Home > Tacsi > Caaqil Nabadoon X. Maxamed Cabdille Maxamed oo dhawaan geeriyooday

Caaqil Nabadoon X. Maxamed Cabdille Maxamed oo dhawaan geeriyooday

Allaha u naxariistee Xaaji Nabadoon Maxamed Cabdille Maxamed-hadalwanaajiye waxaa uu ku dhashay dhulka cara-sanka ah ee loo yaqaano Diir-Haro ee degmada Ceel-Cadde

Ma sugna taariikhda dhabta ah ee uu marxuumku dhashay laakiin waxaa la qiyaasaa inuu jiray 95 sano amaba bilowgii sanadkii 1912. Marxuumka aabihii Cabdille Maxamed waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka soo hayaamay dhinaca bari ee Soomaaliya ee socodka dheer ku yimid arliga Gedo. Dadkaas ay abaaraha iyo colaaduhu ka soo barakiciyeen dhulka hadda Ethiopia ay haysato ee ay ka mid yihiin Fadhi-Garaadle, Gosol, xila-qooq iyo shilaabo waxaa loo yaqaanaa “Kaba-cad”. Cabdille Maxamed-Hadalwanaajiye oo yaraan ku yimid gobolka Gedo waxaa uu guursaday dhawr haween ah oo midkood dhashay Marxuumka Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille. Marxuum Nabdoon Xaaji Maxamed Cabdille awoowgii naanaystiisu waxaa ay tusinaysaa caaqilnimo iyo garyaqaanimo saas daraadeedna waxaa lagu naanaysay Maxamed-Hadalwanaajiye. Waxaa dadka inta badani ay aaminsan yihiin oo dhab ah in caaqilnimada Marxuumka ay ahayd mid uu ka dhaxlay awoowgii Hadalwanaajiye. Rag badan oo uu dhalay oo hadda noolna ay ka sii dhaxleen codkarnimadaas Marxuumka allaha u naxariistee waxaa sida reerka uu ka dhashayba caadada u ahayd la baray yaraantisii diinta islaamka, waxaana laguna daray dugsi quraan. Xaaji Nabadoon Maxamed Cabdille Maxamed sida ay sheegen dad aad u yaqaano waligii gar ama xaajo uu galay dib looguma noqonin. Waxaa uu ku tilmaannaa caaqilnimo, codkarnimo, geesinimo iyo waliba naxariis iyo diin jacayl. Marxuumka oo si aad ah looga yaqaano beesha Sade dhexdeeda waxaa loo aayi doonaa caaqilnimadiisa, garyaqaanimadiisa iyo waliba codkarnimadiisa alle hibada u siiyey. Maxamed Cabdille waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah arimo iyo halqabsiyo aan la soo koobi karin oo taariikho ku reebay inta taqaanay. Haddaan wax yar ka tilmaamo hadalada geesinimada tilmaamaya ee halqabsiga u ahaa waxaa ka mid ah “Nin meeshuu kugu galaa, lagu galaa” oo u taagan nin meeshii uu kugu dhibaateeyo iyo sidii uu kuu waxyeeleeyo oo kalaa looga aarsadaa. Halqabsiyadiisii caanka ahaa ee tilmaamya naxariista ee uu marxuumku caanka ku ahaa waxaa ka mid ah “Yaa horay u guuray oo gadaal u dhaansaday”. oo marna duco ah, marna hadal xigmad badan tilmaamaysana sida ninka qaniga ka ah xoolo iyo willalba ugu fududahay inuu wilashiisa iyo xoolihiisaba kala jiheeyo. Ficiladiisa tilmaanta u ah sida cabsida rabbi ay ugu wayn tahay marxuumka waxaa ka mid ah inuu marxuumku was-waas la’aan mar walbo galo salaadiisa, rabbina hor istaago isagoo aysan maskaxdiisa mashquulinayn xaalatul-dunyaa. Marxuum Maxamed Cabdille waxaa uu ka mid ahaa cuqaasha Sade ee mar walba aan looga maarmin waxyaabaha Sade dan u ah marka laga hadlayo, mar walbana waxaa uu diyaar u ahaa inuu qayb libaax ka qaato. Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Cabdille waxaa uu ahaa nin taariikh iyo facaad badan. Nin la sheekaystay oo aanan u xiisin abid lama sheegin. Wuxuu ahaa shakhsi aan laga dhargin hadaladiisa xigmadda badan. Inta badana waxaa uu jeclaa inuu da’yarta la sheekaysto, talooyin badanna siiya una maadeeyo. Runtii waxaan ku tilmaami karaa shaqsi noociisa ay dunida ku yartahay (Unique) mar laga eego sida hadaladiisu kuu cajab galinayaan. Marxuumku waxaa uu ka mid ahaa aabayaashii aas-aasay degmada Ceel-Cadde degaanaana waligii. Ka hor intaanan degmada Ceel-Cadde la aas-aasin Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille waxuu ka mid ahaa ragga beeraha waawayn ku lahaa dhulka biyo-mareenka ah ee Diir-Diire. Ka dib waxaa uu ahaa nin qani ka ah xoolaha nool sida Geela, Lo’da iyo arigaba xoolo badana unkaday. Allaha u naxariistee Marxuum Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille waxaa uu ifka kaga tagay in ka badan 100 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo waliba farcankoodii. Runtii waxaa xaqiiqo markhaati madoonta ah in si aad ah beesha Sade ay u tabi doonaan marxuumkaas. Marar badanna la xasuusan doono marka ay soo wajahdo mixnado badan oo uu marxuumku caan ku ahaa xal u helideeda. Allaha awooda lihi waxaan uga baryaynaa inuu qabrigiisa u waasiciyo, naxariistiisana dabaalsiiyo. Aamiin P.S: Fadlan haddii aad hayso marxuumka taariikhdiisa iyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee marxuumka lagu xusuusto ku soo dir gedoweb@gedoweb.com

Categories: Tacsi
  1. No comments yet.
  1. No trackbacks yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: