![]()
Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG ah mudane Maxamud Sayid Aadan waxaa uu ka codsaday in degmada Ceel-Cadde oo dhawaan ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo inay soo dirsato ergo uga qaybgasha shirka G/harey ee lagu dooranayo maamulka gobolka iyo degmooyinka.
Degmada Ceelcadde oo leh maamul ku meel-gaar ah oo waajibaadkiisu ahaa muddo hal sano oo ka bilabanayso bilowga sanadka 2007-ka ayaa ah mid iyada laftigeeda u tartamaysa gudoomiyaheeda cusub.
Maamulka ku meel-gaarka ah ee uu hadda madaxda ka yahay guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdille ayaanay wali soo bixin cidda la tartamaysa ee majaraha u qaban doonta degmada cusub, howlo adagna ay ku soo wajahmi doonaan nidaamka ka dhalan doona
Filed under: Uncategorized
acww waxaan leeyahay ilaahay ayaa mahadleh, kaddib degmada ceel cadde waxaan filayaa in ay udiyaar garawdo hawshii degmonimo in ay uqunto oo ay qabato hawshii ay laqabsan lahayd degmooyinka kale
in shaa allaah waxaan filayaa in uu ilaahay waafajiyo wixii khayr ah ee ay laqaybsanlahayd degmooyinka gobolka.
mahadsanidin
Axmed ismail
waa idin salaa amy dha maan reer soomaa liyed qaass ree ceel ceelcade
waa kuquman tahay in celcad loomaga caa bo dag mo
waad maha d san ti hin