Degmada Ceelcadde waxay ku taalaa qiyaastii 60 KM koonfur galbeed ee caasimadda gobolka Gedo ee g/haarey. Degmada Ceel-cadde waxay caan ku tahay xoolaha nool sida Geela, lo’da iyo arigaba. Degmada Cee-Cadde waxaa la aas-aasay sanadihii 1960-yadii. Hore waxaa ay u ahaan jirtay meel ku wanaagsan daaqa xoolaha oo cara san ah. Ka dibna waxaa la isla gartay in laga dhigo Tuulo leh matooro ay xooluhu ka cabaan. Iskooladii waxbarasho ee u horeeyey waxaa la aas-aasay sanadihii 1973-gii. waxaana degmada Cee-Cadde ka aflaxday rag iyo dumar badan oo dunida dacaladeeda iminka ku nool. xoolaha ka sokow Ceel-Cadde waa meel ku wanaagsan beeraha. Waxaa ku yaala togag waawayn oo ay biyuhu ku rogmadaan xiliyada gu’ga iyo dayrta. Waxaa ka baxa dalagyo badan sida sisinta, digirta, masagada, galayda iyo qaraha. Ceel-Cadde waxay ka gudubtay tuulo iyadoo noqotay Degmo. ka dib markii ay kasbatay wax kasto oo degmo looga baahnaa sida Isbitaalada, Iskoolada iyo dhamaan adeegyada bulshada. Ceel-Cadde waxaa ka dhisan ilaa iyo heer dugsi sare oo waxbarasho ah, iyadoonan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo aanan xitaa lahayn waxbarashada aas-aas-aasiga ah. Degmada Ceel-Cadde waxay leedahay maamul gooni ah oo laga soo dhex doortay dadka. waxay kaloo leedahay oday dhaqameedyo iyo gole guurti oo ka kooban dadka deegaanka wada dega.
Waxaan dhawaan idiin soo bandhigi doonaa masawarida iyo taariikdha aas-aasayaashii degmada Ceel-Cadde iyo jaran-jarada maamulka ee hadda jiro. Fadlan haddii aad hayso wax macluumaad ah oo ku saabsan degmada Ceel-Cadde inoogu soo dir emailka ceelcadde1960@hotmail.com
mahasanid
tuulada celcade waxay kutaalla kalabaraha lakin wali ama aysan gaarin dagmo run ahaantii lakin waa ay gaaraysaa hadaai dad badan o kaladuwan qabilkoda iyo dhaqn ahaantoodaba dagmana manoqoto meel hal qabilo ama hal cid ay dagan tahay sidaa awgeed waxan in leeyahay anigoo ah wiil somaliyed daganna gobalka gedo kuna soo bar baaray ceelcade maraka waad kumahadsantihiin codsigaas
magacaygu waa amina taas oo ah gabar ree garad ah run ahaantii waan jeclahay qabil kayga iyo wadan kaygaba saas awgeed waxan usheegaya dadkayga dagan tulada yarata ah oo adka iyo aad ka ufoolxun inay kadaayan xayaysiinta iyo kabad badinta waayo aniga adinka ayaa iga socayriyay tuuladayda ceelcade manadoonaayo inaan mardanbe kulaabato wadan kayaga waayo waala iguxumeeyay mana doonaayo inaan halakan kasheego dadkaas waa ayna isgaranaayaan runtii bay baay thank,s
waxan ahay wiil kasooqalin jabiyay dagmada ceelcadda kuna soo bar baaray yaraantaydii waxan kuxifdiyay quraanka iyo kutub aad ubadan sidaa awgeed intaan jogay dagmadas ma arkin qof lamaagaayo ama qof laga gardarsaday ama qof xabad lagu ridaayo magaladas amnigeda waan layaabay runtii midda kale waxaa kasiidaran masaajidda iyo madarasoyinka say dadka wax ooga barataan maasha allah
Amino walaal ma maqal gabar ceelcadde lag soo cayrieyey. been baanad shegaysaa. Haddii lagaa soo cayriyey falal foolxumo baad ka samaysay in lagaa so cayriyana waad ku haboonayd.
acw
walaal layaal kay iyo bul sha wayn ta reer ceelcade waxaan u sheega uyaa inay aad u hor mareen bye ceel cade
walaashay waxaan oran lahaa Aamino xageed unoosha hay waxaan ogaan rabaa inaan kuu sheego sabab ta ceelcade la gaaga soo cayriyay adiga oona ka xumaa nayn ogaa sha ha aan ogaana yo meelsha aad joogto iyo inaan ba ogaado qof kaatahay bye ceelcade 0
waa la xumeeyee yaa xaal marinaa amino ….kkkkkkkkkk u were kicked awt of ceelcaddde..hahahahaha
Amina sister first I am sorry for you to lose that paradise place. It is really tragedy and extremely bad news to hear that. Sister, as a General Attorney of Ceelcadde City, I know one could only be kicked out from Ceelcadde for the fallowing of reasons.
A: Misconduct-Illegal intercourse… (Zina)
B: Attempt for killing innocent person or attempting tooting for their property
C: Behavioral miscounting—having bad repetition in the society.
Those are the only reasons we abandon individuals from our city.
If you prove that you did not commit any of those, I will promise you for place to live in Ceelcadde.
Shame a on you Ceelcadde!!!!!!! You sound jerky
Baxnaan, I didn’t say any jerky. Just that copied the constitution of Ceelcadde, terms in the on the bylaw which explaining how one could loss the citizenship of Ceelcadde.
sc. dhamaan waad salaamantihii.
salaan ka bacdi: waxaan filayaa dad badan way ka qarsoontahay bilicsanaanta magaalada ceel cadde.
miyaanan la ogayn ceel cadde inay tahay caasimada degmada diiharo?
cee-cadde waa magaala madaxda degmadaas, marka ceelcadde ninkii yaqaanno waa yaqaannaa ninkaan aqoonna afka hakala baxo, kii iyadoon wax ahayn kasoo tagayna haku laabto, ceel cadde ninka ka taariikheeyay waa uu yaqaannaa dhabnimadeeduunna ka hadlaye, hala soo barto magaalada intaan wax laga sheegi.
really waa arin lagu farxo in magaalo kutaalo somalia guud ahaan gedo khaas ahaan ee hormarto, horimarkuna ma ahan kaliya in maagalo dhisanto ee waa in bulshada kunool xitaa horimar udiyaargaroow, marka bulshadaashi horimarto waxay badeleysaa inta udhawo. marka ceel cadde horimarto micnaheedu waa gobalka odhana waa horimari mashaa Allaaaaaaaah yaa heli karo. intaasi waxaa noodheer degmooyin badan inaan yeelano waan rabnaa ee yaan loodiidin ceelcadde inay degmo noqoto. reer ceel cadoow hor mariya ceel cadde intii kalle ood awoodaana kudara. waxyaabo aan loojoogin ayaa dadka qaar sooqoraayaan waxayna ilatahay timekeeda waa lasoodhaafay.
bardera ayaan kudhashay kuna korey waligeyna ceelcade matagin micnaheeda waa gobalka madhisno mana hormarsano aan wada hormarino akhiyaarta firki cusub aan keeno.
ascwrwb all walalaha rer cel cade.
waxan ahay gabar ka soo qalin jabisay Jamacada Bayciiro
wana jeclahay dhaman gobolka gedo qasatan melaha unabada badan sida ceel cade siina wada hurumarinteeda inta ku howlanayd byeee all wcswrwb
jalayaal waxaan aad u jeclaan lahaa hal qof oo reer ceelcada ah oo sharaxaad kooban ka bixiya dhinacyada ay ka hor martey ceelcade aniga shaqsiyan waxaan miisaami karaa oo kaliya dhinaca bulshada waayo mudo ma aanan tagin ceelcade markaan leeyahay bulshada waxaan ula jeedaa dadka ay soo saarto badanaa waaa dad fikir ahaan u dhisan iyo wax barasha ahaanbo oo badanaa uu u fufudyahay ku milmida iyo la qabsiga bulshooyinka kale laakiin waxaana ilaa hada fikrad buuxda ka heysan dhinacyada kale sida dhinaca koboca dhaqaalaha fidista dhismayaasha magalada ee caamka ah iyo kuwa qaska ahba dhinaca maamulka mark (i hope to get from you enought explanation about the development in el adde) thanks aan idin xusuusiyee ceelcade waxaa iigu danbeysey 7 sanoka hor
wabilaahi towfiif\
Maa shaa laah CEEL CADDE GOORMEEY DAGMO NOQODAY WALAALAYAAL??? dooladeesa ka dhigtay? ceel cadde anagaa le anagaana dhiseeyno ilaal doolad soomaaliyeed ka dhalatana ceelcade waa magaalo ee ma ahan Dagmo!!!!!
Ceelcade maxay ku muteysatay degmanimo, ma qabiil mise degankeeda oo kobcay, haddii dhanka degaanka laga eego Ceelguduud oo 10 km u jirto ceelcade waxba kama yareysato xaga tirada dadka iyo weynaanta intaba marka sow iyaduna xaq u yeelan meyso in degmo loo magacaabo, haddii qabiil laga eego, degaan walba qabiil ayaa degan tusaale Dabley wa degaan xassan Garshireedle – sow xaq u yeelan mayaan in degmo loo magacaabo – maxaase ka dhalan karo arintaas – kala qoqob iyo kala qeybin horleh – hadda ayaa qaatar laga taagan yahay in 6 da degmo la isu keeno – arinkaan ha laga fiirsado. Soomaaliya xeerar ayay leedahay loo tixraaco magacaabista degmooyinka, xeerarkaas dib ha loogu noqdo ummadana yaan la lugooyn.Waxaa ayaan daro ah in qurba jooga ay u guxayaan daciifad qabiil halkii laga filayay inay dadka ka saraan jahliga iyo qabiilka
ceelcado waa dal; so ma liyeed dad waynaha bayna ka dhe xay saa hasa ahaa tee dad ale khayer sii yaay ayaa gacan ta ku hayo oo dhabadeedsa utaa gan
HADII AAMINO AYSHEEGATAY INLAGA SO CAYRIYAY waxa loo ga soo cayriyay ayay mutaysatay
waa aniga oo ah ABDIAZIZ KUNA MAGAC DHEER ABDHISHKA
waanidinsalamay dhamaantiin aniga oo ah wiil kunool wadanka kenya gaar ahan magalada mambasa kunadhameeyay dugsiga sare wadankan kenya kanasoojeeda magalda ceelcade waxaan aaminsanahay magalada ceelcade inaytahy mel aad usarayso dhankasta haday ahaanlahayd waxbarasho haday gaar ahaan dhanka schoolda waxaad ogtahay ceelcade inuu kadhisanyahay the best secondary in GEDO iyo madarasooyinka kuyaalo ceelcade waxaa taas sii dheer dhilbaxnimada dadwaynaha mana kajiro ceelcade jinsifaquuq (discrimination) marka dadka aaminsan waxyalaha kale waxaas hakatanaazulen mahadsanidiin
HILAALYARE IS MY NAME THANKS & GOD BLESS
yes miss amina iam very sorry to claim you that you are member of cellcade realy you are not amebmer of cellcade and it written on your face that you are aperson who wan to condame the dignity of the people those around in cellde and also it is shamful from you to abable the particpent !!!!!!!!!!!!! shame an you !!!!!!!!!!!!!!!! good wiling
HILAALYARE ISMY NAME
waad salaamantihiin walalahayga kunoool dhamaan wadanka somaliya gaar ahaan kuwakunool ceelcade aniga oo ah wiil kunool magalada nakuuru ee wadanka kenya waxna kabarto wadankan kanasoojeeda gobolka GEDO hadaan fikirkayga kadhibto magalada ceelcade dagmo nimadeeda runtii ceelcade sida aanwarbixinta kuhayo ceelcade waa uqalantaa dagmanimada loo soomagacaabay maxaa yeelay dadka dagan ayaa ah dad karti leh awoodna uleh inay hormarinkaraan ceelcade waxaana kugudaliil ah siday uhormartay dhanka tacliinta aniga waxaan arkay intaan wadankan joogay kenya arda badan ookasoojeeda ceelcade oo wax kubarato kenya runtii ardadan waxaad qiyasikarto ma ahan siday udhisanyihiin asaas ahaan iyo bulshada siday udhexgaleen example wiilka layiraahdo hilaalyare oo aan askalqaybgalnay hada kahor sabinaar magaalada garisa marka waxaan usheegayaa dadka cadaystay inay aflagadeeyaan waxkasta oo fiican walaalayaal waxaan idinleyahay katanaasula
GOOD WILLING ALL OF YOU!!!!!!!!!!!!!
