Archive

Author Archive

Shirkadda Isgaarsiinta “Hormuud” oo soo gabagabaysay Telefoon galin iyo Taagidda Towers-ka Isgaarsiinta degmada Ceel-Cadde

February 10, 2010 7 comments
El-adde District Towers

El-adde District Towers

Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku guulaysatay dhamaan inay telefoono raqiis ah ka hirgaliso degmada Ceel-Cadde gabi ahaanba. Iyadoo ay soo gabagabowday balaarintii ay beryahanba ka wadeen halkaas. Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dhamaystirtay  Yagleelidda Taawerada Isgaarsiinta ama loo yaqaano Siimanka, si ay dadka ku nool deegaankaan u helaan isgaarsiin ku filan oo faseex ah. Read more…

Categories: Uncategorized

Ogaysiis: Website-ka degmada Ceel-Cadde oo dib u howlgalay

February 7, 2010 4 comments

Ka dib markii in muddo ah aanu hawada ku kala maqanayn waxaan akhrisyaahayada Qiimaha badan ugu bishaaraynaynaa inaanu dib u hawlgalinay Website-ka degmada Ceel-Cadde, oo ah mid u xilsaaran kaliya wararka degmada iyo nawaaxigeedaba. Webkaan ama bloggaan waxaa la sameeyey muddo hadda laga joogo  3 sano, waxaanan filaynaa inaanu idinka haqab tiri doono wixii warbaahintiisa. Read more…

Categories: Uncategorized

Goobaha Ganacsiga oo ay Al-shabaab ka bur-buriyeen Degmada Ceel-Cadde, Gedo

February 7, 2010 10 comments

Warar aanu si toos ah uga helayno maamulka ka arimiya degmada Ceel-Cadde ayaa sheegayo in dhawaan la bur-buriyey dhismooyin si sharci darro ah looga dhisay degmada Ceel-Cadde, lagana bur-buriyey dhismayaal cooshash ah oo ay dad danyar ah ay ku ganacsan jireen oo loo yaqaano “waratada”  suuqa Read more…

Categories: Uncategorized

Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato

January 15, 2008 8 comments

Degmada Ceelcadde oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay isu diyaarineysaa sameynta maamul degma oo ka kooban qeybaha kala duwan ee maamulka sida guddoomiye, ku xigeenka, xoghaya maamulka iyo qeybaha kale ee waaxyaha hoose. Read more…

Categories: Uncategorized

Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG oo ka codsaday in degmada Ceel-Cadde ay soo dirsato ergo, degmo ahaana uga qaybgasho shirka G/haarey

October 19, 2007 2 comments

SayidWasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG ah mudane Maxamud Sayid Aadan waxaa uu ka codsaday in degmada Ceel-Cadde oo dhawaan ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo inay soo dirsato ergo uga qaybgasha shirka G/harey ee lagu dooranayo maamulka gobolka iyo degmooyinka.

 Degmada Ceelcadde oo leh maamul ku meel-gaar ah oo waajibaadkiisu ahaa muddo hal sano oo ka bilabanayso bilowga sanadka 2007-ka ayaa ah mid iyada laftigeeda u tartamaysa gudoomiyaheeda cusub.

Maamulka ku meel-gaarka ah ee uu hadda madaxda ka yahay guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdille ayaanay wali soo bixin cidda la tartamaysa ee majaraha u qaban doonta degmada cusub, howlo adagna ay ku soo wajahmi doonaan nidaamka ka dhalan doona

Categories: Uncategorized

Deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde?

October 17, 2007 46 comments

Maadaama ay Ceelcadde noqotay degmo ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo, su’aashu waxay tahay deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde, asbaabahee bayse ku hoos imaanayaan: Masaafo, codka dadka, sharciyan wax qoran? Dhiibo fikirkaaga? Read more…

Categories: Uncategorized

Ceel Cadde oo ay DFKMG ah u magacowday degmo iyo dikreetadii oo ku lifaaqan

October 17, 2007 4 comments

 

Wasaaradda arimaha gudaha dawladda fadaraalka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in deegaanka Ceel-Cade ee gobalka Gedo si rasmi ah loogu magacaaway dagmo ka tirsan Dagmooyinka uu ka kooban yahay guud ahaan gobalka Gedo.

Shir’jaraaid oo uu maanta ku Qabtay wasiiru dawlaha arimaha gudaha Ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha xarunrta wasaaradda ayuu ku sheegay kadib markii wasaaradooda ay aragtay in deegaanka Ceel-Cade ee buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ay wasaaradooda garwaaqsatay in loo magacaabo deegaankaasi dagmo. Read more…

Categories: Uncategorized

Ceel-Cadde degmo ma u qalantaa, maxayse ku kasbatay?

October 6, 2007 37 comments

Ceel-Cadde oo dad badan ay ugu yeeraan degmo qaarna tuulo, qaarna beel ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay tuulooyinka sida aadka ah u koray ee gobolka Gedo.  Waxgaradkooda ayaa u ololaynaya inay degmo ahaan uga qayb galaan barnaamijyada gobolka ka socda. Hadaba su’aashu waxay tahay ma u qalantaa degmo, maxaad ku cadaynaysaa, yaase u magacaabi kara degmo?

Ceelcadde waxay caasimadda gobolka Gedo u jirtaa qiyaas dhan 65Km, waxayna ku taallaa bartamaha gobolka Gedo

Digniin: Fadlan fikirkaaga dhiibo sida ugu wanaagsan. Aflagaadadu waa reeban tahay, waxaanan kaa joojinaynaa inaad mar dambe isticmaasho Ceel-Cadde comments’ page.

Categories: Uncategorized

Kumuu ahaa Imaam Axmed Ibraahim Gurey? Halgankii Geeska Afrika by: Sh. C/raxmaan Bayad Buugii “Futuxul-Xabash”

July 28, 2007 307 comments

Imaam Ahmed Gurey Mosque in Harar Ethiopia

Qaybta koobaad  Qaybtii labaad  Qaybtii sadexaad  Qaybtii afraad  Qaybtii lixaad  Qaybtii shanaad

 Insha allahu tacaalaa waxaa inoo soo gudbinayo muxaadaraadaan Sh. C/raxmaan Bayd. Waa buug la yiraahdo “Futuxu-al-Xabash”.  Si aad ah ayaa loogu muran san yahay Imaam Axmed Ibraahim oo ku magaca dheer “Axmed Gurey” afka qalaadna ay ku naanaysaan “Ahmed Grang” asal ahaan meesha uu ka soo jeedo. Turkiga, Itoobiyaanka, iyo Soomaalida ayaa si aad isugu haysta. Laakin buugaan waxaa uu cadaynayaa in Axmed Gurey uu ahaa nin Soomali ah Adeerna uu ahaa ninkii markuu dhintay la wareegay imaamnimadiisa oo la oran jiray “Amiir Nuur”.  Fadlan si taxadar leh u dhuux muxaadaradan iyo buugaba si aad u ogaato Axmed Gurey iyo Amiir Nuur waxay isu ahaayeen iyo dadyowga ay ka so jeedaan labaduba. Baarakal laahu fiika

Categories: Uncategorized

Maxaa Keena nabaad guurka dhulka (Geed abuur hadaad mid goyso)

July 27, 2007 9 comments

acacia treeAdduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Ecosystem”.

Midka dadka uu keeno oo ah mid aad u dhibaato badan ayaa ah midka ay dadka iyo xooluhuba cagta mariyaan. Dhirta la jaro, xoolaha oo bata, waxay keenaan roob yaraan iyo nabaad guur.

Waxaa cad in deegaanka Ceel-Cadde ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan ee gobolka Gedo. Tirobadnida xoolaha iyo dadka oo jara dhirta waxaa ay keentay in dhulkii uu nabaadguuro, dhulkiina ay ka soo baxaan geedo  sida quraca, cadaadka iyo kaxarka. geedahaas oo ah kuwo loo yaqaan geed abaareed. Xooluhu markay cunaana waxay raacaan saxaradooda iyagoo markiiba aad arkayso geedo qurac oo wadankiba qabsaday.

Hadaba, waxaa lagaa doonayaa inaad is xilqaanto oo aadan jarin geedaha noocay doonaanba ah ahaadeena. Hadaad moodayso in quruca iyo cadaadku aysan manaafacaad lahayn oo haddii la jaro aysan dhib lahayn waa khalad.

Abuur geed haddaad mid goyso

Categories: Uncategorized