Maamulka degmada Ceel-Cadde ee la soo dhisay muddo lix bilood hadda laga jooga ayaaanan wali soo bandhigin waxqabadkooda iyadoo xilligiii loogu talagalay inay xilka hayaan ay ka harsan tahay muddo lix bilood oo kaliya.
Maamulkaan oo uu gudoomiye ka yahay Cabdi Maxamed Cabdille ayaa dhici doona muddo ku siman lix bilood iminka.
Sida uu qorayo go’aamadii ka soo baxay shirkii la qabtay bishii janaayo 2007 ee lagu soo dhisay maamulka degmada Ceel-Cadde, waxaa uu shaqayn doonaa muddo sanad ah. ka dibna xubnaha hadda maamulka ku jiro waxay xaq u leeyihiin inay doorasho kale u soo istaagaan.
Maadaama hadda ay ka harsan tahay 6 bilood oo qura waqtiga waajibaadkooda ka harsan ayaa la doonayaa inay soo bandhigaan waxay ku soo kordhiyeen degaanka iyo shacabakaba. iyadoo lagula xisaabtami doono waxqabadkooda.
Shirkii lagu soo doortay maamulkaan oo loo fadhiyey muddo bil ku dhow ayaa waxaa ku baxay aduun aad u badan iyo dhaqaale ay baxsheen jaaliyadda dibadda ku dhaqan ee ka soo jeedda degaanka.
Filed under: Uncategorized
wa fican tahay inay noo sheggn waxay noo qateen. ileen magac wax mataree
Marka hore waxaan u mahad-celinayaa dhalinta samaysay webkaan. Marka labaad waa muhim in ay madaxda iyo maamulku ay soo gudbiyaan wax qabadkoodi.
Taasi waxay dan u tahay marka koobaad iyaga si mar labaad loo doorto. Marka labaad waxay muujinaysaa waxa loo yaqaan transparance oo ah in ay dadku ogaadaan hab-samida uu maamulka u socdo iyo wax qabadkiisa.
Sidaa daraadeed, waa muhiim in ay soo ban-dhigaan wax qabadkooda.
Mahadsanidiin,
Mohamoud Elmi
walaal maxamud waa runtaa waa arin muhumadeeda lah. madax baa tihiin ma aha macnaheedu in la idin ilobay. dad baa waqtigodii iyo dhaaqalahoduba u huray si ceelcadde mamaul u yeelato. marka waxaa la idinka rabaa in la arko waxtarkiina. haddii aydna howhsan la idin dhibay ayda uga soo bixin sidii loogu talagalay haddee meesha dhaxal uamydan helin. dad kale oo wax qabanyo ayaa diyaar ah.
Asalaamu Caleykum.
Waa salaaman tihiin akhristayaasha iyo inta soo diyaarisay Wargeyskaba,hambalyo waa Wargeys QURUX badan runtii!!
Midda kale waxaa meesha iiga muuqda in Dadka degaanka Ceel-Cadde ay yihiin wax lagu dayan karo sida yididiilada leh,ee ay wax ku wadaan,inkastoo aanan Xog badan u heynin sida xaalka Maamulka Degmaddu yahay laakiin waa intaan maqley..
Haddii Deg.Ceel-Cadde kku guuleystaan hirgalinta Maamul doorasho ku dhisan,isla markaana Cadaalad iyo Horumar keena,waxaan kula talin lahaa inay degaanadda ku dhow dhow kaga deydaan una yimaadaan oo ay ka qaataan,Tasiilaadka iyo farsamada ay ku gaareen arintaas ..
Ugu dambeybtii Wargeysku waa inuu ku dadaalaa sidii loo wacyi galin lahaa bilshadda ,xag dhaqaale,Nolosha iyo Nabadaba !!!
Waa Mahadsan tihiin.
GUUL IYO HORUMAR >>
WAXAA LA OGOAYSIINAYAA BAHWAYNTA REER CEELCADDE IN UU SOO SOCDO SHIR-WAYNE KHADKA TALEEFOONKA AH OO LOOGA HADLAYO HOR-MARINTA CEELCADDE; FADLAN U DIYAAR-GAROOW IN AAD KA SOO QAYB GASHO.
WIXII MACLUUMAAD AH OO DHEERAAD AH, FADLAN KALA SOO XARIIR GUDDIGA HOR-MARINTA CEELCADDE. CEEL-CADDE DEVELOPMENT COMMITTEE.
waa arin aad ufiican in uu Maamulka Ceecade waqti tirsada
laakiin aniga waxaaan ku talinaayaa in uu nasoo hordhiga waxuu qabtay maamul waxaa lagu qiimeeyaa wax qabad!!
gaar ahaaan waxuu kusoo kordhiyay Dagmada
Maamulka waxaa looga fadhiyaa wax qabad waxuu qabtayna waa in uu soo bandhigaa
macasalaama
Maxamed Sana’a
warsameciya@hotmail.com