 at 7:04 pm

    ilawe let me tell u something, the English prophet says never argue foolish people my not now the difference so i don,t to use the same ward that u use before but i need to give u good guidance.
    please go and learn something?
    please stop the backward ?
    lastly go and learn holiyquran.
    if u come eldae we will teach u what is education ok
    by i am greeting all elade youth association

  65. June 26, 2010 at 4:14 am

    Qofka celcade wax ka sheego ma aha qof arkay waligiis laakiin qofka arko ma uusan wax kasheegeen. • Celcade qof laga soo cayriyey malaha.

  66. jaamac sh m maxmed
    July 3, 2010 at 8:17 pm

    walaalla yal ceel cade waa meel fiican oo ku taalo martamaha gedo weligeedna dhib kama dhicin sababtoo ah meel uu usoo maraba malahan maxaa yelay waa xuduntii gedo oo waaa lagu wareeg sanyahay marka inta wax qiimeysaan ceel cade degmo magaarinee kadaaya shidaynta tankale yay xukimi oo hoos imaan ceel cade hadii ay degmo noqoqto meeshaan jifada ay degantahay waligeed degmo ma noqonayso maxaa yeelay waa xaafad ay jifo degentahay hadii ay noqotana buraana waa degmo iyo ceel guduud hadii kale naga daaya buunbuuninta sxbayaal hamoodina in aan necbahay ceelcade waa meel ay ku badan yihiin eheladayda laakiin waxaan ka hadlayo waa saan qabo ama aan jeclahay mahada sanidiin

  67. July 10, 2010 at 9:27 am

    war ceel cade amaan ma ahane cay malahan c u asxaabta dhamaan

  68. July 16, 2010 at 12:44 pm

    wan idin salamaya dhaman reer ceel cade ani go ah reer ceel cade waxan la iyi raha daa cabdishakuur sh cabdulahi salad oo joogo niribi waxan idin kugu ham balaynayaa ceel cade in ay no qo tay deg mo, w

  69. Dr tiger
    July 16, 2010 at 9:29 pm

    asc
    I think no body can hide or ignore the progress of elade. El-ade is a well developed district, there are all community services such as eduction up to secondary, well equiped hospital and telecommunication.

    so the question is what does elade lacks, I don’t know wht is missing.

    if you need calm whether, education, good care of health, fresh milk and developed community please visit the britoria of somalia – EL-ADDE

    even two days can make you a great sence and change

  70. dinix
    July 20, 2010 at 5:11 pm

    saaxiib ceelcade waa mel ay jifo yar dagan tahay ee marka hore haladhiso kadib haloo codeeyo inay noqoto degmo

  71. August 24, 2010 at 8:03 pm

    a/s/c walaalayaal waan idin salaamay marka hore marka xiga waan idin hambalyeynanaa hormarkaad gaarsiiseen degma ceelcade runtii ani waan kudhashay ceelcade anoo yar baana katagay lakin waax xasuustaaa waa meel aad u wagaansan oo diinta ku hormarsan iyo wax barasha i love ceelcade

  72. September 9, 2010 at 9:22 am

    thaks mr khliij35 sxb wxaa tahay nin wanaagsan gabaygaagana waa mid qiiro leh waxaan jeclahay dhalinta soomaaliyeed in ay aragti dheeraad ah ka qaadan doonaaan?

    anigoo ah ardaysoomaaliyeed kana soojeeda dagmada elade waxaan sidoo kale ku baraa rujinayaa in dhalinta ay is xilqaamaan iskana dhaafaan wax yaabaha dibudhaca nagu keenay ninkasta ishiisaa umacalin ah mark sxbyaal aynu dadaalno waynu gaaraynaaye

    my name is farhan
    place : kampal

  73. ninku yaqano
    September 16, 2010 at 10:39 pm

    ninka sheegtay dinix sxb ceelcade cid khaas ah haday dagto cidna waxbo kuma yeesho inay soo dhawayso ma oyee mida kale waliga ma aadan arag cid kusoo dhawayso ma oyee canug xitaa kula dagaalo waadna ogtahay maalintii aad ceelcade imaaday wixii diif kaa muuqatay wana meeshii aad gaajada ooga baxday lacagtaad ka qabatayna aad jamacada ku aaday kuna guursatay waxan filaya hadaad dagi lahayd meelo kale oo gedo makid ah sidii ajinabigii aya laguu guumaysan laha , dantuna waxay kugu kalifi lahayd meelaad ku ganacsato markaad waydo inaad qoryahadi iska gurato ama aad ku dayato ood noqoto isbarooleey sxb marka hore alle kumahdi kadibna ceelcade amaan thank u bro dinix sxbkiis

  74. September 26, 2010 at 6:20 pm

    anigoo kamid ah ardada waxku barata dagmada c/cade waxaan uhan bal nay nayaa dad ka dagmada c/cade waxaan ygu han bal naynaa horu mar kooga waxaana lee yahay haka daa lin labalaaba c/cadana cida caayaysa wax bo kama tarayaan wax bana kama nus qaa minayaan anagana waan ku dadaa lay naa horu mar ka wax barashada anoo ah mucaawiyah rashka

  75. September 26, 2010 at 6:23 pm

    anigoo kamid ah ardada waxku barata dagmada c/cade waxaan uhan bal nay nayaa dad ka dagmada c/cade waxaan ugu han bal naynaa horu mar kooga waxaana lee yahay haka daa lin labalaaba c/cadana cida caayaysa wax bo kama tarayaan wax bana kama nus qaa minayaan anagana waan ku dadaa lay naa horu mar ka wax barashada anoo ah mucaawiyah rashka c/cado waa meesha gobolka ugu saray so wax barashadeeda waana dag mada ugu nab doon oougu diinta badan

  76. October 23, 2010 at 7:32 pm

    dinix waa min wareersan anaa aqaan allana ibaray waa cunug fadaq ah ceelcadana ku dhashay anyway nin kaas waa nin yar ee hadalkiisa waxba ha u arkina

    waa raali galin ka timid nabadoonka beesha reer guri ,com

  77. January 2, 2011 at 12:10 pm

    dhamaan waad salaamantihiin, waxaan rabaa inaan waxyar kadhaho ceelcade sidaad ogtihiinba ceelku waa meel barakaysan marka meelbarakysan miyaan u diidi karnaa magaca yarka ah ee layiraahdo gobol waxaan umalynayaa jawaabtu waa maya waad mahadsan tihiin

  78. May 31, 2011 at 7:52 pm

    kkkkkkkkkkkk waa yab ceelcade baaba qatar lugu sheegayaa tuuladii yarayd oo labad layn ahayd

  79. Sharmaarke
    July 28, 2011 at 10:10 pm

    cajiib, dadka ceel cade ka hinaasey degmanimadeeda maxaa ku kalifey xaasidnimada reer ceelcade weligood reero kale kuma duulinee ma horumarka ceelcadaa cuqdad laga qaadey kkkkkkkkkkkkk

  80. C.nasir
    April 10, 2012 at 3:28 pm

    Ceelcade wa dagmo yakuhaysta waxay kutala bartamaha gedo waxkasta way kuhormartay waa dagmo waxay kaficantahy dagmoyin badan yakuihaysta please haku cebobin

  81. May 26, 2012 at 2:32 pm

    dhamaan waaaaan salaamaya aqyaarta sharafta leh salaan kadib waxaan kufarxsanahay in aan ahay muwaadin somaliyeed kasoojeeda demada ceelcade, i misss EL-ade , and will be back, it is my final distination

  82. Well-wisher-girl
    August 14, 2012 at 8:13 pm

    Assalamu alaikum abtiyal/habaryal
    wow! I was so delighted abt the information u gave abt cel-cade.
    Am so happy 2 hear its development and progress…
    Masha Allah! Congrat!!! Keep on infoming us more abt that brilliant and beautiful worth 2 be visited place
    am gonna pay a visit and c 4 maself that beautiful land of ma rer abtis
    INSHA ALLAH
    MAY ALLAH RESTORE ITS PEACE AND HARMONY BACK… AMEEN
    IT WAS ONCE SAID “EVERY VIRTUE AND PROPARITY IS ENVIED”
    IF U HATE CELCADE THEN THE HATRED IZ GONNA KILL YA.. CUZ U CANT DO ANYTHNG 2 STOP ITZ PROGRESS
    HATERZ GONNA HATE… PEROID!!!
    BOTH THUMPS UP!!:)

    • Amina zahraa
      January 3, 2013 at 4:10 pm

      Asc dhaman wan idn salamy sln kadb angu waxn kamid ahay ardayda celcde waxkuso brtay ila d/sare wana ku faraxsanahay in lo magacbo dagnimo wayna u qalanta mida kale nagta laga so cyriyay celcde ayada saqarjan ahayd wixi loga so cyriyay byna qbta anga celcdo wan jogay rux laga so cyriyayna majro ok by by iyo asc

  83. October 7, 2013 at 11:11 am

    Celcado wan ku dhashay wan ku barbaray wana ku tclimay celcado wa mel can ku ahayd nabada balsa nasib daro sanadi ogu danbaysay ayay nbad la’an ku soo baxday

  84. May 18, 2014 at 1:13 pm

    Celcace waxay ku socotaa hormar dhinacya badan leh Waxbarasha Biyaha & dhinacya bada Magaalada waxa ay kusocota fiditaan xowli ah …. waxay aya lajaan qaadi dontaa qaab dhismeedka magaalooyinka

  85. May 21, 2014 at 6:48 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk reer garaad degmay yeshteen miyaa waaan sodhawaynaynaa reer abtigay

    • c.kariim mohamud shiekh hassan
      August 26, 2014 at 7:41 pm

      mansha alaah ceelcadaay habaylihin waligaa kuhormar nabad iyo barwaaqo waxan ahy wiil somaliyeed waxan jclahy dhaman inay hormar baxad weyn inay somaaliyo gaarto kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk r…..g hormar barwaaqo iyo galgaceyl ayaan inrajeen hayaa walalaha ceelcade

  86. September 8, 2014 at 9:11 pm

    Asc salan kadib magacayga oo sadexan wa Abdisamed mohamed dhaqane waxan kasoo jeeda Degmada Ceelcade ee Gobolka gedo soomalya
    Run ahaantii sida taariida ay qorayso ceelcade waxaa la’as aasay sanadkii markuu ahaa 1960 run ahaatii waxay ku hormartay Degama waxyaabo aan is dhihikaro waxay ogahoraysaa hormar aysan degmooyinka kale aysan gaarin hadaan qaar kamid ah aan xuso sida waxbarashada Iskuulada Cafimaadka(isbitaalda) iyo dhismooyin cusub oo kasocda runtii lamasookoobikaro hormarka Degmada ceelcadde

    waxyar oo fariin salaan aan udiraayo
    mucalamiintayda iyo waalidiintayda
    ayaa kudarsanayaa
    Halkaan waxan kasalamyaa my teachers
    Abdullaahi (xaad)
    macalim Xareed
    macalim kuuku
    macalim axmed abudulaahi
    iyo dhamaan mucalimiinta oo dhan asc waraxmatulaahi wabarakaatu

    waxa kalo salamaya walidiintayda oo u horayso
    Hooyaday macaan Ruqiyo maxamuud
    Hooyaday muulaaxo
    Hooyaday Xaliimo
    iyo awowgay Salaad
    Dhamaan waalidiintayda adinkoo iskuduuban waxaan idin leeyahay Asacalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu ..

    waxa kalo salaamayaa bahda websaydka dhamaantiin Asc waraxmatullaahi wabarakaatuhu

  87. September 14, 2014 at 8:53 am

    maansha allaah ceelcadde waaa dagmo ku hormartay wax barashada

  88. September 21, 2014 at 8:27 pm

    ASC W W
    salaan kadib My Name
    Abdisamed Mohamed Dhaqane
    waxan kasoojeedaa degmada hormartay ee Ceel cadde Gobolka Gedo
    waxbarashada ilaa heer dhexe waxan kusooqaatay degmada ceelcade
    runii degmada ceelcade waxay hooyo utahay dadkii waxkusoobartay waxaa waajib ku ah in ay xasuustaan dadkii wax kusoobartay
    xaqiiqdii waa degmo ku hormartay waxbarashada
    iyo culuumta islaamka iyo culuumta maadiga ah
    waxa geed dheer iyo geed gaaban u koray mas uuliyiinta Agaasimaha waxbarashada
    Al ustaad Aadan Abdi Qarash
    dhinaca waxbarashada waxa utaagnaa maamulaha iskuulka ceelcadde
    Al ustaad Abdullaahi Xaad iyo
    Al ustaa Xareed oo uu
    dhigo dugsiga sare iyo
    Al ustaad macalin Qaasim macalin Cali
    Dhamaantood ayagoo iskuduuban waxaan leeyahay marlabaad Jazzaa kumullaahu Kheyru Jazaa
    Allaha idinlagarabgalo dadaalkiiina isha allaah
    Hajirto Degmada Ceelcadde Ee gobolka gedo

    waxan si qaas ah an usalaamayaa
    Hooday Ruqiyo Mohamed Mahamuud
    iyo Abtigay Macalin Hassan Mohamed Mahamuud
    Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu

  89. October 11, 2020 at 8:17 pm

    Adeer mohamed ayaa imanax

  1. No trackbacks yet.

Leave a reply to المهندس الزراعي Cancel reply