Home > Uncategorized > Shirkadda Isgaarsiinta “Hormuud” oo soo gabagabaysay Telefoon galin iyo Taagidda Towers-ka Isgaarsiinta degmada Ceel-Cadde

Shirkadda Isgaarsiinta “Hormuud” oo soo gabagabaysay Telefoon galin iyo Taagidda Towers-ka Isgaarsiinta degmada Ceel-Cadde

El-adde District Towers

El-adde District Towers

Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku guulaysatay dhamaan inay telefoono raqiis ah ka hirgaliso degmada Ceel-Cadde gabi ahaanba. Iyadoo ay soo gabagabowday balaarintii ay beryahanba ka wadeen halkaas. Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dhamaystirtay  Yagleelidda Taawerada Isgaarsiinta ama loo yaqaano Siimanka, si ay dadka ku nool deegaankaan u helaan isgaarsiin ku filan oo faseex ah.

Dadka degmada Ceel-Cadde ayay u suurtagashay inay isla xiriiraan, lana xiriiraan dadkooda qurbaha ku dhaqan iyagoo helay telefoon (Cell Phone) aad raqiis u ah, kana jaban kan ay ka hirgalisay meelo badan oo gobolka Gedo ka mid ah. Waxaa dhibaato badan uu ka haystay dhamaan dadka ku dhaqan gobolka Gedo xagga Isgaarsiinta, oo magaaloyin badan aysan lahaan jirin Isgaarsiin ku filan, isticmali jirayna khadka loo yaqaan “Lane-line” ama “halow-halow” lagana soo xiri jiray magaalada Muqdisho, aadna qaali u ahaan, oo xitaa mararka qaarkood aysan kuu suurtagali jirin inaad hesho qofka aad raadinaysay

Nasiib wanaag Hormuud ayaa ku guulaysatay horumarinta gobolka, una suurtagalisay adeegyo badan oo ay dadku u baahi qabeen. Waxaa kaloo xusid mudan inay samaysatay mas’uuliin uga wakiilka ah deegaan walba. Taasoo qayb ka ah, shaqo abuuridda loo baahan yahay in la sameeyo.

Maamulka Degmada Ceel-Cadde waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo diyaar u ah inay maalgashato degmada, sida shirkadaha xawaaladaha, isgaarsiinta, hay’adaha maxaligga ah IWM. Iyadoo loo balanqaadayo amaan sugan, iyo amaano dhab ah.

Ceel-Cadde Press.

Categories: Uncategorized
  1. Mohamed Yare
    February 10, 2010 at 8:37 pm

    waxay kamid tahay isgaariisnta waxyaaba aadka loogu baahanyahay

    waaaa guul lataaban kara waana tallaaba dhanka dhanka hormarka .

    waaa hormar aaan caadi ahayn

    Wepka aad aynaan ogu boga waxaanda diyaar uhay in aan lashaqeeya Howlwadeenada .

    Warsameciya@yahoo.com

    wc

  2. Qalinka
    February 13, 2010 at 9:15 pm

    ASC.

    Salaanta Islaamka ka dib, waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Dadka iyo Mas’uuliyiinta Degmadda Ceel-Cade Gobolka Gedo, hufnaanta iyo dadaalka ay muujiyeen. Taasoo laga xusi karo Iskuulka Hoose-Dhexe iyo Sare ee ay Dadka Ceelcade iskaada u dhisteen. HAMBALYO.

    Fadlan waxaan jeclahay inaan arko SAWIRKA guud ee Degmadda Ceel-cade iyo gaar ahaa Muuqaalka Iskuulka iyo Xarunta Caafimaadka.

    Waad Mahadsan tihiin.

  3. Salam
    April 7, 2010 at 11:27 am

    Assa. Runtii aad ayan ugu faraxsanahay hormarkaa xaga isgaarsinta ee lagu talabsaday. Waxaan codsanayaa dadkan is xilqaamay ee waqtiga ku baxshay webkan yar inay update ka dhigaan noona soo gudbiyan wararka caynkan oo kale ah.

  4. September 4, 2010 at 9:13 am

    Asalamucaleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
    waa wax lagu farxo aaladaan isgaar siineed sababtoo ah ceel cadde way ubaahnayd
    isgaarsiin waana deegaan aad ubaaxad weyn sidaas daraadeed ilaah baa mahad leh
    oo suurageliyey arin kaas iyo dadkii fikirkaas lahaaba wayna mahad san yihiin
    intaas waxaa dheer nabad baa naas lanuugaleh Nabadakuda,daala walaalayaa
    asalaamu caleykum adan cadde

  5. Miss Norway
    October 21, 2010 at 12:15 am

    acs wr wb..
    mansha allah waa wax lagu farx runtii sideey ceel cade usii hormareeso,,
    … mardhawna insha allah korontadii ayaa la galinaa iyo biyaha

  6. March 17, 2011 at 7:16 pm

    baardheere.com ayaan ka akhristay iskuulada Gedo. Waxaan jeclaan lahaa meel aan ku arko tirakoobka iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Ceel Cadde.

    Kulyada Farsamada Baardheere ama Bardera Polytechnic iyo Jaamacada Gedo waxaa dhigto arday Ceel Cadde ka timid laakiin wali meel kuma arkin tirada ardayda Ceel Cadde.

    Waxaan warbixin ku maqlay 9 arday oo dugsiga sare ee Ceel Cadde ka baxday inay jaamacad kal heleen wadanka Suudaan, gaar ahaan Jaamacada Caalamiga ee Sudan, Sudan International University.

    Fadlan tirakoobka iskuulada isku daya inaad soo bandhigtaan.

    MAHADSANID TAFAFTRIE

  7. November 9, 2011 at 12:05 am

    runtii websadka aad buu macqull u yahay waana kuwa og dhaw oo runta sheego
    Thanks ceelcadde for the share

  1. No trackbacks yet.

Leave a comment