Home > Uncategorized > Ceel-Cadde degmo ma u qalantaa, maxayse ku kasbatay?

Ceel-Cadde degmo ma u qalantaa, maxayse ku kasbatay?

Ceel-Cadde oo dad badan ay ugu yeeraan degmo qaarna tuulo, qaarna beel ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay tuulooyinka sida aadka ah u koray ee gobolka Gedo.  Waxgaradkooda ayaa u ololaynaya inay degmo ahaan uga qayb galaan barnaamijyada gobolka ka socda. Hadaba su’aashu waxay tahay ma u qalantaa degmo, maxaad ku cadaynaysaa, yaase u magacaabi kara degmo?

Ceelcadde waxay caasimadda gobolka Gedo u jirtaa qiyaas dhan 65Km, waxayna ku taallaa bartamaha gobolka Gedo

Digniin: Fadlan fikirkaaga dhiibo sida ugu wanaagsan. Aflagaadadu waa reeban tahay, waxaanan kaa joojinaynaa inaad mar dambe isticmaasho Ceel-Cadde comments’ page.

Categories: Uncategorized
  1. xasan
    October 7, 2007 at 2:58 am

    Haa sababtoo ah, waxay kulansatay wax kasta oo looga baahnaa meel degmo ah. Tan kale qofna ugama baahna inay magacawdo, balse dadkeeda ayey u taalaa

  2. deerow
    October 8, 2007 at 12:02 pm

    as/c su aasha ah dagmo ma uqalantaa ceelcade dabcan dadku isku si ugama jawaabi doonaan waayo daku isku aragti ma ahan hadaba aniga waxaaan dhihi lahaa haa way u qalantaa dagmo marka la fiiriyo micyaarka la isku siiyo dagmanimada somaliya waayo waxaa jiro dagmooyin badan oo somaliya oo maanta aysan ceelcade koob u ogeyn dhinac walbo a ha noqoto koboc dhaqaale ama dhaqan ama wax barasho ama xittaa dhismo iyo fidis laakiin waxaan leeyahay ceelcade way dadaashey guulna way gaartey ee guusha keenisteeda waxaa ka muhiimsan ilaashashadeeda haddii taa lagu guuleysatana in loo ololeeya umaba baahna waaya ayda banaanka is keentey taxadi ayaa loo baahanyahay ayasan cidina hor istaagi karin………………. wabullaahi towfiiq

  3. Baxnaan
    October 8, 2007 at 4:28 pm

    Ascw, salaanta muslimka ka dib, horta marka hore ilaah baa mahad leh midda xigta waxaan amaan u soo joodinayaa wax garadka isku soo dubariday webka Ceel cadde. Tan xigta hadaan wax yar ka iraahdo suasha ay iqiyaartu soo bandhigeen ee ceel cadde degmo ma u qalantaa. Anigu waxaan qabaa maya, sababtoo ah marka laga soo tago horumarkeeda waa xaafad ka tirsan caasimadda gobolka, sababtoo ah waxay u jirtaa masaafo 60 km ah.

    Tan kale waxaan ognahay inay ceel cade ku wanaagsan tahay xoolo dhaqashada, meel haddii ay magaalo noqotana way nabaad guurtaa. Anigu waxaan ku talin lahaa inaanan marnaba ayna habonayn in ay noqoto degmo

    Yaa degmo ka dhigi kara? Dabcan magacawda yaa loo baahan yahay, ee reer ceel cadde iskama magacaaban karaan

    Wabilaahi tawfiq

  4. October 9, 2007 at 9:31 pm

    salaanta islaamka kadib waxaan jawaab gaaban siin lahaa ninka isu bixiyay (BAXNAAN) waxaa kale oon fikradayda ka dhiiban lahaa inay dagmada Ceel Cade si caam baxsan dagmo u noqonkarto iyo inkale, marka ugu horaysa”

    Iska hadloow dagmada Ceel Cade waxaa la aasaasay mudo laga joogo 58 sano oo ku beegan xiligii ay taariikhdu ahayd 1950 ilaa iyo maantana waxaa u sii kordhaayay horuma balaaran iyo maamul dhisan oo is dabajooga, ila iyo waagaas ilaa iyo intay dhibaatooyinka ba’an ka aloos naayeen guud ahaanba wadanka Soomaaliya gaar ahaana gobolka Gedo waa dagmada kaliya ah ee uusan nidaamkeedu hoos u dhac ku imaanin oo aysan ka dhicin wax habayaraatee xasuuq ah ama aan lagu arag isbarbaryaacii siyaasadeed ee aafeeyay dhamaan dagmooyinka kale ee gobolka Gedo.

    Tankale hadii ay kula tahay dagmada Ceel Cade inaytahay xaafad ka mid ah Garbahaareey waa sidaad hadalka u dhigtaye’ taasi waxaan ku tilmaamikaraa inaad weel noogu cabirtay caqligaaga iyo garashadaada intay le’ egyihiin, waxaana ku xasuusinayaa dagmada Ceel Cade waagii la aasaasay oo ay tuulada noqotay dadka safarka ah iyo inta nawaaxigeeda dagan oo ididl ay uga suurto gali jirtay inay ka helaan oo ay ka iibsadaan wixii meceeshad ahaa oo ay uga baahnaanyeen dagmooyinka kale ee gobolka inay dagmada Garbahaareey ay xiligaas iyo mudo ka danbaysayba ahayd meel xooluhu daaqaan togeedana Dameeraha laga dhaansado.

