Home > Uncategorized > Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato

Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato

Degmada Ceelcadde oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay isu diyaarineysaa sameynta maamul degma oo ka kooban qeybaha kala duwan ee maamulka sida guddoomiye, ku xigeenka, xoghaya maamulka iyo qeybaha kale ee waaxyaha hoose. Guddoomiyaha degmada Ceelcadde ayaa sheegay in degmada Ceelcadde ay ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo ee ay ka soconayaa ololaha maamul u sameynta, isagoo sheegay in degmadu xilligan ay mudan tahay u sameynta maamul buuxa oo la qeyb noqda maamullada kale ee laga hirgalayey degmooyinka gobolka Gedo, kuwaas oo hadda qaarkood la soo gabagabeeyey qaarna ay socdaan.

 Guddoomiyaha hadda ku magacaaban degmada Ceelcadde Cabdi Maxamed Cabdulle oo isagoo ku sugan magaalada Garbahaarey u waramay Gedoweb ayaa sheegay in qorshaha ah ku sii biiritaanka Ceelcadde degmooyinka maamuladda sameysanayo ee isku tashtay ay kala xiriireen wasaaradda arrimaha gudaha dolwdda KMG Somalia, islamarkaana ay ka aqbashay, una soo jeedisay in ay dhismaha maamulka degmada Ceelcadde soo dedajiyaan sida ugu dhaqsaha badan, wuxuu intaa ku daray guddoomiyaha Ceelcadde ee dad u dhashay degmadaasi ay dhaqaalle ahaan ugu deeqi doonaan arrimaha mamul dhisidda.

 Degmada Ceelcadde oo sanadihii u danbeysay si aad ah u dhismeysay ayaa sanadkii hore ee 2007 waxaa ay taasi ku  muteysatay in wareegto ka soo baxday dowladda federaalka lagu magacaabo kamid noqoshada Ceelcadde degmooyinka gobolka Gedo, hase ahaatee hadalkan manta ka soo yeeray mas’uul u sareeya degmadaasi ayaa ku soo aadaya xilli shalay maamul cusub lagaga dhawaaqay degmada Ceelwaaq ee xuduuda ku taalla.

          Gedoweb Garbahaarey

Categories: Uncategorized
  1. January 22, 2008 at 5:18 am

    waad salaamantihiin dhammaantiin

  2. saytun osman
    January 31, 2008 at 6:45 am

    waa ilatahay inaya mudantahay c/cade dagmo waana war wanaagsan hadaan kadhiibto fikirkayga waadna salaamanyihiin dhamaantiin

  3. saytun osman
    January 31, 2008 at 6:51 am

    magaranayo waxa laisugu mashquulinayo in c/cade loo magacaabay dagmo maxaa jira waxaa yaala waxyaalo arintaas kamihimsan waxaana kamid ah in lagahadlo amaanka guud ee gobolka iyo in aan gadaal loogu noqon waxyaabihii kadhacay gobolka oo ay kamid ahaayeen isquusiga iyo qabyaalada taasi hadii laga gudbo waxaan arkayaa in loo gacan banaana doono inlamagacaabo dagmooyin kale sida c/cade iyo meelo kale marka waan dadku gartaan wax hada mudan in laga hadlo waana mahadsantihiin

  4. March 1, 2008 at 5:03 pm

    waa idiin salaamay dhamaan tiin
    ceel cade waa dagmo waa ayna mu taysatay wax ka hotaa ganna ma ay jiraan
    thaks

  5. April 11, 2008 at 9:03 pm

    caadi waye

  6. kamal
    October 12, 2008 at 8:18 am

    Wabkan cusub yaan laga dhigin mid af unoqda cadawga ilaahay iyo kuwa DFG ayaa cel cadde dagmo u aqoonsatay ayay kuleeyihiin?!! Illahay ka cabdasada ceel cadde DFuma baahna.. joojiya fudaydka.. Dhawana fisha Mujahidiinta inay imaanayaan BARDAHA CEELKA in sha allah………

  7. February 21, 2010 at 5:49 pm

    waxaan ahay nin reer garaad ah waana ku faraxsanahay

  8. asadul laah
    June 2, 2010 at 5:12 pm

    waxaan idin leeyahay reee ceel caddow isku xishooda waxaas oo kale wallahi waa ceeb , sababtoo ah dawlad ku sheeg allaah kafuraty oo ay gaalo wadato adinkoo ahlu diin ah in aad kadaba calaacashaan oo ayaduba xero ku oodan aduun iyo aakharana seegtay, sidaas oo kale anna waxaan idin lee yahay haku aduun iyo aakhara segina waxaas , ee muslimiinta la shaqeeya , ayagaad aduun iyo aakharaba wax ku noqonaysaaane , khayrkana ALLAHA idn waafajiyo yaa rabi
    wabilaahi tawfiq

  1. No trackbacks yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: