Posted on June 6, 2007 by ceelcadde
Allah u naxariistee waxaa dhawaan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ku geeriyooday caaqil Xuseen Isaaq Sh. Saleebaan oo ka mid ahaa waxgaradka iyo caaqilada sida wayn looga yaqaano degmada Ceel-Cadde iyo gobolka Gedo intaba. Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo. Qoyskii iyo ehelada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Caaqilka Taariikhdiisa haddii aad haysaan fadlan noogu soo dira ceelcadde1960@hotmail.com
Mahadsaniddin
Filed under: Uncategorized | 1 Comment »
Posted on June 5, 2007 by ceelcadde
Xoolalayda ayaa ka walaacsan sida ay uga gudbi doonaan xilliga jiilaalka mar haddii roobabkii guga ya ku yaraadeen oo xoolaha aysan helin naq iyo doog ku filan.
Beeralayda Diir-Diire iyoBuuhoodka ayaa iyaguna walaac ka muujiyey milicda kulul ee berahooda ku dhuftay. Cirka waxaa hadda ka muuqanaya daruuro ka curanaya meelo kala duwan oo la filayo inay ku hoori doonaan dhul daaqsimada iyo beeraha.
Dhinaca kale iyadoo wali lagu gudo jiro xilligii ay iskooladu furnaayeen ayaa lagu soo waramayaa inay waxbarshadu si wanaagsan iminka u socoto inkastoo ay Iskuuladii buux-dhaafeen.
Halkaan kala soco macluumaadka degmada Ceel-Cadde
Filed under: Uncategorized | 3 Comments »
Posted on June 5, 2007 by ceelcadde
Allaha u naxariistee Xaaji Nabadoon Maxamed Cabdille Maxamed-hadalwanaajiye waxaa uu ku dhashay dhulka cara-sanka ah ee loo yaqaano Diir-Haro ee degmada Ceel-Cadde
Ma sugna taariikhda dhabta ah ee uu marxuumku dhashay laakiin waxaa la qiyaasaa inuu jiray 95 sano amaba bilowgii sanadkii 1912. Marxuumka aabihii Cabdille Maxamed waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka soo hayaamay dhinaca bari ee Soomaaliya ee socodka dheer ku yimid arliga Gedo. Dadkaas ay abaaraha iyo colaaduhu ka soo barakiciyeen dhulka hadda Ethiopia ay haysato ee ay ka mid yihiin Fadhi-Garaadle, Gosol, xila-qooq iyo shilaabo waxaa loo yaqaanaa “Kaba-cad”. Cabdille Maxamed-Hadalwanaajiye oo yaraan ku yimid gobolka Gedo waxaa uu guursaday dhawr haween ah oo midkood dhashay Marxuumka Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille. Marxuum Nabdoon Xaaji Maxamed Cabdille awoowgii naanaystiisu waxaa ay tusinaysaa caaqilnimo iyo garyaqaanimo saas daraadeedna waxaa lagu naanaysay Maxamed-Hadalwanaajiye. Waxaa dadka inta badani ay aaminsan yihiin oo dhab ah in caaqilnimada Marxuumka ay ahayd mid uu ka dhaxlay awoowgii Hadalwanaajiye. Rag badan oo uu dhalay oo hadda noolna ay ka sii dhaxleen codkarnimadaas Marxuumka allaha u naxariistee waxaa sida reerka uu ka dhashayba caadada u ahayd la baray yaraantisii diinta islaamka, waxaana laguna daray dugsi quraan. Xaaji Nabadoon Maxamed Cabdille Maxamed sida ay sheegen dad aad u yaqaano waligii gar ama xaajo uu galay dib looguma noqonin. Waxaa uu ku tilmaannaa caaqilnimo, codkarnimo, geesinimo iyo waliba naxariis iyo diin jacayl. Marxuumka oo si aad ah looga yaqaano beesha Sade dhexdeeda waxaa loo aayi doonaa caaqilnimadiisa, garyaqaanimadiisa iyo waliba codkarnimadiisa alle hibada u siiyey. Maxamed Cabdille waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah arimo iyo halqabsiyo aan la soo koobi karin oo taariikho ku reebay inta taqaanay. Haddaan wax yar ka tilmaamo hadalada geesinimada tilmaamaya ee halqabsiga u ahaa waxaa ka mid ah “Nin meeshuu kugu galaa, lagu galaa” oo u taagan nin meeshii uu kugu dhibaateeyo iyo sidii uu kuu waxyeeleeyo oo kalaa looga aarsadaa. Halqabsiyadiisii caanka ahaa ee tilmaamya naxariista ee uu marxuumku caanka ku ahaa waxaa ka mid ah “Yaa horay u guuray oo gadaal u dhaansaday”. oo marna duco ah, marna hadal xigmad badan tilmaamaysana sida ninka qaniga ka ah xoolo iyo willalba ugu fududahay inuu wilashiisa iyo xoolihiisaba kala jiheeyo. Ficiladiisa tilmaanta u ah sida cabsida rabbi ay ugu wayn tahay marxuumka waxaa ka mid ah inuu marxuumku was-waas la’aan mar walbo galo salaadiisa, rabbina hor istaago isagoo aysan maskaxdiisa mashquulinayn xaalatul-dunyaa. Marxuum Maxamed Cabdille waxaa uu ka mid ahaa cuqaasha Sade ee mar walba aan looga maarmin waxyaabaha Sade dan u ah marka laga hadlayo, mar walbana waxaa uu diyaar u ahaa inuu qayb libaax ka qaato. Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Cabdille waxaa uu ahaa nin taariikh iyo facaad badan. Nin la sheekaystay oo aanan u xiisin abid lama sheegin. Wuxuu ahaa shakhsi aan laga dhargin hadaladiisa xigmadda badan. Inta badana waxaa uu jeclaa inuu da’yarta la sheekaysto, talooyin badanna siiya una maadeeyo. Runtii waxaan ku tilmaami karaa shaqsi noociisa ay dunida ku yartahay (Unique) mar laga eego sida hadaladiisu kuu cajab galinayaan. Marxuumku waxaa uu ka mid ahaa aabayaashii aas-aasay degmada Ceel-Cadde degaanaana waligii. Ka hor intaanan degmada Ceel-Cadde la aas-aasin Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille waxuu ka mid ahaa ragga beeraha waawayn ku lahaa dhulka biyo-mareenka ah ee Diir-Diire. Ka dib waxaa uu ahaa nin qani ka ah xoolaha nool sida Geela, Lo’da iyo arigaba xoolo badana unkaday. Allaha u naxariistee Marxuum Nabadoon Xaaji Maxamed Cabdille waxaa uu ifka kaga tagay in ka badan 100 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo waliba farcankoodii. Runtii waxaa xaqiiqo markhaati madoonta ah in si aad ah beesha Sade ay u tabi doonaan marxuumkaas. Marar badanna la xasuusan doono marka ay soo wajahdo mixnado badan oo uu marxuumku caan ku ahaa xal u helideeda. Allaha awooda lihi waxaan uga baryaynaa inuu qabrigiisa u waasiciyo, naxariistiisana dabaalsiiyo. Aamiin P.S: Fadlan haddii aad hayso marxuumka taariikhdiisa iyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee marxuumka lagu xusuusto ku soo dir gedoweb@gedoweb.com
Filed under: Tacsi | Leave a Comment »
Posted on June 5, 2007 by ceelcadde
Tan iyo intii dagaalkii u dhexeeyey kooxaha wax iska caabinta iyo Ciidamada dowladda oo ay horkacayaan kuwo Itoobiya uu ka bilowday magaalada muqdisho waxaa soo qaxay dad aad u farbadan. Dadkaas intooda badani waxay dageen magaalooyinka ay ka heli karaan macluumaadka adeega bulshada sida waxbarashada iyo nabadgelyada oo aad muhiim uga ahaa.
Dadkaas soo barakacay meelaha ay beegsadeen oo ay saldhigga ka dhigteen ayey degmada Ceel-Cadde ka mid tahay. Ilmaha ay dadkaasi la yimaadeen ayaa u badnaa kuwa dhigan jiray Iskoolada Hoose/Dhexe. Dugsiga H/dhexe ee Degmada Ceel-Cadde ayaa waxaa la soo daristay iskuulkii oo ardaydii loogu talagalay ay ka badatay.
Waxaa noo suurtoobi wayday inaanu la xiriirno gudoomiyaha degmada iyo maamulka Iskoolka. Laakiin waxaaan halkaan dhawaan idinkugu soo gudbin doonaa macluumaadka ku saabsan guud ahaan dhacdooyinka degmada Ceel-Cadde , gaar ahaan iskoolada waxbarashada.
Filed under: Iskoolada, Uncategorized | 7 Comments »
Posted on June 5, 2007 by ceelcadde
Degmada Ceelcadde waxay ku taalaa qiyaastii 60 KM koonfur galbeed ee caasimadda gobolka Gedo ee g/haarey. Degmada Ceel-cadde waxay caan ku tahay xoolaha nool sida Geela, lo’da iyo arigaba. Degmada Cee-Cadde waxaa la aas-aasay sanadihii 1960-yadii. Hore waxaa ay u ahaan jirtay meel ku wanaagsan daaqa xoolaha oo cara san ah. Ka dibna waxaa la isla gartay in laga dhigo Tuulo leh matooro ay xooluhu ka cabaan. Iskooladii waxbarasho ee u horeeyey waxaa la aas-aasay sanadihii 1973-gii. waxaana degmada Cee-Cadde ka aflaxday rag iyo dumar badan oo dunida dacaladeeda iminka ku nool. xoolaha ka sokow Ceel-Cadde waa meel ku wanaagsan beeraha. Waxaa ku yaala togag waawayn oo ay biyuhu ku rogmadaan xiliyada gu’ga iyo dayrta. Waxaa ka baxa dalagyo badan sida sisinta, digirta, masagada, galayda iyo qaraha. Ceel-Cadde waxay ka gudubtay tuulo iyadoo noqotay Degmo. ka dib markii ay kasbatay wax kasto oo degmo looga baahnaa sida Isbitaalada, Iskoolada iyo dhamaan adeegyada bulshada. Ceel-Cadde waxaa ka dhisan ilaa iyo heer dugsi sare oo waxbarasho ah, iyadoonan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo aanan xitaa lahayn waxbarashada aas-aas-aasiga ah. Degmada Ceel-Cadde waxay leedahay maamul gooni ah oo laga soo dhex doortay dadka. waxay kaloo leedahay oday dhaqameedyo iyo gole guurti oo ka kooban dadka deegaanka wada dega.
Filed under: Dalxiiska, Iskoolada, Xoolaha, maamulka | 23 Comments »