![]()
Adduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Ecosystem”.
Midka dadka uu keeno oo ah mid aad u dhibaato badan ayaa ah midka ay dadka iyo xooluhuba cagta mariyaan. Dhirta la jaro, xoolaha oo bata, waxay keenaan roob yaraan iyo nabaad guur.
Waxaa cad in deegaanka Ceel-Cadde ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan ee gobolka Gedo. Tirobadnida xoolaha iyo dadka oo jara dhirta waxaa ay keentay in dhulkii uu nabaadguuro, dhulkiina ay ka soo baxaan geedo sida quraca, cadaadka iyo kaxarka. geedahaas oo ah kuwo loo yaqaan geed abaareed. Xooluhu markay cunaana waxay raacaan saxaradooda iyagoo markiiba aad arkayso geedo qurac oo wadankiba qabsaday.
Hadaba, waxaa lagaa doonayaa inaad is xilqaanto oo aadan jarin geedaha noocay doonaanba ah ahaadeena. Hadaad moodayso in quruca iyo cadaadku aysan manaafacaad lahayn oo haddii la jaro aysan dhib lahayn waa khalad.
Abuur geed haddaad mid goyso
Filed under: Uncategorized
Waxaa dhawaan Muqdisho soo gaaray Ugaaska Tigreega oo magaciisa aan weli la shaacin, waxaa uu talooyin iyo wada hadal kula yeeshay Maquuste iyo oday dhaqameedyada soo gaaray xamar,waxaa laga soo xigtay in uu Maquuste si aan gabasha laheey ugu wargeliyay in soomaali eey ka dagi la dahay fikirka guracan ee uu aaminsan yahay, waxaa uu aad ugu dhaliilay in jufada uu ka soo jeedo Maquuste in eeyan weli garan sabbabaha Tigree ugu soo gurmadeen balse eey jeclaadeen in eey xukunka si qalad ah u isticmaalaan,waxaa uu dhaliishaa dusha ugu tuuray dhowr shaqsi oo aan la jaan qaadi karin siyaasada Tigreega loona baahan yahay in laga qaado darajada oo u magacaabay Maquuste sida Xuubsireed, Afgaduud, C/rashiid Seed iyo kuwo aad u faro badan oo xusul duub ugu jira wiiqida siyaasada Tigreega ee ku wajahan soomaaliya, mar uu la hadlaayay Maquuste waxaa uu Ugaaska Tigree balan qaaday in uu shirka ku taageerayo lacag uu ka soo ururiya kaniisadaha Ethiopia,waxaa kale uu xusuay in ciidamada Tigreega ee jooga soomaaliya iyo kuwa dhar cadka ah ee la shaqeeya dowlada federaalka loo baahan yahay in la helo meel eey ku cibaadeeystaan muhiimna eey tahay in xamar laga dhiso kaniisad Tigreega eey leeyihiin hadaladiisa waxaa ka mid ahaa various religions in somalia coexist peacefully and discussion of the nature and impact of radical Islam ( diin walba oo ka jirta somalia waa in eey ku noolaadaan si nabad ah ka hadalka islaamnimada xag jirka ah ), mar uu ka hadlayay qeeybsiga qeeyraadka dalka waxaa uu Ugaaska Tigree aad ugu dheeraaday in somaliya eey dhiig u hureen kagana dhinteen ilaa 10,000 oo Ethiopiaan ah waxuuna sheegay in dhiigooda uusan aheeyn mid meel cidla ah ku daatay balse ujeedada eey tahay in aayaha dalka soomaaliya eey mudan tahay in eey xaq u leeyhiin kana taliyaan qeeyraadka soomaaliyana eeyan cid gooni ah eeyan laheeyn, waxaa Ugaaska Tigrega sheegay in qeeyraadka soomaaliya sida loo wadaagayo in uu kala hadlaayo odayada soomaaliya fikirkana iyo taladana uu beri hore uu u soo gudbiyay Maquuste iyo Geedi taasi oo sabbabtay in qodobada shirka lagu daro qeeybsiga qeeyraadka soomalia cida xaq u leh iyo cida mudan in eey ka taliso,waxaa hadaladiisa ka midka ahaa: where local elders get high respect and acceptance the discusion haw we shar the national resources and observing power sharingas established in the transitional charter.Alow sahal umuuraha
Mar uu ka hadlaayay xaalada qabiilada soomaaliya waxaa uu aad u xusuay sida kuwa ka yimid Puntland in eey aad isagu dhaw yihiin dowlada Puntlandna eey tahay mid eey ayaga soo dhiseen xiligii Maquuste uu naga dalbaday taabagelinta dowlad goboleeda Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay intaa waxii ka danbeeyay runtii eey aad isaga soo dhawaadeen marka loo fiiriyo kuwa qabiilada koonfur oo runtii aad ugu fogaaday naceeybka Ethiopia balse xiligaan loo xoog sheegatay ogaaladayna in la soo gaaray xiligii soomalia laga dhaqan gelin lahaa dowlada magac soomaali leh balse maskax Tigree ku shaqeeysa,waxaa la filayaa in gabagabada shirka uu Ugaaska Tigreega ka qudbeeyo,xiligaana waxaa uu ku dhex jiraa ogoleeysiinta odayada reer koonfurta siyaasada Tigreega ee ku wajahan dalka soomaliya,Cali Mahdi ayuu ahaa ninka eey isku hor barteen xagaa iyo dalka Ruwanda,waxaana uu aad u amaanay sida odayada beesha Abgaal eey ugu helan yihiin qaadashada siyaasada Tigreeha.walow uu sheegay in ragii xamar kula dagaalamay Ethiopia eey ahaaeen inta ugu badan shabaabka Abgaal welina diidan in la dhaqan celiyo, waxaa eey aad u aamineen Sheekha dhib ma laha waxaa jooga Iimaanka asga ayaa nooga filan ayuu yiri Ugaaska Tigreega.suaasha uu marwalba iswey diinayay Ugaaska Tigree ayaa aheyd maxaa kala bedelay Odayada Abgaal iyo dhalinyaradooda kuwana waa na ogol yihiin kuwana aad iyo aad ayeey nooga soo horjeedaan?
Somali heerkaas ayeey mareeysaa waxaa la joogaa xiligii la fahmi lahaa gumeeysiga Tigreega siyaasada eey dalka ku joogaan cidna ma jecla balse soomalida ayeey kala dilaan, Ilaahna waxaa uu ku dhahay “Suurat Aáli Cimraan 119 oo ah idinkuna waad jeceshaihiin iyaguna idiinma jecla xaqiiqdiina waa sidaa cid eey ka jecel yihiin cida kale ma jirto,waxaa cidwalba kaga filan in dadlka maanta eey ka taliyaan Tigree cid eey ka qarsoon tahay ma jirto,sow ma haboona in aan is urursano kana xoreeyno dalka cadowga tigreega iyo kuwa daba dhifka u ah.”
Hada ka hor ayaan dhahay:
Nin tuug ahaa Tigree wadee talo rabaase meel run taal.
Ayax Teg Yeey Amxaarana Reeb.
Ninka Toleeystay Tigree Tanasul-kiisa bal Sheega.
Ha igu Tolin Tigree Amxaar Tagoog Tolkeeya maahine.
Nabad guurka waxa keenay Galada wadanka loo ogoladay ee amxaa gaas Tigree Keenay Somalia
Asalaamu Caleykum.
Waxaan salaamayaa dhamaan Bahda Ceel-cadde.com inoo soo diyaarisay iyo Aqristayaasha sharafka badan.
Salaamtaa ka dib,Mawduucaan ku saabsan Dhirta iyo Daaqa waa arin runtii loo baahan yahay in laga baraarujiyo dhamaan shacabka dhamaantii,haddii uu yahay Xoolo-dhaqato,Tuullo jooga,iyo Dadka Magaalooyinka ku dhaqanba,Waxaanu wada ognahay in Dadka soomaaliyeed badankiis uu shaqo la’aan yahay oo uu waqtiga intiisa badan ku lumiyo,Maqaayaddaha oo la iska fadhiyo iyo fadhi ku dirir,Hadaba waxaa haboon in intii meel la iska fashin lahaa uu qofku wax uun qabto ha ahaato inuu GEED ku abooro DEGAANKA uu degan yahay,TUSAALE: Haddii Qofkastoo CEEL-CADDE degan hal ama Laba GEED abuuro/Talaalo,oo uu XANAANEEYO waa garan kartaa sidda ay BILICDA Degaanku noqon karo..
Anigu waxaan Degenahay Dalka Mareykanka,waxaa iska bedelay aragtidii aan ka qabay DHULKA soomaaliyeed ka dib markii aan fahmey in uu yahay DADKA waxa degaankiisa wax ka dhigi/bedeli kara…Dadka Mareykanka waxay aad u fahmeen sida degaanka loo DARYEELO,Qofwalbana waxaa uu Gurigiisa ku leeyahay BEER ama DARJIINO u gaar ah,,oo xitaa Qofka guriga leh waxaa sharcigu yahay inuu DHIREEYO oo waliba CAWSka ku beero isla markaana Xanaaneeyo,haddii uu yeeli waayo waaba GANAAX !!Degmadda ceel-cadde sidaa oo kale inay iyaguna sameyn karaan ayaan aaminsanahay waa haddii dadku u bisil yahay arintaas ..waxaan kaloo aaminsanahay in ay Dadka ree Ceel-Cadde iyo Meelkasta oo Degmo Soomaaliyeed ahi dadku JIDAD iyo BUUNDOOYIN iskaa wax u qabso ku dhisan karaan,,,waxaanu ognahay in DHAGAXII iyo wixii kalee lagi dhisi karo iska daadsan yihiin degaankoo dhan ,,oo kaliya waxaa loo baahan yahay dadka oo isxilqaama iyo waxoogaa FARSAMO ah ..
Waxaan ku soo gaba-gabeynayaa Meesha/fashiga ha laga kaco Qofkastaa ama Ummad kastaa Haddii ay tashato waxkasto way qabsan karaan..sidda inay WaDOOYin.ISKUULO IYO CIBITAALABA iyagu dhisan karaan ..waa markii ay isku duuban yihiin oo ay rabaan HORUMAR iyo BARWAAQO ,,
Waad Mahadsan tihiin ,,
G U U L I Y O X O R N I M O
waad salaaman tihiin bah waynta ceelcadde.com iyo dhalinyarada xilkaska ah ee smaeeyey webkaan. waa arin horumar leh ayaan filayaa oo looga faa’idaysan karo wacyi galinta dadka ceecadde.
Waa arin fiican runtii waana mid lo baahan yahay. haddi uu degmada ceelcadde ka jirto maamul, waa inaya ku adkeeyaan dadka inaysan jarin geedaha, maxaa yeelay noloshooda ayaa ku dhisan. waa inay ganaaxaan haday arkaan qof jaraya geedaha. qofkii abuura hal geed oo xananeeya waa in abaall marin la siiyo.
deegaanka celcadde anigu waligay ma arag laakin waxaan ka maqlaa dadka aan isku reerka nahay inay dadka degaanak ceelcadde yihiin dad ka duwan dadyowga gobolka gedo oo xadaari ah.
dadka kalena waa inay ku daydaan, maxaa yeelay maskax kaa maqan miyir walalkaa ayey ku jirtaa.
geedihii ayaa gancasi loo badalay, waa cadowga ugu wayn ee ay biniaadam leeyihiin markay la dagaalamaaan noloshooda.
wabilaahi towfiiq
ilaah ha idinka ajir siyo si aad ah ayaad u dadalaysaan ceelcadde.com. Waana wax loo baahan yahay wacyi galihta dadka. laakiin ma is waydiiseen inay leeyihin internet access. Computerado ceelcadde ma yaalaan. siday dadku u aqrisanayaan waxaad qorteen. waxaan soo jeedin lahaa in iskoolada ceelcade lagu daro curriculam wacyi galin ah. inta samaysay webkaan ilaahay haka ajir siyo. waa wax fican oo manaafacaad leh
Geedihiiba ganacsi ayaa laga dhigtay. bil ixsaanak ha jarin geedaha…noolee dabeecadda iyo dhulakabas
WAXAA LA OGOAYSIINAYAA BAHWAYNTA REER CEELCADDE IN UU SOO SOCDO SHIR-WAYNE KHADKA TALEEFOONKA AH OO LOOGA HADLAYO HOR-MARINTA CEELCADDE; FADLAN U DIYAAR-GAROOW IN AAD KA SOO QAYB GASHO.
WIXII MACLUUMAAD AH OO DHEERAAD AH, FADLAN KALA SOO XARIIR GUDDIGA HOR-MARINTA CEELCADDE. CEEL-CADDE DEVELOPMENT COMMITTEE.
waa iidiin salaamay dhamaan dadweenaha kaddoodaayo meeshaan qaar ahaan reer ceelcade
waanjeclahay horumarinta ceelcade waxaana jeclaan lahaa inaan kaga qayb qaato waxaa la ika helaa
abdhishka@hotmail.com
bybeeeeeeeeeeeee
Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.
1. Gobolka Banaadir.
Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab
Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile
Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.
2. Gobolka Shabelada Dhexe.
Jowhar Balcad Cadale
Aadanyabaal
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
3. Gobolka Hiiraan.
Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi
Matabaan
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.
4. Galguduud.
Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur
Ceeldheer Cadaado
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
5. Gobolka Mudug
Gaalkacyo Hobyo Jariiban
Xarar dheere. Galdogob
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
6. Nugaal.
Garoowe Eyl Sinujiif
Boocane Rabaable Burtinle
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
7. Gobolka Bari.
Boosaaso Qandala Iskushuban
Bandarbayla Caluula Qardho
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.
8. Sool.
Laascaanood Xudun Caynabo
Taleex
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
9. Sanaag.
Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn
Baran Buraan
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.
10. Togdheer.
Burco Owd weyne Sheekh
Buuhoodle
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.
11. Gobolka waqooyi galbeed.
Hargeyso Berbera Gabiley
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
12. Gobolka Awdal.
Baki Boorame Saylac
Lug haya.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
13. Gobolka Sh/hoose.
Marka Baraawe Qoryooley
Afgooye Wanlaweyn Kurtunwaarey
Sablaale.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
14. Gobolka Bay.
Baydhabo Buurhakaba Diinsoor
Ufurow Qansax dheere Bardaale.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
15. Gobolka Gedo.
Garbahaarey Luuq ganaane Doolow
Beled Xawo Ceelwaaq Baardheere.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.
16. Gobolka Bakool.
Xudur Waajid Yeed
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
17. Gobolka Jubada Dhexe.
Bu’aale Dajuumo Baardheere
Saakow Jilib
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu’aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.
18. Gobolka Jubada Hoose.
Kismaayo Afmadow Badhaadhe
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo’da.
Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.
Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.
Xamar 247km Baydhabo Xamar 550km Dhuusomareeb
Xamar 111km Marka Xamar 1600km Hargeysa
Xamar 90km Jowhar Xamar 1220km Laascaanood
Xamar 335km Beledweyne Xamar 925km Garoowe
Xamar 485km Bu’aale Xamar 1505km Boosaaso
Xamar 500km Kismaayo Xamar 1800km Baki
Xamar 430km Xudur Xamar 1340km Burco
Xamar 505km Garbahaarey Xamar 1450km Ciiregaabo
Xamar 750km Gaalkacyo
Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya. Muqdisho 30km Afgooye Afgooye 164 Buurhakaba
Buurhakaba 66km Baydhabo Baydhaba 150km Luuq
Baydhaba 155km Xudur Luuq 80km Doolow
Luuq 69km Garbahaarey Garbahaarey 129km Baardheere
Baardheere 195km Baydhaba Baardheere 260km Jilib
Jilib 114km Kismaayo Kismaayoq 139km Afmadow
Kismaayo 195km Dhoobley Muqdisho 113km Marka
Marka 193km Baraawe Baraawe 168km Jilib
Muqdisho 95km Jowhar Jowhar 121km Buuloburte
Buuloburte 116km Beledweyne Beledweyne 45km Feerfeer
Jowhar 140km Cadale Cadale 185km Ceeldheer
Ceel dheer 162km Ceel buur Ceel buur 110km Sindago
Sindago 164 Beledweyne Sindago 220km Gaalkacyo
Gaalkacyo 256km Hobyo Gaalkacyo 260km Garoowe
Garoowe 219 Eyl Garoowe 222km Qardho
Qardho 258km Boosaaso Qardho 221km Bandarbayla
Iskushuban 280km Caluula Caluula 40km Bareeda
Caluula 105km Baargaal Garoowe 132km Laascaanood
Laascaanood 141 Ceeldhaab Ceeldhaab 255km Ceerigaabo
Ceeldhaab 120 Burco Burco 148km Berbera
Hargeysa 177km Burco Hargeysa 70km Gebiley
Gebiley 52km Boorama Boorama 269km Saylac
Saylac 21km Lowyacado Xudur 115km Yeed
Xudur 242km BuuleBurte
Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.
Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:
Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
2. Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.
3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.
4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.
Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:
Magaca
inta ay ku bislaato
Galayda 90 beri
Masagada 90beri
Sisinta 90beri
Muuska 180beri
Digirta 80beri
Yaanyada 80beri
Babayga 90beri
Bataatiga 180
Lowska 120
Canbaha 6sano
Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.
Hohob Mareer Gud Dhafaruur Dhuwan Ontoro
Deegaan Dhebi Gob Miracas TukeLalmi Murcood
Kobash Askax Shanfarood Barde Dhamaag Qoone
Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo
Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.
magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu’aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.
Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah”
1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
11. 21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
14. 1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max’ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max’ed Siyaad Barre
19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
22. Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.
Maxaa Keena nabaad guurka dhulka (Geed abuur hadaad mid goyso)
Adduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Ecosystem”.
Midka dadka uu keeno oo ah mid aad u dhibaato badan ayaa ah midka ay dadka iyo xooluhuba cagta mariyaan. Dhirta la jaro, xoolaha oo bata, waxay keenaan roob yaraan iyo nabaad guur.
Waxaa cad in deegaanka Ceel-Cadde ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan ee gobolka Gedo. Tirobadnida xoolaha iyo dadka oo jara dhirta waxaa ay keentay in dhulkii uu nabaadguuro, dhulkiina ay ka soo baxaan geedo sida quraca, cadaadka iyo kaxarka. geedahaas oo ah kuwo loo yaqaan geed abaareed. Xooluhu markay cunaana waxay raacaan saxaradooda iyagoo markiiba aad arkayso geedo qurac oo wadankiba qabsaday.
Hadaba, waxaa lagaa doonayaa inaad is xilqaanto oo aadan jarin geedaha noocay doonaanba ah ahaadeena. Hadaad moodayso in quruca iyo cadaadku aysan manaafacaad lahayn oo haddii la jaro aysan dhib lahayn waa khalad.