Maxaa Keena nabaad guurka dhulka (Geed abuur hadaad mid goyso)

Adduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu [...]