Home > Uncategorized > Goobaha Ganacsiga oo ay Al-shabaab ka bur-buriyeen Degmada Ceel-Cadde, Gedo

Goobaha Ganacsiga oo ay Al-shabaab ka bur-buriyeen Degmada Ceel-Cadde, Gedo

Warar aanu si toos ah uga helayno maamulka ka arimiya degmada Ceel-Cadde ayaa sheegayo in dhawaan la bur-buriyey dhismooyin si sharci darro ah looga dhisay degmada Ceel-Cadde, lagana bur-buriyey dhismayaal cooshash ah oo ay dad danyar ah ay ku ganacsan jireen oo loo yaqaano “waratada”  suuqa

Mar wax laga waydiiyey sababta keentay in la bur-buriyo suuqii degmada iyadoon loo helin meel kale dadkaasi danyarta ah, maamulka degmadu waxaa uu sheegay inay markoodii horeba ahaayeen dhismayaal sharci darro ah, isla markaasna haleeyey bilicda magaalada. Nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha degmada Ceel-Cadde waxaa uu sheegay inay damacsan yihiin inay dib u habayn ku sameeyaan hanaanka degmada (layout), iyo inay damacsan yihiin inay dhisaan xarun cusub, iyo goob ganacsi oo casri ah, laakiin aysan hayn dhaqaalihii lagu hirgalin lahaa mashruucaas.

Ninka dhalinyarada ah ee sheegtay gudoomiyanimada Ceel-Cadde waxaa uu qiray inay yihiin dhalintii ku dhalatay, kuna barbaartay deegaanka Ceel-Cadde isla markaasna ay dadka degaanku ay raali ka wada yihiin maamulkooda, taasoo aan xaqiiqadeeda la ogayn.

Mar dhawaan ay howlgal ka fuliyeen deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay xaaqeen dadkii miislayda ahaa ee noloshoodu ay ku dhisnayd waxa yar ee ay ka helaan miisaska u yaala bartamaha magaalada. Waxaa lagu soo waramayaa in dad badan oo dan yar ah ay waayeen noloshoodii daruuriga ahayd, isla markaasna uusan maamulku waxba ka oran hantidoodii la burburiyey

Arintaas dhaqaale la’aan waxay cadayn u tahay in Al-shabaabka ka taliya guud ahaan gobolka Gedo inayan  helin taageerada dhaqaale ee ay haystaan kuwa kale ee ka dagaalamaya guud ahaan dalka sida Mogadisho iyo Kismaayo.

Kala duwanaanshaha Al-shabaab Gedo iyo gobolada Kale ayaa si aad u soo ifbaxaysa, ka dib markii Howlgaladii laga fuliyey Kismaayo, hantiilayaashii dhaqaalahoodii lumay loo celiyey, qaarna balan qaad loo sameeyey. U fiirso, Awooda iyo dhaqaalaha  ay Al-shabaab ku leeyihiin Koonfurta inteeda kale: Waxay la soo degaan hub casri ah, waxay magdhaw siiyaan dadka ku dhinta dagaalada ay galaan qaraabadooda ama caruurtooda, waxay hadda balanqaad u sameeyeen dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Bakaaraha.

Hadaba su’aasha meesha taalla waxay tahay, kuwan Gedo miyaysan magac iyo Xisbi la wadaagin kuwan kale, miyaysan xiriir lahayn maamulka Sare ee Xisbiga Al-shabaab.

Categories: Uncategorized
  1. ahmed
    February 7, 2010 at 6:49 pm

    kkkkkkkkkk tuulada ceelcade meel ma ahan waa tuulo tuulo maxaa laga burburin

  2. masha'allah
    February 7, 2010 at 9:46 pm

    mashaallah Ceelcadde dadkeedii baa u kacay, horumarna garisiyey. Alshababa alaha ka qabto.

  3. Mahad Adan Abdi
    February 8, 2010 at 8:22 pm

    A/caleykum, Aad ayaan ugu faraxsanahay in deegaan ka mid ah gobolka Gedo uu hor’umar sameeyo, waxaana sidaas keeni kara dadka udhashay deegaanka, Ceel-cade waxaa degan dadka ugu fekerka fiican gobolka gedo, sababtoo ah magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka dad ayaa sheegta inay ubadanyihiin ama ay iyagu leeyihiin, lakiin wax hor’umar ah oo ay soo kordhiyeen malahan inay dib udhac ku ridaan ma’ogiye,
    waxaan u hambalyeeynayaa reer Ceel-cadde oo aan leeyahay waad niyad wanaagsantihiin Allaha idinla garab galo, cid kale ha’isku haleynina oo aanan ilaahay ahayn, dibna ha’ufiirinina magaalooyinka dib udhacu kajiro Ceel-cadde ayaa caasimad noqon doonta mustaqbalka Insha’Allaah.

  4. ggg
    February 8, 2010 at 9:43 pm

    I LOVE CEEL CADE WALAAHI

  5. Bardheere Yare
    February 8, 2010 at 9:44 pm

    i love ceelcade

  6. cabdiqaadirgaaciye
    February 9, 2010 at 5:29 pm

    waxaa mamnuuc ah ruux aan mas uul ahayn in uu dad hormarsameeeyay wax ka sheego sida mid aan naftiisa waxba uhayn ee ko kuxusan walaalayaal waxaas waa xush mad daro waana idin ka waa ninayaa dhalin yarada REER GEDO siiba kuwa mucaaradka ku ah REER CEEL CADE waa MAHADSANTIHIIN C/QAADIR GAACIYE

  7. February 10, 2010 at 3:25 pm

    asc all akhyarta halkan ku soo bandhigay fikirkoda aniga waxaay ila tahay ceelcade hadii laga helo 2 arimod waa dagmo hadii laga wayana wa tuulo.
    1: timajare
    2: baalashle ama kaba tiritire-
    marka waxaan in waydiiya rer ceelcade 2 daas arin ma leedhaya ceelcade? waa sual jawaab u bahan

  8. February 10, 2010 at 3:28 pm

    mida kale tuulada markii igu danbesay waxa jirtay meel ( warr) ama harre) oo aad ku magacabi jirteen ( warrxareey) marka magacii maka badasheen maxaadse u bixiseen hadii magacii la badalay? waad mahadsantihin

  9. khaalid
    May 18, 2010 at 6:40 am

    waad salaaman tihiin dhamaantiin aqayaarta sharafta leh waxan layaabanahay ninkaan labaxay magaca umar waxa meesha uu ku soo qoray baalashle ama tima jare war waxaas waa wax lagawaynaaday qofkasta waxaa guriga u yaalo mishiin u madaxa ku jarto ama qalab casri ah oo ay kabaha ku baalashtaan marka waad danbaysaa ee aduunka lasoo qabso ceel cadde dad kedi ayaa ukacay qaarna ganacsi ayay aduunyada dacaladeeda kuyeeshen oo waa kuwaa ceel cadde city kadhigay waxay ubaahantahayna aysan jirin ilaah ayaa mahadaas iskaleh ree ceel cadde i knaw inaa dad wanaagsan tihiin but dont be tired , see u gays and i realy love my city, and we wil get the result insha,alllah every bady be happay kkkkkkk

  10. January 24, 2011 at 9:02 am

    mashallah waan ku faraxsanahay magaaladeyda oo saas noqotay ilaahay ha la garab galo

  1. No trackbacks yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: