Home > Iskoolada, Uncategorized > Iskoolada Hoose/Dhexe oo arday badani ku soo biireen

Iskoolada Hoose/Dhexe oo arday badani ku soo biireen

Tan iyo intii dagaalkii u dhexeeyey kooxaha wax iska caabinta iyo Ciidamada dowladda oo ay horkacayaan kuwo Itoobiya uu ka bilowday magaalada muqdisho waxaa soo qaxay dad aad u farbadan. Dadkaas intooda badani waxay dageen magaalooyinka ay ka heli karaan macluumaadka adeega bulshada sida waxbarashada iyo nabadgelyada oo aad muhiim uga ahaa.

Dadkaas soo barakacay meelaha ay beegsadeen oo ay saldhigga ka dhigteen ayey  degmada Ceel-Cadde ka mid tahay. Ilmaha ay dadkaasi la yimaadeen ayaa u badnaa kuwa dhigan jiray Iskoolada Hoose/Dhexe. Dugsiga H/dhexe ee Degmada Ceel-Cadde ayaa waxaa la soo daristay iskuulkii oo ardaydii loogu talagalay ay ka badatay.

Waxaa noo suurtoobi wayday inaanu la xiriirno gudoomiyaha degmada iyo maamulka Iskoolka. Laakiin waxaaan halkaan dhawaan idinkugu soo gudbin doonaa macluumaadka ku saabsan guud ahaan dhacdooyinka degmada Ceel-Cadde , gaar ahaan iskoolada waxbarashada.

Categories: Iskoolada, Uncategorized
  1. axmed adan (deerow)
    June 7, 2007 at 1:19 pm

    marka hore ad baan ugu mahad celinayaa dadka isu howlay sameynta webloggaan . runtii waa arin aad muhiim u ah aanan filayo in laga wada faa iideysan doono, gaar ahaand dadka ku nool meelaha ka fog ceelcade anigoo ka rajaynayaa howl wadeenada webka inay wax kastoo war ah nag haqab-tiri doonaan , gaar ahaan hor marka dhinacyda hormarka waad mahadsantihiin as.c

  2. June 21, 2007 at 8:59 am

    acww marka hore waxaan u mahad celinayaa ilaahayga noo sahlay in aan meehsaan ku kulanno marka labaad waxaan mahad aanla soo koobi karin ucelinayaa walaalaha qabtay haawshaan muhiimka ah
    waxaan idin leeyahay waad mahadsantihiin
    wixii hadda ka dambeeya waxaan rajeynayaa in aan wada socon doonno

    wabillaahitawfiin

  3. Ceelcadde #1
    August 14, 2007 at 4:47 am

    Waa mahad Alle iyo middii la doonayay in ay ku soo biiraan arday badan Dugsida hoose/dhexi iyo midka Sare….

  4. Ceelcadde #1
    August 14, 2007 at 4:49 am

    WAXAA LA OGOAYSIINAYAA BAHWAYNTA REER CEELCADDE IN UU SOO SOCDO SHIR-WAYNE KHADKA TALEEFOONKA AH OO LOOGA HADLAYO HOR-MARINTA CEELCADDE; FADLAN U DIYAAR-GAROOW IN AAD KA SOO QAYB GASHO.
    WIXII MACLUUMAAD AH OO DHEERAAD AH, FADLAN KALA SOO XARIIR GUDDIGA HOR-MARINTA CEELCADDE. CEEL-CADDE DEVELOPMENT COMMITTEE.

  5. Ceelcadde #1
    September 9, 2007 at 3:44 am

    Shirwaynihii Hormarinta Ceelcadde oo lagu aruuriyay Dhaqaala $50,000 ah

    Shirkaan oo khadka telephonka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay boqollaad ah jaaliyadda reer Ceelcadde. Shirkaan oo ay soo abaabuleen Guddiga Hormarinta Ceelcadde, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd in lagu yaboohiyo dhaqaala lagu taakuleeyo arimaha bulshada, sida tacliinta, biyaha, caafimaadka iyo iwm.

    Khadkaan waxaa Ayada Qur’an ku furay Sh. Abdiraxman Mohamud Xiris (Tajwiid). Kadib, waxaa ladhagaystay warbixin dheer oo ku saabsan hormaka iyo arimaha bulshada oo uu soo jeediyay Nabaddoon Sheikh Mohamud Sh. Cabdullahi. Kadib, waxaa warbixin laga dhagaystay Guddiga Hormarinta Ceelcadde ee duurjoogta. Guddigu waxay qaadaa dhigeen xaaladda hormarka Ceelcadde iyo baahidu waxa ay tahay.

    Kadib markii ay si wacan u qeexeen baahida guud ee hormarinta, waxaa la guda galay Muxaadaro qiirab badan iyo yaboohintii oo majaraha u qabtay Sh. Cabdiraxman M. Hirsi (Cabdiraxman Tajwiid). Dadkii oo horay diyaar ugu ahaa in ay sadaqaystaan, xiisana u qabay in ay dib u dhistaan deegaankooda ayaa waxay guda galeen in ay ku tartamaan deeq ay saqinimo ku dheehanayd.

    Muddo gaaban ka dib, waxay lacagtii isku shareertay $50,000 oo dollar. Wakhitaga oo yaraaday iyo dad shaqaynayay oo ka soo qayb gali waayay dartood ayaa mar kale dib loogu ballamay maalinta Axadda ah khadka Telephonka oo uu shirku ka socday manta, taas oo rajadu tahay in lagu dhamaasha tiro qorsha ah in la aruuriyo dhaqaala gaaraya $100,000.
    Ma aha markii ugu horaysay oo lacag sidaa u badan ay reer Ceelcadde khadka Telefoneka ku aruuriyeen; horay ayay u aruuriyeen sanadkii 2005, $72,000 oo lagu dhisay Dugsiga Sarek, Isbitaalka, Ceelasha Biyaha iyo adeegyada kale ee bulshada.

    Si kastaba ha ahaatee, shirku wuxuu ahaa mid aad u xamaasad badan, dadkuna ay muujiyeed daacadnimo aad u badan iyo danayn ay danaynayaan ka qaybqaadashada dib u dhiska deegaankooda.

    Ugu dambaystii, Reer Ceelcadde oo u ambaday dhanka Hormarka, ayaa waxa noqon karaan ku dayasho mudan oo ah in dadku ku tashadaan awooddooda daacadna u noqdaan dhib u dhiska deegaankooda, bulsha kastana ay si hoose isu abaabulaan si dalka dib loogu dhiso.

  6. February 29, 2008 at 5:38 pm

    waan idin salaa may waana ku mahad san ti hiiin wax qabad ka aad u qabanay saan dalkiiina hoyo waxaan kudar sanaayaa in aad dagmada aad dhis taa mesha say u eg tahya wwaaad aragteen hadii aad dhis meheeda fadlan dhismeheeda qur xiya waaa aniga oo ah abdhishka osmaan abdulahi ooka soo o do ceel cade mahad sanid

  7. July 6, 2008 at 8:58 am

    waan idin salaamy dhamaan ti n dad waynaha ka qayb qaa danaa yo barnaa mij kaaan gaar ahaan kuwa isku soo daba riday
    asalaamu calaykum waraax matullahi wabarakaa tuh
    salaan kadib waxaan idin ka cod sanaayaa in ad soo ga li saan beyj kaan sawiro ku saab san iskuulka ceelcade han hoose iyo kan dhere in tabo

    waad mahad san ti hiiiiiiiiiiiinnn bye

  8. abdiaziz abdirahman
    March 13, 2010 at 7:57 am

    walalayaal waan idin salaamay hawshaan wa hawl aan ubaahnayn waadna kumahadsantihin laakin waxan idin ka codsanaya in aad kadhigtaan UPDATE oo maalin walbo wixi udanbeyay ad kuqortaan
    mahadsanidin

  1. No trackbacks yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: