Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in labada beelood ee Reer xasan iyo Reer Garaad ay ku heshiiyeen inay mag kala qaataan dilkii loo gaystay marxuum Cumar Maxamud Warsame. Dilkaas oo ka dhacay oo tuulada Ceel-Guduud ayaa ahaa mid aanan ujeedo lahayn laakiin si kama’a ah u dhacay.
Dilkaas ayaa dhacay ka dib markii kooxo hubaysan oo muransan rasaas ay isla beegsadeen ay haleeshay Cumar Maxamud Warsame oo goobta ay rasaastu ka dhacyday ku sugnaa.
Gogol loo fadhiyey in muddo ah degmada Ceel-Cadde ayaa beesha Reer Garaad ogolaatay inay mag ka qaataan marxuumkaas. waxaa kaloo la isla soo qaaday dilal kale oo beesha ka dhex dhacay, waxaana laysla ogolaaday in dilalka noocaan oo kale ah lagu dhameeyo xeerar ay dhigteen waxgaradkaas gogosha fadhiday.
Filed under: Uncategorized
Assalaamu caleykum,
Salaantaa ka dib,walaahi wargeys Tuullo waa ku banaan yahay,waxaa laga hadlayaa MAG LA KALA QAATAY,sidii oo ay tahay war muhiim ah,waa la yaab !!
Saxiibayaal,laga yaabee inaan qaldanahay ,waxaa badan baahida Bulsho weynta ay u qabto wacyi galin iyo xagga fikradda laga dhiso……..waxaan idinkula talin lahaa inaad ka hadashaan ,DHAQAALAHA.HORUMARINTA,MAAMULKA IYO CADAALADDA sidii ay dadka ree ceel cadde meel uga gaari lahaayeen…
Waxaan idin leeyahay Hambalyo ,,
Waa shabakad QURUX badan,laakiin afwaakanee mee laku aamee camal,hahaha,WAxaan idiin rajeynayaa GUUL IYO HORUMAR
KKKKKKK samatar waa xun yahay ioyo waa fiican yahay lbadaba adaa lagaa haayaa..hahahahahaha straight up du..
Asalaamu caleykum,
Waa salaaman tihiin,Ikhyaarta aqristayaasha iyo gaar ahaan inta soo diyaarisay WARGEYSKA MAGAALADDA CEEL-CADDE,hambalyo ayaan idin leeyahay..
Midda kale anigu shaqsiyan waxaan jeclahay Horumarka iyo Wadanoolaanshaha Ummadda soomaaliyeed Guud ahaan,iyo in Caqliga laga shaqeeyo,marka waxaa u rajeynayaa wargeyska inuu arintaa ka soo dhalaalo,oo uu u ageedo guud ahaan horimarinta hab-dhaqan dhaqaale ee soomaalida.Muslimiinta,
Waxaan codsanayaa inaad noo soo galisaan ,Sawiradda iyo Muuqaalka Ceel-cadde iyo nawaaxiga,sidda dhulka daaqsinka ah ee loo yaqaano DIR-HARRE,GEELII OO CABAYA,BUURAHA IYO QURUXDA RABAANIGA ee Degaanka,.
Waa Mahadsan tihiin..
GUUL IYO HORUMAR/MIDNIMO SOOMAALIYEED>.
sammatar war badanaa ma lafa abeesuu cantuugay…war wax noo sheeg amamanaga aamus mas ku qaniinye kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hahahahahah
salaam .magacaaga DHOORE ayuu ku fiican YAHAY ,kkkk
Samattar…xumattar ow magacaagu ku fiicnaan lahaay..qaqaqaqaqaqa
Asalaamu Caleykum..Dhamaan Muslimiinta/soomaaliyeey.
Salaantaa ka dib,Wargeyska Ceelcadde walaalayaal waad mahadsan tihiin ,waxaan hayaa arin saameynaysa Degaanka Ceelcadde iyo nawaaxiga G/haareey ,arintu waa sidan :
Hay’adda Samafalka ee Ceelcadde Macalimiinta Iskuulka caawisa ,waxay kaloo bixisaa ABUUR Xiliyadda Roobku curto,ABUURKAAN oo loo qaybiyo Degaano aad u balaaran oo ay ku jirto CEELCADDE waxaa loo maleynayaa inuu yahay ABUUR nooca loo yaqaano GMka (Genetic Modified Seed) oo ah Abuur la bac-timiyey ,kaas oo wato Dawo Dhulka Beeraha saameyn weyn ku reebi kara …Haddii ay jirto in uu abuurkani yahay Noocaas Dadka Beeraleyda ah ee maanta loo qeybiyo muddo dhowr sanno ah ayuu ka dhamaan doonaa ABUURKII Dabiiciga ahaa ee ay waligood tabcan jireen(ama kamaba baxayo dhulka beeraha ee Noocaan lagu abuurey hal mar oo kaliya)taas oo ka dhigeysa Beeraleyda inay waligood ku tiirsanaadaan ama ay abuur ka sugaan Hay’adaan SAMAFALKA la baxdey,,,,oo haddii ka guurto meesha waxaa la waayi doonaa dalagii beeraha dhamaantiis ,waana arin xasaasi ah ,..
Bahda Ceel-cadde.com waxaa ku baraarujin lahaa inay arintaan baaritaan ku sameeyaan ,kuna wacyi geliyaan DADKA degaanka haddii ay XAQIIQ tahay arintaan ..
Waa Mahadsantihiin ,,
GUUL iyo XORNIMO/MIDNIMO
WAXAA LA OGOAYSIINAYAA BAHWAYNTA REER CEELCADDE IN UU SOO SOCDO SHIR-WAYNE KHADKA TALEEFOONKA AH OO LOOGA HADLAYO HOR-MARINTA CEELCADDE; FADLAN U DIYAAR-GAROOW IN AAD KA SOO QAYB GASHO.
WIXII MACLUUMAAD AH OO DHEERAAD AH, FADLAN KALA SOO XARIIR GUDDIGA HOR-MARINTA CEELCADDE. CEEL-CADDE DEVELOPMENT COMMITTEE.