Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato

Degmada Ceelcadde oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay isu diyaarineysaa sameynta maamul degma oo ka kooban qeybaha kala duwan ee maamulka sida guddoomiye, ku xigeenka, xoghaya maamulka iyo qeybaha kale ee waaxyaha hoose.

Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG oo ka codsaday in degmada Ceel-Cadde ay soo dirsato ergo, degmo ahaana uga qaybgasho shirka G/haarey

Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG ah mudane Maxamud Sayid Aadan waxaa uu ka codsaday in degmada Ceel-Cadde oo dhawaan ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo inay soo dirsato ergo uga qaybgasha shirka G/harey ee lagu dooranayo maamulka gobolka iyo degmooyinka.
 Degmada Ceelcadde oo leh maamul ku meel-gaar ah oo waajibaadkiisu ahaa muddo hal sano oo ka [...]

Deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde?

Maadaama ay Ceelcadde noqotay degmo ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo, su’aashu waxay tahay deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde, asbaabahee bayse ku hoos imaanayaan: Masaafo, codka dadka, sharciyan wax qoran? Dhiibo fikirkaaga?

Ceel Cadde oo ay DFKMG ah u magacowday degmo iyo dikreetadii oo ku lifaaqan

 
Wasaaradda arimaha gudaha dawladda fadaraalka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in deegaanka Ceel-Cade ee gobalka Gedo si rasmi ah loogu magacaaway dagmo ka tirsan Dagmooyinka uu ka kooban yahay guud ahaan gobalka Gedo.
Shir’jaraaid oo uu maanta ku Qabtay wasiiru dawlaha arimaha gudaha Ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha xarunrta [...]

Ceel-Cadde degmo ma u qalantaa, maxayse ku kasbatay?

Ceel-Cadde oo dad badan ay ugu yeeraan degmo qaarna tuulo, qaarna beel ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay tuulooyinka sida aadka ah u koray ee gobolka Gedo.  Waxgaradkooda ayaa u ololaynaya inay degmo ahaan uga qayb galaan barnaamijyada gobolka ka socda. Hadaba su’aashu waxay tahay ma u qalantaa degmo, maxaad ku cadaynaysaa, yaase u [...]

Kumuu ahaa Imaam Axmed Ibraahim Gurey? Halgankii Geeska Afrika by: Sh. C/raxmaan Bayad Buugii “Futuxul-Xabash”

Qaybta koobaad  Qaybtii labaad  Qaybtii sadexaad  Qaybtii afraad  Qaybtii lixaad  Qaybtii shanaad
 Insha allahu tacaalaa waxaa inoo soo gudbinayo muxaadaraadaan Sh. C/raxmaan Bayd. Waa buug la yiraahdo “Futuxu-al-Xabash”.  Si aad ah ayaa loogu muran san yahay Imaam Axmed Ibraahim oo ku magaca dheer “Axmed Gurey” afka qalaadna ay ku naanaysaan “Ahmed Grang” asal ahaan meesha uu [...]

Maxaa Keena nabaad guurka dhulka (Geed abuur hadaad mid goyso)

Adduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu [...]

Mag la kala qaato ayay ku heshiiyeen Beelaha Reer Garaad iyo Reer Xasan

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in labada beelood ee Reer xasan iyo Reer Garaad ay ku heshiiyeen inay mag kala qaataan dilkii loo gaystay marxuum Cumar Maxamud Warsame. Dilkaas oo ka dhacay oo tuulada Ceel-Guduud ayaa ahaa mid aanan ujeedo lahayn laakiin si kama’a ah u dhacay.
Dilkaas ayaa dhacay [...]

Maamulka degmada Ceel-Cadde oo lix bilood jirsaday, lix biloodna ay u harsan tahay

Maamulka degmada Ceel-Cadde ee la soo dhisay muddo lix bilood hadda laga jooga ayaaanan wali soo bandhigin waxqabadkooda iyadoo xilligiii loogu talagalay inay xilka hayaan ay ka harsan tahay muddo lix bilood oo kaliya.
Maamulkaan oo uu gudoomiye ka yahay Cabdi Maxamed Cabdille ayaa dhici doona muddo ku siman lix bilood iminka.
Sida uu qorayo go’aamadii ka [...]

Golaha Guurtida iyo maamulka ee Degmada Ceel-Cadde

Waxaa shir ballaaran isugu yimid waxgaradka deegaanka degmada Ceel-Cadde taariikhdu markay ahayds 01/03/07, shirkaas oo ku saabsanaa hagaanjinta nidaamyada dhaqanka iyo maamulka ee degaanka, waxaana shirka gabagabadiisa la soo saaray go’aamada hoos ku qoran:-

Samaynta gole guurti oo ka kooban 32 xubnood.
Dhismaha guddi maamul oo ka kooban 17 xubnood
Ansixinta qaabka magaha (Mag dheer, Rafiso, Dhignool iyo [...]