    Aragtidayda ku adan u magacaabista dagmo noqosho ee Ceel Cade waxay tahay inay si buuxdo oo xurmo leh u madantahay in loogu
    magacaabo sida ugu dhaqsaha badan ayadoo waliba looga mahad celinayo wanaaga iyo ku soo kordhisay guud ahaan gobolka Gedo.

    Shaqsi ahaantayda anigoo ku hadlay guud ahaan umada reer Gedo inteeda jecel wanaaga iyo horumarka gobolka magacooda ayaan waxaan u soo jeedinayaa maamulka masuuliyiinta gobolka inay si buuxdo oo shaac baxsan ugu dhawaaqaan magacaabista dagmada Ceel Cade *naaga ale hana garansiiyo*

  5. Ceelcadde
    October 10, 2007 at 3:10 pm

    Haaaa, Nacam, sax, Yes, Eywah,sindio, for nomination of Ceelcadde District!
    Yacnii waan u codeeyay for any possible term to vote for Ceelcadde’s District seeking.
    Waa degmo/waa magaalo/waa district/waana mudantahay/
    60KM is good enough destination/ 7km sq is good enough to be call city/ 10,000 population with all possible social needs is deserve to have it’s district recognition.
    Thank you,
    Ceelcadde #1

  6. qalbi nuur
    October 11, 2007 at 2:21 pm

    salaamta islaamka ka dib, ceelcade way u qalantaa inay noqoto dagmo, waayo marki loo fiiriyo meelaha wato magacyada dagmooyinka ee dalka somaliya intooda badan way ka liitaan ceelcade, hadaan barbar dhigno buurdhuubo oo dhawaan loo magacaabay dagmo, meesha kuma jirto in lagu murmo ceel cade ee xaq waxay u lahayd in halkeeda lagu magacaabo, masaafo b/dhuubo waxay u jirtaa g/harey 40km, dhismo b/dhuubo way ka yartahay 3km dadka ku nool wuu ka yaryahay 1000 qof ma muuqato hal sabab oo ay ku noqon karto dagmo.. ceelcade oo ah meesha kaliya ee uu maraxen dago markii lag areebo g/harey ee leh maamul si caadi ah u shaqeeyo, rug caafimaad oo joogto ah, nidaam wax barasho oo gaarsiisan ilaa d/sare, macaahid diini ah, biyo joogto ah, nabad iyo amaan la isku halaynkaro…. dagmo iska daaye waxay u qalantaa inay noqoto caasimad….ilaahay ha ciseeyo kuwa u istaagay inay gaarsiiyaan dhulkooda heerkaas, waxay mudanyihiin in lagu daydo…….

  7. Baxnaan
    October 11, 2007 at 2:22 pm

    FirstOf All mr. Ceel cadde this forum is for Somali speaking debators only. You sound simply shouvenist, please SOMALI.

  8. October 11, 2007 at 7:22 pm

    as/c, waan idin salaamay dhamaan bahda gedo. Jawaabtu waa haa ceel cade waa ay u qalantaa Degmo, waana degmada keliya ee ka badbaadday is qabqabsigii siyaasadeed ee beesha sade dhexdeeda ka dhacay ee aafeeyay degmooyinka kale ama tii kale ee xataa degmooyinka kale saameeyay ee ay soomaliya loogu hardamaayay sidii tii USC iyo SNF. mudadaad 17 ka sano ahna waxay ku tilaabsatay ceelcade horumar wayn sidaa la adligeed waxaanba ani dhihi lahaa degmo waaba ka wayntahay oo waxay u qalantaaa caasimada gobolka sidaadarteed waxaan kula talinayaa siyaasiyiinta gobalka udhalatay ee ku jira baarlamaanka iyo indheergaradka iyo aqoonyahanada gobalka iyo cuqaasha waa inay ku dadaalaan sidii ceelcade ugu yaraan meher degmo loogu aqoonsan lahaa.

  9. October 12, 2007 at 1:41 pm

    a\s ceel cade anigu waan kudhashay qofkastana wuu jecelyahay meeshuu kudhashay in ay wax noqoto anigu waan rabaa in ay noqoto degmo wayna kasbatay oo sida runta ah aad bay uhormartay ceelcade waxaana jeclahay mustaqbalkayga in aan gur yo kadhisto waxaan ku noolaya dal siira

  10. October 12, 2007 at 1:48 pm

    cosi aan ka cosonaayo reer ceel cade hortu anigu dalka waan kamaqanahay oo war kama haayo waxaan maqlaayay shirar baa laqabtay oo wax ba la door tay magaranaayo wax jifada reer garaad kabaxsan oo wax loo doortay ma xasuusto hadii larabo tuulada hay hormarto qabiil kasto wax baa laga galiyaa jagooyin ka kaladuwan in aad ku dar taan jagooyin ka aad dooraneeysaan qabiilada kale taas waa iga rayi wixii faah faahin ah iga la soo xiriiro tel kayga 00963988424093 ama mayl kayga wayrax54@hotamail.com jawaab celin

  11. Ceelcadde
    October 13, 2007 at 3:57 pm

    Naa baxnaan,ma annagaad noo sheegaysaa luuqadda looga hadlo boggaan? Waa suur-gaddoon, reer Ceelcadde iyo saxiibaddood, waxay ku hadlaan luuqada badan. Yaakuu shegay in ay luuqadda tahay somali only??

  12. Mr. Cilmi
    October 13, 2007 at 4:51 pm

    Assalamu Calaykum Waraxmatullaah?
    Ciid wanaagsan dhammaan bahda reer Ceelcadde,Sxbadood,iyo dhammaan Muslimiinta!

    Bal intii anan guda galin jawaabta su’aasha ah, Celcadde ma waxay ku haboontahay Tuulo misa Degmo?, aan isla eegno kala duwanaashaha rasmiga ah ee Tuulo iyo Degmo!

    Tuulo waa meel ay dad deegaan ah joogaan. Dadka joogo ma aha dad sidaa u badan. Baahidoodana waxay si buuxdo ugu xirantahay Degmada ay hoos-takto.
    Tusaale ahaan, dadka tuulada ganacsiga keeno, looguma yeero Ganacsato, waxaa loogu yeeraa Geddisleey, oo macneheedu tahay, Dadka Degmada ayay ka soo dayntaaan xoogaa aallada reer miyiga ah,sida sonkor,kabo,musbaaro,kabriid,toosh,beteri,riinji,mesheggo,irbado, ka dibna cadeeyaan oo ay dadka tuulada ka iibiyaan, ka dibna lacagtii lafaha ahayd iyo faa’iidadii 50% u celiyaan magaalada. Taasi waa ganacsiga loo iib geeyo tuulooyinka (import). Reer tuulo, waxay iib geeyaan (Exptor)alaab tuuladu qani ku tahay oo degmada laga isticmaalo, sida Xaabada,dhuxusha,Caanaha iyo wm.
    Dadka tuulada, waxyaabaha wwaawayn, sida Ganacsiga, iib gaynta Xoolaha, Arad baxa, Shaharsiga, Xariirka isgaarsiinta, Caafimaadka, Tacliinta, Dacwada iyo Xaq kala gudashada, waxay si toos ah ugu xiranyihiin Degmada.

    Degmo waa meel isku filan dhanka adeegyada bulshada, sida Caafimaadka, biyaha,Dugsiyada wax-barashada,Amniga, Maxkamadaha, Is-gaarsiinta,Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Isku filnaasho waxaan kala joodnaa, in ay baahi jirto, wixii lagu baahi bixi lahaana jiraan; sida, in ay Caruur badan oo school u baahan jiraan, schoolkiina jiro,in dad badan oo isbitaal iyo xarun caafimaad u baahan jiraan/xaruntii caafimaadna jirto. Waa in ganacsi jiro,macaamiilna jirto,waa in tuug/burcad jiro, biliis/amniga sugo iyo maxkamad jiraan. In isgaarsiin jirto, dad isticmaalana jiraan. Waa in ay Degmadu iska dabooli kartu baahida asaasiga ah ee looyaqaano (survival needs)ama (psychological needs).
    Maadama ay guud ahaan degmo iyo tuulo sidaa kala yihiin, middii ay Ceelcadde ku sifowdaa ayay noqonaysaa. Marka waxaan ninka Ceelcadde iyo inta u doodayso Ceelcadde in ay degmo noqoto ka doonaynaa in ay noo soo sheegaan Ceelcadde xaaladdeeda iyo midda ay ku sifaysantahay labada sifo.

    Ma Xaabada iyo Caanahay iib gaysaa; ma loo soo iibgeeyaa un bes ah, toosh,beteri,sokor iyo riinji?
    mise,
    Iyadaa iib gayso tooshka,beteriga,sokorta iyo riijiga,loona soo iib geeyaa, xaabada iyo caanaha??

  13. Khadra
    October 13, 2007 at 7:46 pm

    ASCWWB, salaan islaamka ka dib, hadaan wax ka iraahdo ceelcadde ma degmaay ku banaan tahay mise tuulo yaase magacoobi karaa. waxaan filayaa in ceelcadde ay runtii horumar gaartqy sida aan ku maqlanay meelo badan oo shabakadaha mareexaan ay qorayaan sida gedoweb, gedonet, allgedo iyo kuwo kaleba. runtii horumarkaas ma aha mid laga wada dharagsan yahy maanan arag masawiro cadayna horumarkaas. shabakadaha aad dacaayadda u smaysateen sida ceelcadde.com, gedoweb.com iwm ahba waxaan ku araganaa qoraalo badan. si aan u qiimayno waxa ay tahay wax na tusa cadaynaya hourmarkeeda.

    tan kale, yaa magacoobi kara, dabcan arintaas waxay u taalaa dadka u dhashya degaanka inay u ololeeyaan, masuuliyiinta gobolka ugu jurto baarlamaankana ay hor dhigaan wasaaraddda arimahah gudaha ee dalka, ka dibna la ogolaado waana procees dheer oo waqti iyo dadaal badan u baahan.

    tan kale, waxaan ku talinayaa far kaligeed fool ma dhaqdee inaad kaashataan dadka aad isku degaanka tihiin degmo ahaana ceelcadde maamusha ee g/haarey, sababtoo ahna, waxaa laga yaabaa in reer g/harey aysan raali ka ahayn go’itaanka iyo gooni isu taagga ceelcadde maadaama ay g/haarey laga maamulo.

    taasi waa aragtidayda, wixiii qadaf ahna allah iga dhaafo, ulajeeddo kama wado

    Khadro M.

  14. Xasan
    October 14, 2007 at 1:16 am

    Waxaan u malaynayaa in dad badan ay si qaldan u fahmeen su’aasha la soo dhex dhigay ee ku aadan, degmo noqoshada ceelcadde. sida aan u fahmay su’aashu waaa inay noqon karto degmo iyo in kale, iyo cidda laga sugayo inay ka dhigaan.

    aniga aragtidayda waxaan qabaa in ceelcadde ay noqon karto degmo, sababaha aan hoos ku xusay dartood.
    1-waa meel horumarsan oo leh wax kasto oo degmooyinka qayrkeed ah ka dhigay degmo, balse waxaanba aaminsanahay inay dheertahay waxyaabo badan degmo isku sheegyo badan, sida buurdhuubo, g/haarey, iyo ceelwaaq. maxaa yeelay waa magaalo ay degaan dad kala qabiilo duwan oo aanan ahayn sida degmooyinka aan kor ku soo sheegay.
    2-waxay leedahay iskooolo, isbitaalo iyo waliba maamul iyo gole guurti oo ka arimiya.
    3-waa meel dadkeedu ay heelan yihiin wax ka qabashada wax kasto oo looga baahdo.
    4-waa meel qof kasto oo soomali, muslin ah loo ogolyahay inuu ku noolaado, taasoo ay kaga duwan tahay degmooyin ku sheega aan kor ku sheegay.

    su’aasha ah yaa magacaabi kara. waxaan qabaa inaysan magacaabidba u baahnayn oo sideeda ay degmo ku tahay, ninkii ka xumaan lahaa iyo kii kalaba. somalidu waxba isuma ogola, marka ma filayo nin kalaa noo magacaabi doona ee aan barino

  15. October 14, 2007 at 1:48 am

    a/c salaankadib su , asha hadaan usoonoqdo haa way uqalantaa in ay dagmo noqoto sababtoo ah way kasbatay waxii dagmo looga bahnaa haday noqon lahayd waxbarsho cafimaad dhaqaalo waxana dhihi karaa waxy ka wanagsantahay dagmooyin badan ookuyalo gobalka
    wabilaahi towfiq

  16. Mohamed Abdulkadir
    October 14, 2007 at 12:01 pm

    Asalaamu calaykum
    CIID WANAAGSAN DHAMAAN
    salaan kadib walaalayaal hadaan iskudaya in aan waxka iraahda su’aasha Magaalad Ceelcade
    waxay ilahatahay in ayana su’aashaan meesha oolin hada Ceelcade Dagma waa uqalantaa waana tahay ee cidii hormarkeeda qayb ka qaadan kartaa waaa in ay ka qaadataa
    Wsalaamu calakum
    warsameciya@hotmail.com

  17. Ceelcadde oo Degma loo aqoonsaday!
    October 15, 2007 at 12:19 pm

    Hambalyo-Hambalyo-Hambalyo!

    Wararka bogga internetka ku soo baxay saakay ayaa waxay sheegayaan in Ceelcadde loo aqoonsaday in ay tahay Degmo buuxdo. Qoraalkaan wuxuu ku soo baxay ila wareed badan oo ay ka mid tahay http://www.allgedo.com. Fadlan booqo allgedo.com.

  18. Ceelcadde oo Degma loo aqoonsaday!
    October 15, 2007 at 12:28 pm

    “Ceel Cadde oo ka mid noqotay Degmada 8-aad ee Gobolka Gedo”

    (Allgedo News Media Netowrk) – Warar hoose oo ay allgedo ka heshay dad xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in magaalada Ceel cadde ay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka mid noqotay degmada 8-aad ee u gobolka Gedo leeyahay. Wararku waxaa kale oo ay intaas ku darayaan in Dekereetadii lagu magacaabay in ay Ceel cadde ka mid noqoto degmooyinkii hore ee gobolka Gedo ay hadda diyaar tahay iyada oo saxiian dhawaana loo soo bandhigi doono Mediyaha.

    Magacaabistan Degmo ee Ceel cadde ayaa kusoo beegmeysa xilli ayna dhawaan Buurdhuubo loo magacaabay in ay noqoto Degmo. Ceel Cadde ayaa deegaan ahaan waxay ku taalaa bartamaha Gobolka Gedo oo ah deegaanka loo yaqaan Dirhara. Sida ku cad qoraal kusoo baxay allgedo Talaado, October 18, 2005 oo uu cinwaankiisu ahaa “Waxaan qabaa Aniga in Degmada Ceel-cade ay hormuud u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Gedo”, oo uu soo qoray Abdullahi Hagi Hassan Bushkin, Ceel Cade waxaa la aas-aasay sanadkii 1954 -56.

    Sidoo kale, Wareysi ay allgedo la yeelatay Cumar Sheikh Maxamuud Sheikh Cabdullahi taariikhdu markii ay aheyd October 10, 2005 oo uu cinwaankiisu ahaa “Cumar Yare iyo Ceel Cadde High School” ayaa isna si fiican uga waramaya horumarka dhinacyada badan leh ee ay Ceel cade ku talaabsatay.

    In badan oo horay u akhrisatay qoraaladaas aan ka hadleyno iyo inta xog ogaalka u ah isbedaladii isdaba jooga ahaa ee ay Ceel cadde ku talaabsatay waxay ka war hayaan in magacaabidda Ceel cade maanta Degmo buuxda loo magacaabay aanay dheel-dheel ku imaan, balse ay ku timid dadaal, fir-fircoonaan iyo isku duubni ay la yimaadeen dadka deegaanka reer Ceel cade.

    Dhanka kale, horumarka dhinacyada badan leh ee ay Ceel cade ku talaabsatay ka sokow, waxyaabaha kale ee lagu xasuusan karo degmadaan cusub ayaa ah in ay tahay magaalada kaliya ee gobolka Gedo ka tirsan ee ka bad-baaday dagaaladii ka socday gobolka Gedo ama dilalkii foosha xumaa ee ka dhacayay dhamaan magaalooyinka kale ee Gobolka Gedo.

    Isku soo duuboo, magaalada Ceel Cade oo magaca ay hadda sidato uu ugu baxay Ceel biyood deegaankaas ku yaal oo isna la yiraahdo “CEEL CADE” ayaa hadda waxay ku talo jirtaa horumarinta mashaariic hor leh oo isugu jira kuwo la rabo in dhawaan la fuliyo iyo kuwo la rabo in mustaqbalka danbe la fuliyo. Mashaariicdaas qorsheysan ee la rabo in magaalada Ceel cade laga fuliyo ayaa waxaa ka mid ah:

    1. In magaalada la geeyo matoor dhaliya quwadda dabka (koronto) si uu guri walba u helo nal ku filan.
    2. In Magaalada loo dhiso College ay galaan ardada kasoo baxda Ceel cade High School.
    3. Iyo, in ay Ceel cade yeelato mustaqbalka garoon weyn ee diyaaradeed.

    Qoraaladii hore ee Ceel cade ka hadlayay waa kuwaan:-

    Waxaan qabaa Aniga in Degmada Ceel-cade ay hormuud u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Gedo

    Cumar Yare iyo Ceel cade High School

    Maamulka iyo odoyaasha deegaanka Ceelcade ee Goboalka Gedo oo baaq u jeediyay Hay’addaha Samafalka inay wax u qabtaan qoysas ka soo barakacay dagaaladii Ceelwaaq iyo howlo lagu hormarinayo adeegyada kala duwan ee Bulshada oo ka socda deegaankaasi
    Xaflad balaaran oo lagu maamuusayay dhisitaanka dugis sare ee Degmada Ceelcade ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Ceelcade

    Allgedo News Media Network

  19. October 17, 2007 at 10:25 am

    a\s bahweenta gedoweb.com way salaaman yihiin haa way astaahishaa laakiin su aasha waxay tahay yaa kadhigi karo walaal keey oo kor kuqoran wuxuu yiri cidna kama rabno in ay kadhigto gedmo ee waxaa laga rabaa cida udhalatay degmada saas ma ahan akhii ee waxaa kadhigo karo degmo dawlad iyo beesha sade oo is raacdo in ay ka dhigaan degmo saas baan qabaa ee kamdhigi karaan hal jofo gedmo ceel cade mida kale waxaa is way diin leh yaa hoos imaado ceel cade tuulooyinka hoos imaado ha lasheego ceel guduud iyo gar saal iyo tuulooyinka badan waxay lee yhiin ma hoos imaano jawaab

  20. October 17, 2007 at 10:51 am

    waxaan ahay nin layiraahdo c/risaaq wiilcadde kuna nool gobolada lamagac baxay puntland , intaa kadib ,
    saan sheekada kuhayo run ahaantii waxaan inbadan maqlayaa in degmada tulada ah loo rabo in ay noqoto degmo ,
    hadaba su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay yay kasugaysaa in ay u magacawdo degmo ama usamaynaya gudi degmo jawaabtu way iska cadahay sababtoo ah dalku malahan dawlad dhexe haatan , gobolka tuulada laga xukumana malahan maamul udhaqan galay kii kacaankii kahor , sidaa awadeed ma hardanka somaaliya kasocda ayay kunoqonaysaa degmo , wabillaahi tawfiiq