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN REER CEEL CADE IYOI DAD WAYNAHAY KA QAYB QAA DANAAYO DODAAN KUNA DADALAA INAAD ANSHAXA ILAA LISAAN SIDAAD HADAKU WADAAN KU WADA ASANTENI SANA KWA KUENDELEA MAZUNGUMUZO
Awarxamatullahi wabarakaatuhuu dhamman waad salamantihiin umadda soomaaliyeed waxaanidinleeya dagmada ceelcadde allehaidiinbarakeeyo oohakadhiga sidada lajeceshihin waana waxlagufarxo hormar gaartay degmo soomaaliya kutaala waxayna kuxiranta hurmarkeeda dadkeeda waana idinka muuqataa wadda dadaalkiina acwr
asalamu alaykum warahmatulahi wabaarakatuh
congrotulation fo elade
hanbalyo …………………………………………………………….
hakadalina dadaalkina wada insha alah waa helaa kidadaalo dadaalkisa ;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;
waan kufarxsanahay maka caabidda lomaga cabay ceelcade in ay noqoto degmo waxaan idiiiiin leyahay hakadalina dadaalkiina ……………………..bye
i thenks god not eny thing els ALXAMDULIILAH
ceelcade sawirkeed ma noo soo dhigtiino webka .hambaljo reer ceelcade ku ciida caafimaad san all
Dadkan umalaynayo in ceel.cadde oo hormarta ay dhib ku tahay ayaga.. mar walbana cay uga dhigo dadka rer diineedka ah ee dagan waxan usheegaya ceel.cade way hormartay wayna hormaraysa ka dhigo tusaale DUGSIGA SARE..CUSBITAALKA.
mida kale waydiiya gabadha AAMINA la idha leh ee ereyada liita ee macno darada ah ku xariiqday meesha.. WAA TUMA ADIGA? Hana ushegen Mamulka wabka in dadka sidaa oo kala ah ee caqli ahaan iyo xirfada ahaanba liita in aan logu tali galin in wax faalo ah ama comment ah ay ku qoraan sida Wabkaan sharafta leh oo kale ee ka turjumaya bulshada cajiibka ah ee ka bad baaday is xag xagashada dhax martay beelaha kale..
magacayga waa xiish sh. ibraahin sh. c/lahi waxanleeyhaya dhamaan dadaka neceb hormarka CEEL CADDE CEEL CADDE way hormartay marka waxaan dhihi lahaa CEEL CADDE waxaas inay san wax udhimaynin ceel cadana waa meel aad uhormartay jecelna hormarka kuna tilaabsatay horumar aad u wayn waxaana urajaynayaa mid aad u wayn oo ay ku farxaan dhamaan dadaka ku nool GOBALKA GEDO oo ayan ku daydaan dagmooyinka kale
waxaan haye wiil udhashaye degmad CEELCADE
oo waxa ku soo bartaye waxa barashada qeeybaheed kaladuwan waxaan ku yaalo iskool caalami ah oo lagabar to diin &maadiba waxa ku yaalo dugsi hoose/dhex ilaa dugsi sare
waxaa kaloo kuyaalo meelo dal xiis &xoolah lagudhaqdo waxa kaloo kadhisan maamul & odayaal dhaqameed yo & waxayaalo gedo ayeesan laheen
wxaan salaamayaa dhamaan bulsha waynta caalamka waxaan ahay wiil udhashay dagmada ceelcade wxaan waxbarashadayda dugsiga hoosyo dhexe aan kusoodhamaystay dagmada ceelcade waxaa kuyaalo iskoolaad isku jiro diini iyo maadi waxaa dhigo mcalimiin khibrad uleh waxbarista ardayda iyo tarbiyada ardayda dhankale waxaa ayleedahay dagmada ceelcade 2 masaajid dhaka kale waa meel aad unabdoon
magacaygu waa maxamed maxamuud cismaan(mmcisman) oo ku dhashay magaalada ceel cade kuna soo bar-baaray aydoo xiligaas tuulo ahayd Laakiin hada ALLE mahadiis noqotay Degmo kamid ah Degmooyinka uu Leeyahay Gobalka Gedo, Taasna Waxay ku gaartay Siday ila tahay dadaal ay sameeyeen Odayaasheeda, Culumaa’udiinkeeda, dhalinyaradeeda, haweenkeeda, iyo dhalinyarada, ka soo jeedo Degmada ceel-cade ee ku nool qurbaha.
Dadaalkaasna waxaan Filaynaa inaan sii laban laabno Dhamaantano ilaa aan hor mar wayn oo la taaban karo aan ku talaabsano INSHA ALLAH .
qofkasto oo u dhashayna waxan oogu baaqaayaa inu ka shaqeeyo hormarkeeda iyo nabad galyadeeda,
waxan joogaa magaalada nairobi ee dalka kenya, waxan udhashay magalada ceel-cadde ee bartamaha gobalka gedo ee somalia.
Waa aqoonyahay ku dhashay degmada ceel-cadde, gaar ahaan goosayda, sanadkii 1986
wuxuu ka shaqeeyay hormarka ceel-cadde
mmcisman waa aqoonyahay dagan Degmada Ceel-Cadde ee bartahmaha Gobalka Gedo ee koofurta dalka soomaaliya.
wuxuuna ka shaqeeyaa hawlaha gar-gaarka gaar ahaan xanaanda xoolaha oo wuxuu u shaqeeyaa Hay’adda xanaanada xoolaha ee V.S.F-Suisse waxaa uu usheegay warbaahinta mar ay waraysatay oo uu ka hadlaayay arimaha Degmada Ceel-Cadde inay tahay magaalada hada oogu nabada badan Gobalka Gedo sidoo kale Hay’addaha gar-gaarka ayaa wuxuu ugu baaqay inay fariisin ka dhigtaan Degmada Ceel-Cadde ayagoo raacaayo ayuu yiri nabad galyada oo ah tan oogu qaalsan ama oogu muhiimsan sii arimaha gar-gaarka marka laga hadlaayo.
waxaan salamayaa dhamaan dadka kunool degmada c/cade waa dagmo aad ufiican oo aad iiqan cisay wayna hormartay waxan na no qonatsaa caa simad
Gabaygii “TUUG BAROOLE”
——————————————————————————–
garisa, kenya (gedowe) 13-April-09
——————————————————————————–
walaalaaal anigu waxaan kudha shay dag mada celcado kuna barbaray kuna taac lin bartay ilaa dugsi hoosse uga baxay aad iyo aad ayaan ujeclahay ddhulkayga hoooyo khaasatan degmada ceel cadde /
walaa layaal waxaan yeclaan lahaa inad barnaa mijka uga hada shan maxaa xal ukenikara somalia waad arag ten madax di aan doranaa waa ay na khiyaanay yaan oo waa calooshood usha qaysto yaal oodhulku aayaay gadanayaan
Gabaygaan la magac baxay TUUG BAROOLE waxaan tiriyay markii aan ka war helay in ay niman Soomaali sheeganaya Kenya heshiis kula galeen in Kenya loo ogolaado in ay qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed. Nimankaas waxay wax ku saxiixeen magac dawladda ku meelgaarka ah.
Arintaa waxaan maqlay 10/04/2009 goor galab ah, habeenkii ayaan ka seexan waayay xannuunka ay arintaas igu beertay, waxayna noqotay adduunka intaan ku noolaa war ay dhagahaygu maqlaan kii iigu tiiraanyo badnaa. Markaas ayuu gabaygani igu soo dhacay.
Barfasooradaan aaminee buugagga u dhiibnay
Baldadaha raggii wada sitiyo suudhadhkiyo baylka
Baalxooftadii hore raggii loo birdhigi waayay
Bakhti iyo nijaastay faleen beerku ii gubaye
Barbarreeyayeey xalay miyaan jiifka bogan waayay
Biixida miyaan ooga jabay cadow i boobaaya
Bahalkii Wajeer cunay miyaa baylah iga qaatay
Baran maysid soomaaliyeey tuug baroolaha e
Sidii ruux barii’uu dushaa uga bidhaamaaye
Bashar iyo qof saaxiib ah baad bilicda mooddaaye
Mar waa sheekh billaahida maroo diinta kaa badine
Marna waa basaas horor ah oon baab xidhaa jirine
Boqor iyo suldaan buu noqdaa beelo daaja ahe
Baryo wuxuu iskaga kaa dhigaa naasax beernugule
Waa baxar sitiin aan lahayn baasaboor mida e
Kolba boqol ilood buu middood kuula soo bixiye
Sidi ruux baldo u dhoofayuu boorsa wayn yahaye
Danta inuu badbaada u yahuu ba’uhu sheegtaaye
Bidix iyo markuu midig dayee kaa bogsado shiishka
Billaawaha wuxuu kaa marshaa meesha baydda ahe
Kuwii shalay dadwaynuhu baxshee shacabka boobaayay
Hunguraa baleeyiyo waxay bililiqaystaane
Bal ogoow dalkoodiyo inayn hoyga badar dhaafsan
Ummad yahay baddii aad lahayd boojisyaa helaye
Inta aysan baaqiga hadhiyo dhulalka beecgaynin
Ma baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye
FURAHA EREYADA
barbarrayn: dhinacyayn,isrogrogid
biixida: bawdada, laxaadka
bahal: waraabe,dugaag
wajeer: dagmada wajeer
barii’: dambi la’aan ah, aan waxba gaysan
naasax: daacad ah
baldo: waddamo, magaalooyin
baydda:dhuunta,halista
boojis: qawlaysato,budhcad
Birimo: waxa ugu mudan,muhiimsan
baadil: dambi
baldad: suudh
Abwaan: adiaziz sh osman ( daraataad)
kaliij35@hotmail.com
asc dhaman waa mahadsanyihiin dadka firkarooda kadhibtay barnaamijkaan aadka xiisaha u leh run ahantii celcade waa degmo leh miisaaniyad degmi nimo waxan aad oogu faraxsanahay aniga oo ku dhashay degmada celcade waxna kusoo bartay ilaa her dugsi dhaxe maantana jaamcad dhigta hadii aysan celcade lahaan lahayn waxbarasho maanta herkaan ma soo gareen balse hormarka celcade aya manta ii saamaxay in aan jaamacad dhogto celcade ad ban ujeclahay waana u mahadcelinayaa cid kasta oo wax kagaysato hormarkeeda
بلادي وان جارت علي عزيزة واهلي وان بخلو علي كرام
A.c magacaygu waa {isxaaq xassan xirsi adam} waxan ahay wiil kasojoda dagmada celcade kuna qaatay waxbarashadisi lagabilabo quranja ila waxbarashadaydi dugsiga hose e { iqra2} dagmada celcade waxan hada kusuganahay dalka kenya gar ahan gobolka {central provence} magalada {thika} waxana dhigta jamacada {thika college for sharia and islamig studies} waxan raba inakubiriyo fikirkayga ku aadan degmad celcade celcade horta wamel ale amanay dadkuna amanay ma ubahno aman kale waxaynaku amanantahay mambaca ay unoqotay dinta islamka waxana dhihikara wameshakali ah e u kataganyahay calamka dinta islamka gobolka gado dhaman inta dagan celcade o u uhoreyo macalimkay ga m.qasin m. Ali wan idin salamay byyy xirsi124@hotmail.com
Asalamu alaykum
Waad salamantihiin dhamantin.waxaan ahay mid kamid ah dhalinyarada ceelcadde hadana jogo dalka kenya gaar.ahaan nairobi. Waan ku faraxsanahay hormarka elade walow dhalilo leedahay .waxad ubahantihiin dadaal intaad samayseen kabadan.si.aad ku hesheen aqonsi buuxana waxay ubahan in lahelo asaasiyaadki degmo lahanjirtay in noqoto mid ka fog wax walbo oo keeni karo dib udhac iska ilaliya waad mahadsantihiin DADAALAA WUUGAARAA
waan idin salamaya dhamantin salanta islamka a/w/w salan kadib ikhwanii magacayga wa hilaal ugana ayan kunoolahay waxaan tagersanahay hormarka gedmada celcade iyo ubadka ay sosartay marka lafiriyo dhanka hormarka waxan codsanayaa aniga in aynoosoobandhigan sawirada ceelcade qolooyinka uxilsaran webkana ay hagaajiyan webka ama casriyeyanaan waana mahadsantihiin
waan idin salaamay dhamantiin run ahaantii markaan mogaa muddo aad u dheer ayaan dib ugulaabatay 4/21/09 aad iyo aad ayaan ugu farxay dag mada ceel cadde waxaan soo booqday masaajidda iyo dugsiyada kala duwan hoose dhexe iyo waliba dugsiga sare waxaan soo arkay arday si wanaag san wax u baranayso iyo ma calimiin tooda oo la dadaalayso waxana booqday iskoolka aniga macalin ka mid ah macaliinta meesha waxana uu isoo tusay ceel aad u biyo macaan waxaan kaloo booqday isbitaalka oo asagana dhawr qaybood ka kobnaa sidaa qayb dawo qaygb shaybaar iyo qayb bukaan jiif qayr illahay kasiiyo dad kii ka qayb kaqaatay dhismaha iyo wax barashada dagmadda ceel cadde hadana waxaan dhamaanteen is xasuusinaynaa inaan horay usii wadno dadaalkeenii iyo wax barashadeena
May peace of allah be upon you my dear brother and sister first of all iam mohamed abdirahman ibrahim and iam of the ceelcade belovers and i was born there as we aware of ceelcade is the most peaceful place in somali and has schls madaris and itis condusive enviroment for learnings onthe otherhand it has different kinds of live stock such as cattle camel goats e.t.c and also good for farming and it has fertile soil its unbeleivable town in gedo region welcome to ceelcade dear brother or visitors@
@ peace of allah be upon you my dear brothers and sisters first of all iam mohamed abdirahman ibrahim and iam of the ceelcade belovers and i was born there as we aware of ceelcade is the most peaceful place in somali and has schls madaris and itis condusive enviroment for learnings onthe otherhand it has different kinds of live stock such as cattle camel goats e.t.c and also good for farming and it has fertile soil its unbeleivable town in gedo region welcome to ceelcade dear brother or visitors@
Asalamu calaykum : ladies gentlemen it is great pleasure that i address you on ¤ceelcade- is developed city and itis one of the somali cities which is found in the centre of gedo region and its famous for education that is why if any body says that i finished high sch in gedo most of you somalians said that you mean ceelcade ¤what coused that is this ceelcade has well educated elders aside of {islamic religion}” and other knowlege who caused to have acozy relationship their neighbour cities , i haunts that place regularly and what is most important is the vicinity itis good and serene i have through anumber of interesting activities such as hospitals large farms and it has some wonderful sights . I never come across any one whose complaing any problem i mean i never see that pple thinking of what todo next … Want know more join me …. See u again iam mohamed a/rahman ibrahim byye bye