  21. October 17, 2007 at 10:55 am

    waxaan ahay nin layiraahdo c/risaaq wiilcadde kuna nool gobolada lamagac baxay puntland , intaa kadib ,
    saan sheekada kuhayo run ahaantii waxaan inbadan maqlayaa in degmada tulada ah loo rabo in ay noqoto degmo ,
    hadaba su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay yay kasugaysaa in ay u magacawdo degmo ama usamaynaya gudi degmo jawaabtu way iska cadahay sababtoo ah dalku malahan dawlad dhexe haatan , Tuulada gobolka laga xukumana malahan maamul udhaqan galay kii kacaankii siyad barre iyo kadib midna , sidaa awadeed ma hardanka somaaliya kasocda ayay kunoqonaysaa degmo , wabillaahi
    tawfiiq by c/risaaq wiilcadde email Tirmidi1@hotmail.com, or tirmidi1@gmail.com

  22. Ceelcadde
    October 17, 2007 at 3:51 pm

    Adiga Wiicadde, marka hore waxaa fiicnayd in aad barato luuqadda aad ku hadlayso si loo qoro. Taasi waxay kuu sahli lahay in warkaada la fahmo. Aad ayay u adagtahay in la fahmo mawduucaada, iyo dhuuxa warkaada.
    Laakiin taasi waxaa baabi’iyay wixii aad dhihi lahayd, aqoon la’aanta luuqaddaada.
    Marka inta aadan wax qorin ka hor, baro si wax loo qoro.

  23. qalbi nuur
    October 17, 2007 at 5:39 pm

    a/c waxaan jeclaan lahaa inaan kalmad iraahdo, mr ceelcade oo aan yara dhibsaday qaabka u ugu jawaabay wiilcade, oo su’aal muhiim ah soo jeediyay, qancintiisuna ay sahal ahayd. mr ceelcade waxaan filayaa inaad tahay ninka mowduucaan furay, ama majaraha u hayo, maxaa ku diiday inaad qanciso ama aad ooga jawaabto su’aasha u qabay mr wiilcade inta aadan dhaleecayn luuqadiisa iyo qoraalkiisa? hadad dhibsatay qaabka u wax u qoray ama luuqada u isticmaalay, maxaa ku diiday inaad u nasteexayso, una sheegtid inuu hormariyo luuqadiisa hooyo?…..dib u aqri qoraalkagi, allana ka baq, walaalkaana cafis waydiiso

  24. Mr. Ceelcadde
    October 17, 2007 at 9:11 pm

    Maya. Qalbi ma ahi ninka majaraha u hayo ama kan keenay midna, waana la i eedayn karaa waayo waan qaldami karaa.
    Marka waa ka xumahay hadii aan yar halleeyey.
    Cafis,

  25. October 18, 2007 at 5:51 am

    jawaabtu waa haaaa wayna u qalntaa waana ku faraxsanahay waana hormar ay gaareen reer ceelcade lakiin aniga waxaan ka soo horjeedaa fakarka ah in ay buusaar garsaal dhamase ay hoos imaanayaan ceelcade ninka arintaas dheegay waa nin anan wax ka garanayn wadanka waxaan leeyahay arintaas dib haa loo eego intaas ka dib waxaan leeyahay waa in lagu daydaa walaalaheedna reer ceelcade oo la hormaiyaa tuulooyinka kale ee ku yaala gobalka intiisa kale si loo sii kordhiya degmooyinka gobalka gedo

  26. October 18, 2007 at 8:05 pm

    Fikir ahaan teeda waxaan ila tahay Aniga oo aana hadalka badineen Ceel-cade waxa ay ku kasban karto waxaa waaye waxa oogu wayn oo lagu abaal mariyo.

    1- Inay tahay meesha kaliya oo ugu nabada badan
    2- Waa Meesha lagu xaliyay qilaafka siyaasadeed lagu xaliyay
    iyo waxii kale oo nabad ah

  27. Mohamed Abdulkadir
    October 18, 2007 at 8:44 pm

    HANBALYO HANBALYO
    Celcade waxaa loo aqoonsada dagmo hadaba maxaa laga doonaayaa Ree Ceelcade ??
    walaala yaal magac si lagu hela waa fududahay laakiin macnihiisa silagu gaara waa adagtahay waxaaan ogu baaqayaa ree Ceelcade in ay magacaas
    macna uyeelaan
    wabilaahi towfiiq
    warsameciya@hotmail.com

  28. October 25, 2007 at 7:47 am

    Asalaamu calaykum ww

    waxaan aad iyo aad uga xumahay in la’iigu hanjabo waanu kaajoojinaynaa isticmaalka webka , laakiin ma waxaa la’iigaga joojinayaa inaan dhiibto ra’yigayga taasi waa mid tankale qofkii ra’yiga aad qabtaan idin laqaata kaliya miyaad u ogoshihiin ,
    mida sadexaad anigu maahi nin mucaarad ku ah maahi ceelcade laakin su’aal ayaan dhiibtay oo waxaan iri yaa u magacaabay hadii wax lamagacaabayo waxaa mihiim ah in ay jirto dawlad kusalaysa dastuurka ay leedahay in tuulona ay noqoto degmo , degmana ay noqoto gobol maadaama aanay taasi jirin , waa su’aal furan oo lays waydiin karo , saad wada ogsoontihiina majirto dawlad dhexe oo dalka oo dhan katalisa , hadii hadalka khalad yahay ama aan leeyahay dhaliil raali galin ayaan kabixinaya laakin xaq uma lihi in la’iigu hanjabo waa lagaa joojinayaa webka , hadii laga tagana anigu meel fog kama jiro deegaanka by c/risaaq wiilcade

  29. October 25, 2007 at 7:50 am

    Asalaamu calaykum ww

    waxaan aad iyo aad uga xumahay in la’iigu hanjabo waanu kaajoojinaynaa isticmaalka webka , laakiin ma waxaa la’iigaga joojinayaa inaan dhiibto ra’yigayga taasi waa mid tankale qofkii ra’yiga aad qabtaan idin laqaata kaliya miyaad u ogoshihiin ,
    mida sadexaad anigu maahi nin mucaarad ku ah maahi ceelcade laakin su’aal ayaan dhiibtay oo waxaan iri yaa u magacaabay hadii wax lamagacaabayo waxaa mihiim ah in ay jirto dawlad kusalaysa dastuurka ay leedahay in tuulona ay noqoto degmo , degmana ay noqoto gobol maadaama aanay taasi jirin , waa su’aal furan oo lays waydiin karo , saad wada ogsoontihiina majirto dawlad dhexe oo dalka oo dhan katalisa , hadii hadalka khalad yahay ama aan leeyahay dhaliil raali galin ayaan kabixinaya laakin xaq uma lihi in la’iigu hanjabo waa lagaa joojinayaa webka , hadii laga tagana anigu meel fog kama jiro deegaanka by c/risaaq wiilcade
    Email: Tirmidi1@hotmail.com or Tirmidi1@gmail.com

  30. October 25, 2007 at 8:01 am

    ASalaamu calaykum ww
    waxaan aad iyo aad ugaxumahay anigoo kuhadlaya afka hooyo inuu ceelcade yiraahdo lama fahmi karo hadalkaaga taas waxaan uga jawaabaya saaxiib adigoo kale ima fahmo sidaa darteed inta aadan wax sooqorin hadii aad fahmiwayday afka soomaaliga waxay ila tahay carruurta qofka ugu horreya ee bara hadalka waa hooyo , markaa mawaxad ahaan jirtay rajay tankale waad aflagaadootay , qofkuna waxaa fiican inu dadka ixtiraamo oo aanu waxba kasheegin , sida aad uhadlaysana hadii aan qiimeeyo , qofka waxaa wax bara oo adebta iyo dad ladhaqanka bara waalidkii dhalay , hadii aanay barina sida aad tahay oo kale ayaa waxaa kasoofula hadalada xamaaqada leh waa sida aad tahay adiguye

  31. foos
    October 31, 2007 at 11:12 am

    waana in salamaay dhamaantiin waadna ku mahadsantihiin su’aashan dabcan aniga rayigayga waa ceelcadde degmo way noqon kartaa li’ana ceelkii oo hadda aad u sii dhismay asaga oo maamul fiican leh dugsi hoose illaa dugsi sare oo si fiican u dhisan leh isbitaal leh iyo wax yaabo badan oo kale oo loo smaayn doono inshalah ayuu isku darsaday marka way noqon kartaa degmo mana hoos imaanayso caasimadda gobolka

  32. A cadde
    January 5, 2008 at 8:10 pm

    aslaamu caleykum w/w/t salaan kadib waxaan Ahay wiil cadde 2 labad oo aan Ahayn kii daaqada kasoo dhacay wiil cadde hdii aad ogtahay iyo hadiikalaba daaqad baadkasoo dhacday jawaabteediina waad heshay la,anu waxaad sheegtay inaadtahay wiil putladi waxaana fiican meeshaad taqaano waad kahadlikartaa laakiin hadii aadan Aqoon maxaad ka dhi hi kartaa wamaya hadaba mataqanid meeshaas eeraali noqo hadii aad qalad tirsatay,,,,, hadii aan tusaalle yarkaasiiyo magaaladu dan goroyo waa Ayka weyntahay inbadan waliba midakalle magaalo dakeedaa magaaleeyo waana Ayjoogaan dadkii magaaleyn lahaa hadii Aad samri weydo su aashaadu ha Ahaato yaa hoos imaanaayo ceel cadde sida tuulooyinka taasaan kaala gurinaayaa wallaalle wiil cadde wabilaahi towfiiq A,cadde by

  33. April 16, 2008 at 5:09 pm

    ASALAMU ALAYKUM WARAH MATULAHI WABARA KATUH
    walalayal waaidiin salaamay salaanta islaamka ookor kuxusan
    walaalayaal waxaa wax laka murugooda ah in lagadoodo meelba dago laga dhigaa yaa iyo way uqalan taa iyo uma qalan to???//
    marka walallayaa low maxaawaa yo wa xa aad ku mash qulsantihiin ???>?
    1.marka hore maiswaydiiseen ceelcade xaqeebay kutaa laa ????????
    hadii aan ka jawaabo taa waa ssomaaliyo.
    soomaaliyona wad ok ti hiin is ay kujirto gumaysi labur buriyay maaradila laayaY? waxwalbo aybaneys teen gaalo
    marka walaalayaal masaa baad raalikutihin iyodhulki oolahays to\

    degmadaanse mawaxaad usibalaarinaysaan gumaysiga in u siiqaato
    marka walaalayaalow meesha kakaca owaxaad kumash qulsantihin iska dhaafa walaahi ma aan malaynayn insaan loohilmaansanyahay ???/oolagu doododo waa dagmo iyoma aha
    maxaad kadoodaan dalki odhanbaaba la haystaa ocadow idinkusodulay ayaa heestee??????????????????????
    nabiga S/C/W/ waxa uudhahay gofkiidhulkisa loodilo waasha hid qofkiimaalkiisa lodilo washa hid qofkii cirdigiisa lodilowaasha hiid ??????
    walaalayaal miyaanay dhicin intaa oodhan miyaan lakukusodulin miyaan maalkadiladhicin miyaan miyan miyaan???????
    maxaa lo hurdaa owaxyaalo kale logu mash qul sanyahay walaahi lolashaanokale waanoolal hoosayso
    masjid ma aadikartid okitaabmaqaadan kartid
    waa idin salaamaay
    walaalayaal hurdada kaka ca
    asalaamucalaykum

  34. Garoon
    April 24, 2008 at 8:54 pm

    Salaan qiimo badan kadib
    Ceelcadde waa u qalantaa inay noqoto degmo, waxaanse la yaabanahay qofka ku doodaya inaysan degmo noqon wuxuu sabab uga dhigayo, waxaase cad inuusan fahansnayn waxtarka ay kusoo kordhinayso guud ahaan degaanka G/Gedo oo ay kamid yihiin:

    1. Ballaarint Gobolka Gedo oo sii kororta
    2. dakhliga iyo guud ah waxa gobolku uu ka helayo dowladda dhexe haddii ay noqon lahayd xag hormarineed, waxbarsho, caafimaad iyo wax kasta oo bulshada dan ah (waa markii la helo dowlad)
    3. Dhiira gelinta dadka degaanka oo ku dadaalaya inay dhisaan horumarna gaarsiiyaan degaanka, taas oo guud ahaan gobolka dan u ah.

    Gunaanad iyo gabagabo Ceelcadde ma mutaysan in lagu murmo ama lamucaarado degmanimadeeda ee waxay mudan tahay taageero iyo soo dhawayn farxad leh.

  35. Miss Norway
    October 20, 2010 at 11:51 pm

    Acs wr wb dhamaantiin.
    Anigoo ah gabar celcade kasojedo asalkeda, waxan ka dhibanaya fikradayda mashan kaas oo ah.maxaa waaye danta ceelcad oogu jirto inaa degmo ay noqoto?
    Aniga waxan dhihi lahaa marka hore dadka Reer celcade waxey didenyihin ineey magaaloyinka kale hoos imaadan waxaasna wa kibir ban oran laha madama ayna meel dheer eyna wali garanin. wayo magalo hadi ey rabto in ey isku sharaxdo degmo. wa iney noqoto degmo isku filan oo wax soo saar iyo wax qabad.
    celka dhaqatir fiican malahan, beero malahan dadkana waxsosar malahan mana dhisna umana muqato wax magalao lagu tilmamo runta an isku shegno lakinse ogada in an wax ka qabani karno.hadda markan fasax utagey ceelcade meel aan ku faano masoo arkin runti.
    Xoolhihi iyo dadki isku dhex walaqanyihin ban so arkay dadkana ay wada danyar ubadan yihin. Suuqa waxa ka shaqeenayaana ay wada yihiin dumar. Ceel dhuunyasha ciyaalka ku daadanayaane wax ha laga qabto.
    suasha marka waxey tahay inaga reer ceelcade ah dalka iyo dibadda kala joogno maxaan u qaban karna, sideena ku hormarin karna inagoo is kaashaneeno ona magaalo kale la tartamenin o waxi dan no ah inaga eganeneno?. Hadan wax yar ka shego wax qabadka walalahen jaliyadaha dibadda way dadaalanyaan lakinse dadka gudaha dadaalkooda ilaah hakoriyo.

    waana ku faraxsanahay inay jirto maanta meel aan fikradaha ku qaysano.
    Intas ayaan ooga baxey wa bilaahi towfiiq.

  36. sade xusen
    February 12, 2011 at 5:10 pm

    waad salamantihin goodle adeer yaalow waxan aha muwadain somaliyed ahna diplomacy kuna nool mombasa una dha shay gedo waxan rba in an isi so sharaxo jagada madax wayne nimo waana la iwata oo waxa iwata hamigayga iyo alle labaadsna wax kawayn malahan waxan in ka codsanaya in ad ii soo fataxo martan sababto ah cod malihidin ok

  37. July 9, 2012 at 2:30 pm

    It is actually a nice and useful piece of information. I’m glad that you simply shared this helpful information with us. Please stay us informed like this. Thanks for sharing.

  1. No trackbacks yet.

Leave a reply to Ceelcadde Cancel reply