Degmada Ceelcadde waxay ku taalaa qiyaastii 60 KM koonfur galbeed ee caasimadda gobolka Gedo ee g/haarey. Degmada Ceel-cadde waxay caan ku tahay xoolaha nool sida Geela, lo’da iyo arigaba. Degmada Cee-Cadde waxaa la aas-aasay sanadihii 1960-yadii. Hore waxaa ay u ahaan jirtay meel ku wanaagsan daaqa xoolaha oo cara san ah. Ka dibna waxaa la isla gartay in laga dhigo Tuulo leh matooro ay xooluhu ka cabaan. Iskooladii waxbarasho ee u horeeyey waxaa la aas-aasay sanadihii 1973-gii. waxaana degmada Cee-Cadde ka aflaxday rag iyo dumar badan oo dunida dacaladeeda iminka ku nool. xoolaha ka sokow Ceel-Cadde waa meel ku wanaagsan beeraha. Waxaa ku yaala togag waawayn oo ay biyuhu ku rogmadaan xiliyada gu’ga iyo dayrta. Waxaa ka baxa dalagyo badan sida sisinta, digirta, masagada, galayda iyo qaraha. Ceel-Cadde waxay ka gudubtay tuulo iyadoo noqotay Degmo. ka dib markii ay kasbatay wax kasto oo degmo looga baahnaa sida Isbitaalada, Iskoolada iyo dhamaan adeegyada bulshada. Ceel-Cadde waxaa ka dhisan ilaa iyo heer dugsi sare oo waxbarasho ah, iyadoonan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo aanan xitaa lahayn waxbarashada aas-aas-aasiga ah. Degmada Ceel-Cadde waxay leedahay maamul gooni ah oo laga soo dhex doortay dadka. waxay kaloo leedahay oday dhaqameedyo iyo gole guurti oo ka kooban dadka deegaanka wada dega.
Welcome to Ceel-Cadde District. Gedo, Somalia. Home of peace loving and prosperous society
Posted on June 5, 2007 by ceelcadde
waa web fiican waxaa ladoonayaa inuu noqdo website
dadka ka oongoya baahida warka looqabo
hadeey noqo somalia iyo gebi ahaan ba dhulka
dadka ku abtirsade south west somalia.
A/C/W/W
Walaale, ninka qoreyoow maxaad Ceel Cadde ugu sheegtay Degmo? Miyaadan ogeyn in beentu ay xaaraan tahay. Magaalada, deegaanka iyo wixii la hal maalo maxaad u isticmaali wayday? Rabbi ka baq.
Magaalada Ceel-Cadde ayaa ku haboon inaad ugu yeerto deegaankaas. Ka fiirso qoraalkaada kale hadii Rabbi idmo. In xogta la helo waa muhim laakiin ha ka badbadin. Waa dardaaran walaal.
W/T
assalaamu Caleykum ,
Salaantaa ka dib,waxan idinkugu hambalyeynayaa shabakadda Cusub ee loo sameeyey Deg/Magaaladda Ceel-cadde Geddo ,anigu waxaan ka soo jeedaa Magaaladda G/hareey Geddo ,Hambalyo ,
Marka hore waxaan idinka codsanayaa inaad noo soo gelisaan sawiradda ,Dadka iyo Degaanka Ceel-cadde ,midda kale walaalayaal waxaan idiin sheegayaa haddii dad soomaaliyeed ama Muslim ah ay meel degaan inay lagama maar-maan tahay in meeshaa laga heli karo ,CADAALAD,NABADGELYO IYO MAAMUL-LAGU-KALA DAMBEEYO.taas keeni karta in Degaanku horumar sameeyo…Haddii arintaa idiin hirgasho waa inaad u gudbisaan fikradiina walaalaha idiin dhow sidda G/hareey,Buurdhuubo,Ceelwaaq iyo waliba Baardheere ..maalin dhow waxaan maqley in magaaladda Bardheere oo ka mid aheyd magaalooyinka ugu waxsoosaarka badan Koofurta soomaaliya maanta aaney laheen ,CISBITAAL waa la yaab walaahi ,taas waxaa keeney kala daadsanaanta ka jirta Dadka meesha degen oo ah soomaali weyn oo dhan
Kalaay ma dhib bay kugu haysaa degmo ahaanshaha ceecadde. ma aragtay ceelcadde waligaa, ma u qalantaa degmo maxayse kaga hooseysaa degmoynka kale ee gedo. waxaan ku oran lahaa allaha ku daaweeyo waad jiran tahaye. Caafimaad baan kuu rajeeyey.
acw
kkkkkkkkkk waa meel fican celcadde oo nabadagelyo ah, lakin wax yaalaaba iska yar kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
hahahhahkkkkkkkkkkkk celcade camare
A/c/W
waan idin salaamay dhaman Dhalinta reer Gaed Khasatan Dhlainta Ceelcadde runti Ceelacde anigu wali ma aanan arag waxanan Joga Somaliland lakin sid aan maqlay waa meel aad u wanaagsan Somalida konfured dadki hagi laha waxaan qabaa waxay jogan Ceelcade Dee Reer Ceelcade dadkas ku dayda waxaad gaaraysan Hor umar waara iskuna daya inaad noqotan dad goni isutaga Sida Reer Somaliland
W/Q
SOCDA MUCAARADKA SOOMAALIDA
Ptd July 26, 2007
Garoowe: Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland oo si weyn uga hadlay Banaan-bixii Garoowe
Ptd July 25, 2007
Xagey mareysaa, maxaadse kala socotaa Shirarkii is daba jooga ahaa ee dhex maray Madaxda Dawladda & Waftigii Beesha Sade ee Jubbada-hoose: Waraysi Mudane Qasim C/karim Cilmi-seed (Wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee W America)
Ptd July 25, 2007
Qarax culus oo saaka ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 10 ruux
Ptd July 25, 2007
Muqdisho: Weeraro xalay lagu qaaday dhowr goobood iyo qaraxyo ay ku dhaawacmeen labo ruux
Ptd July 25, 2007
Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo meel xasaasi ah maraya
Ptd July 25, 2007
UNHCR ayaa dalbatay $48 Million oo wax looga qabanayo xaalada murugsan ee Soomaaliya
Ptd July 24, 2007
Diyaarad ay Jabuuti leedahay ayaa ku bur-burtay dhulka Soomaaliyeed ee bariga Ethiopia
Ptd July 24, 2007
Faalo: Maxay tahay ujeedada ka danbeysa imtaxaanka laga qaaday ergadii Jubada hoose ka socotay?, maxayse yihiin su’aalaha qoraalka ah ee oday dhaqameedyadaas la weydiiyay?
Ptd July 23, 2007
Shaqaale muslimiin Somali ah oo warshad ku taala Omaha, Nebraska (USA) oo ay ka shaqeynayeen looga diiday in ay salaadda ku tukadaan!
Ptd July 23, 2007
Xubnihii Waftiga beesha Sade uga qeyb-galayay Shirka beelaha wada dega Jubbada hoose oo qadasharaf la yeeshay Dr. Qasim C/kariim Cilmi Seed (Wakiilka Jaalidda Soomaalida ee W. Ameerica)
Ptd July 21, 2007
Ergooyinka Shirka Muqdisho uga qeybgalaya gobalada Somali-land Iyo galguduud oo ka dhoofay Magaalada Gaalkacyo
Ptd July 21, 2007
GOAL! GOAL! GOAL!!!!
Xulka Kubada Cagta Degmada Balamballe oo galabta 1-0 ugu awood sheegtay xulka kubada cagta Degmada Caabudwaaq oo ahaa xulka ugu awooda badan gobolka Gal-gaduud
Ptd July 20, 2007
Dowlada Mareykanka oo Jawaab ka bixisey hadal ka soo yeeray Raisal wasaare Geedi
Ptd July 20, 2007
Dhowr qof oo xaley siyaabo kala duwan loogu diley magaalada Muqdisho
Ptd July 20, 2007
Laba Nin ayaa Maanta ku dhaawacantay Magaalada Bangeelle ee Deegaanka Caabudwaaq kaddib markuu muran soo kala dhex galay odayaal watay Raashin ay bixiso Hey’ada ICRS iyo dhalinyarada reer Bangeelle
Ptd July 19, 2007
Shirkii dib u heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay iyo hoobiyayaal lagu weeraray goobo u dhow madasha shirka
Ptd July 19, 2007
Hayada World Concern oo manta deeq Qalab ah soo gaarsiisey Isbitaalka magaalada
Kismaayo
Ptd July 19, 2007
Dagaalo Culus oo sababay Qasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Ptd July 19, 2007
Ergadii ugu qayb gali lahayd shirka dib u heshiisiinta Deegaanada Waqooyiga G/gaduud ayaa waxaa ay maanta ka amba baxeen magaalada Caabudwaaq
Ptd July 18, 2007
Madaxweynaha dawlad Puntland oo Taliye Cusub ciidamada Daraawiishta umagacaabay
Ptd July 18, 2007
Afar qof oo ku geeriyootey Qarax ka dhacay baar Ubax ee Magaalada Muqdisho
Ptd July 18, 2007
Gudiga Shirweynaha Qaranka Beelaha Soomaalida oo beeniyay war ka soo yeeray qaar ka mid ah beelaha Soomaalida
Ptd July 18, 2007
Qaraxyadii iyo is rasaaseyntii ugu badnaa oo tiro dad ah ay ugu geriyoodeen Suuqa Bakaaraha iyo xaafado kale ee Magaalada Muqdisho
Ptd July 17, 2007
Ra’isal Wasaaraaha DKMG ah ee Soomaaliya oo sheegay inuusan wax war ah u hayn heshiis ku saabsan Shidaal baaris
Ptd July 17, 2007
Gobolka Gedo oo ilaa iyo hadda ayan ka muuqan wax diyaar garoow ah oo la xariira ka qeyb galka Shirka Dib-u heshiisiinta ee ka furmay Muqdisho
Ptd July 16, 2007
Degmada Afgooye oo Xaley bandow lagu soo rogay, kaddib markii la diley Gudoomiye ku xigeenkii Degmada
Ptd July 16, 2007
Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya oo fariin u diray kooxaha amaan darada ka wada Magaalada Muqdisho
Ptd July 16, 2007
Maamul cusub oo shalay oo ay taarikhdu aheyd July 15, 2007 loo sameeyay Ururka wax barashada ee G.E.D.O.
Ptd July 16, 2007
Shirkii Dib-u heshiisiinta oo maanta furmay iyo Qaraxyo lala beegsadey Goobta shirka
Ptd July 15, 2007
Afhayeenka Shirweynaha dib-u-heshiiisiinta beelaha Somalida – C/raxmaan Maxamuud Jimcaale (Shifti) oo sheegay in shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliya uu si rasmi ah saaka 9:00 subaxnimo uu u furmi doono
Ptd July 15, 2007
Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay gaari laga soo dhacay Gudaha Deg. Mandhera ee Dalka Kenya
Ptd July 14, 2007
Wareegtadii lagu magacaabay Isuduwaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Gedo Mudane Cali Maxamuud Cali (Cali Maad) halkan ka akhri
Ptd July 14, 2007
Ciidamo Ethiopian iyo kuwo Somali ah oo la dhigay wadooyin ka tirsan magaalada Muqdisho
Ptd July 14, 2007
Maxamed-Dheere oo ka hadley waraaqo digniin ah oo lagu daadiyey Magaalada Muqdisho
Ptd July 14, 2007
Masuuliyiintii gobolka J/hoose, kuwa degmada iyo saraakiishii Afmdow ku sugnaa oo aaday dhinaca degmada Bu’aale ee Jubada Dhexe.
Ptd July 12, 2007
Tababar lagu baranaayo dhowrista xuquuqda aadanaha oo manta Kismaayo ay ka furatay Hay’adda Faanoolle Human Rights
Ptd July 12, 2007
Insight with Hussein Aideed: Somalia at the Cross roads…
(Daawo wareysi ay Frontline Club la yeelatay Hussein Aideed)
Ptd July 24, 2007
Muslim workers at US
Assalaamu Calaykum?
Marka hore waa salaamay akhyaartay Ceelcadde web maamusho.
Marka labaad ninka diidan in ay C/cadde degmo tahay, waxaa laga doonayaa sababta uu ku diiday.
Marka seddexaad, waa in meesha la monitor gareeyo(la ilaaliyo) hadalada xun-xun, kuwa aan munaasabka ahayn, iyo kuwa ka baxsan dooda page ka waa in laga ilaaliyaa.
Waa mahad-santihiin,
kalaaywalaalow@hotmail.com, Sxb, marka hore Degmo waa meeshii ay bulsho badani ku dhaqan tahay, Deegaan biya leh oo ma guuraan ah, aas-aas bulsho oo muhiim ah leh, sida schoollo, isbitaallo,Ceelal biyood, Jidad iyo iwm.
Haddii ay Ceelcadde intabo kulan satay, maxaad adigu ugu diiday??
“kkkkkkkkkk waa meel fican celcadde oo nabadagelyo ah, lakin wax yaalaaba iska yar kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk”
KKK, sxb, adiga ayaabo is burinaya: Ceelcadde waad u qirtay in ay taallo Fiicnaan iyo Nabad-gelyo oo Somali idaylkeed wayday, haddana waxaad leedahay max yaalla ayaa iska yar.
Marbo haddii aad Fiicnaan iyo Nabadi taallo, Ceelcadde wax badan baa yaallo.
anigu waligay ma arag ceelcadde laakiin waxaan maqlaa inay tahay meel nabdoon oo wax kasto oo degmo laga helo ay yaalaan. waxaan mqay inay tahay meel ay degaan u leeyihiin dad xadaari ah oo diinta iyo maadigaba bartay.
degmo waa tii lagu helo macluumaadka dadku ay donyaaan noloshoodadna ku xiran tahay sida biyaha, waxbarashada, shaqooyinka, ganacsiyada, maamul cadaalad ah, isbitaalada. hadii intaas ceelcadde laga helo dee wax u diidi karaa inay degmo noqoto ma jiraan.
laakiin su’aasha waxay tahay yaa laga sugayaa inay ku magacaabaan degmo. anigu waxaan filayaa inay ku xiran tahay dadka u dhashay. beryahan meelaha degmo loo magacaabo waxaa hoos yaala arimo siyaasadeed. c/laahi yusuf dadka uu danta ka leeyahay ayuu soo dhawaystaa oo waxay rabaan u sameeyaa.
markay dhalato dowlad cadaalada ah oo la jecel yahay ayaa laga sugayaa in ay ceelcadde u soo dirto guddi qiimayn ah oo eega in ay ceelcadde degmo noqon karto iyo inkale.
waxaan kula dardaarmayaa dadka ka soo jeeda ceelcadde inay wadaan howlaha horumarinta degmada iyo inaysan noqon ceelcadde meel ay dagaan dad isku mid ah sida degmoyinka gedo qaarkood. haday taasi dhacdo waligeed horumar gaari mayso.
dambi allahdhaafo.
Qosin iyo Qalalabo, Sxb yaal waa ku mahadsantihiin sida mudan ee aad u tirahdeen aqwaashiinna. Ceelcadde waxay leedahay wax kasto oo bulsho u baahantahay. As matter of fact, Ceelcadde waa meesha kali ah ee leh School hoose,dhexe,sare oo joogta ah…Waa meesha kaliya ee aan waligeed dhiig islam ku daadan. Waa meesha kali ah ee aad xoolo islam lagu dhicin. Waa meesha kali ah ee Daraasaadka Islaamiga ah aysan ka kala joogtan. Waa meesha kali ah ee Dhan walbo ka kortay….Sidaa daraaddeed, Ceelcadde waa meel barakaysan…waana sida uu Qasim u sheegay oo waa Go’aankayaga (reer Ceelcadde) in aan is dhowrno,soo dhowayno cid-kasta oo Muslim ah, Gacmaha ka laabanno xumaanta idaylkeed, u gar-gaarno Xaqqa, hor-marinno Human Lives, Qaadanno talooyinka caafimaadka qabo…marka fadlan don’t hesitate to drop the good suggestions.
ceelcadde haddii uusan dhiig ku daadan ma dadkeeda looma ooyaan ah. wxaan ognahay in looma ooyaanku aysan hubaysnayn marka saasaa?
marka labaad ma haysaan sawiro cadaynaya bilicda ceelcadde iyo skuulada aad shhegtay. haddii ay jiraan macluumaad kale oo cadaynaya jiritaankeeda iyo degmo ahaanshaheeda.
maxaa loo maqli waayey maamulkeda oo meelaha ka hadlayo ama la waraysanayo.
war waa iska tuula waynaatey sow ma aha
Heedhe yarta Baxnaan,
Marka koobaad, looma ooyaanku waa dad la dilo oo la dhacee Ceelcadde waa nabad. Nin caqli,cudud,aqoon iyo xikmad u saaxiib ah, Allaahna galladaystay ayaa heli karo taa, so don’t be hater…
Secondly, Caddaynta aad doonayso maxaytahay? who are u? Noo sheeg danta aad ka leedahay Ceelcadde aan kuu caddaynee?
Midda kale go to google.com and put Ceelcadde and read it from there sister for more infor…
Health in El-Adde District
The health condition of the Community living in Ceelcade District in Gedo Region has greatly improved after a New Health centre was recently constructed and put into use for the first time. The construction was funded and implemented by Gedo Health onsortium (GHC), which mainly involves in the regional health activities as well as combined efforts of scrupulous individuals who hail from Ceelcade living in the overseas after the
community suffered a long duration of poor health situations and luck of proper health facilities to cover their needs.
A reliable sources interviewed by Alldalka through the Radio phone pointed that
before the introduction of the Health Centre to the area several persons died of
various disease complications especially pregnant Women and children under the age
of 5 years simply because there was no proper health Centre in the immediate
vicinity to refer them.
Furthermore, a Radiophone interviews with Dr. Jamaal Xuseen Mire, the in-charge of
Ceelcade Health Centre told Alldalka that since the Opening about 145 patients have
being operated and many others treated of Diseases such as Tuberculosis, Malaria,
and Diarrhea. He added that immunization programs are underway especially for
pregnant Women and Children under the age of 5 Years and concluded that he received
assistances including drug supplies and staff salaries from Gedo Health Consortium
(GHC) and UNICEF.
Xasan Cabdi Keynaan
Xafiiska Alldalka ee Gobolada Jubbooyinka
alldalka@yahoo.com
Asalaamu Caleykum,
Dhamaan Ikhyaarta akhrista WARGEYSKA ,iyo Hawlwadeenada wargeyskaan Quruxda badan ee CEEL-CADDE.COM,waan idiin duceeyaa horumarkiina iyo fikradihiina goor walba..HAMBALYO walaalayaal.
Midda kale aad ayaan ugu faraxsanahay,Horumarka iyo Ilbaxnimadda ay ku tilaabsadeen walaalaha soomaaliyeed ee reer ceel-cadde,oo ay mid yihiin in Ceel-cadde ay yeelato MAAMUL la soo doortay lagana sugayo wax-qabad iyo horumar dhinac kasta ah,Maamulka Deg-Ceel-cadde Gobolka GEEDDO waxaan u rajeynayaa inuu Alle xilkaas u fududeeyo ,ayna ka soo dhalaalaan waajibka loo soo doortay..haddii ay musuq-maasuq la yimaadaana waa in laga qaadaa xilka uu dadku iyaga u dhiibtay !!
Midda kale arinta Xarunta Cusub ee Caafimaadka waa GUUL u soo hoyatay dhamaan Degaanka Ceel-cadde,ceel-guduud iyo dadyowga nawaaxiga degen..waa inay ilaashadaan oo ay la shaqeeyaan waligood..anigoo u rajeynaya inay noqoto middii loo aayo oo guulaysato(Waxaan kula talin lahaa Shaqaalaha iyo dadwynaha inay XARUNTA iskaa wax-u-qabso ku sii balaariyaan ,oo ay waliba ka sameeyaan BEER caruurtu ku ciyaarto ama dadweynuhu leeyahay oo geedo badan lagu ABUURAA,loona someeyaa JIDAD iyo MEELO kale oo JIMICSIGA ama ISBOORTIGA loogu tala galay ,si loo horumariyo heerka CAAFIMAADKA dadweynaha iyo dhalinyaradda Degmadda)arintaan yaan la dhayalsan waa mid ka hortag looga dhigi karo cuduraha yar yar..
Waxaan ugu dambeyntii ka codsanayaa CEEL-CADDE.COM inay noo soo galiyaan SAWIRKA goobta Caafimaadka,iyo waliba guud ahaan Degmadda Ceel-cadde iyo kheyraad alle ku manaystay ,,,sidda uu sheegay nin kor figradiisa ka dhiibtay ,haddii ceelcadde nabadgelyo laga hello oo dadku iskaashadaan walaalhi ,waa meel barakeysan ,waxayna noqonaysaa Degmo lagu daydo mustaqbalka soo socda ,oo GOBOLKA GEEDDO oo dhan loo soo daawasho tago insha-allah alle sidaa ha ka dhigo..
Waad Mahadsantihiin
GUUL iyo XORNIMO/MIDNIMO>>
ceelcadde maadan fahmin suaasheeda. looma ooyaanka ayaa ha kuwa mar walba maxlaxo raadiyo saa tabar ma hayane. somaliya caqli iyocilmi midna kama shaqeeyo ee xabad iyo yaa baasuuke wayn aa ka socota.
caqli yaa kaa aqrisaynaya. walaal waan ku faraxsanayhay in ceelcadde ay nabad tahee marka waxxn is waydiinaa see ku gaartay nabadaas maadaama somaliya uu dab ka haysto dhinac walba? waa us’aal midda kale warbixinta aad soo qortay ee caafimadka ceelcadde wax cadayn ha looma hayo. haddii ay jiraan warxibin lagu kalsoonaan karo soo daabaca.
bax
WAXAA LA OGOAYSIINAYAA BAHWAYNTA REER CEELCADDE IN UU SOO SOCDO SHIR-WAYNE KHADKA TALEEFOONKA AH OO LOOGA HADLAYO HOR-MARINTA CEELCADDE; FADLAN U DIYAAR-GAROOW IN AAD KA SOO QAYB GASHO.
WIXII MACLUUMAAD AH OO DHEERAAD AH, FADLAN KALA SOO XARIIR GUDDIGA HOR-MARINTA CEELCADDE. CEEL-CADDE DEVELOPMENT COMMITTEE.
Goorta: September 8, 2007
Saacadda: 10:00 AM CT (UK 4:00 PM)
Goobta: Khadka Telefonka (Tel-Conference)
Waxaa dhammaan Jaaliyadda dibadda iyo gudahaba ee danaynaya horumarinta degaanka Ceel-Cadde ee Gobalka Gedo laga codsanayaa in ay ka soo qayb galaan kulaankaan muhiimka ah.
Hddii Alla idmo waxaa Mati Inoo ah Fadiilatu
Sh Maxamud Sh Cabdullahi Ali
Si aad u heshid khadka lagu wada hadlayo la xiriir Guddiga Hormarinta:
USA UK
C/lahi Sh. Ahmed (312) 402-0280 Maxamud C Cabdi 441-162-619305
Canada Denmark
C/qafar Sh. Adam (613) 741-9641 Mox’ed Sh. Max’ud 464-065-00350
Finland
Adan Cabdiqarash 358-945-23574
Ama Emailkaan la soo xariir
celcadeschool@yahoo.com
Shirwaynihii Hormarinta Ceelcadde oo lagu aruuriyay Dhaqaala $50,000 ah
Shirkaan oo khadka telephonka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay boqollaad ah jaaliyadda reer Ceelcadde. Shirkaan oo ay soo abaabuleen Guddiga Hormarinta Ceelcadde, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd in lagu yaboohiyo dhaqaala lagu taakuleeyo arimaha bulshada, sida tacliinta, biyaha, caafimaadka iyo iwm.
Khadkaan waxaa Ayada Qur’an ku furay Sh. Abdiraxman Mohamud Xiris (Tajwiid). Kadib, waxaa ladhagaystay warbixin dheer oo ku saabsan hormaka iyo arimaha bulshada oo uu soo jeediyay Nabaddoon Sheikh Mohamud Sh. Cabdullahi. Kadib, waxaa warbixin laga dhagaystay Guddiga Hormarinta Ceelcadde ee duurjoogta. Guddigu waxay qaadaa dhigeen xaaladda hormarka Ceelcadde iyo baahidu waxa ay tahay.
Kadib markii ay si wacan u qeexeen baahida guud ee hormarinta, waxaa la guda galay Muxaadaro qiirab badan iyo yaboohintii oo majaraha u qabtay Sh. Cabdiraxman M. Hirsi (Cabdiraxman Tajwiid). Dadkii oo horay diyaar ugu ahaa in ay sadaqaystaan, xiisana u qabay in ay dib u dhistaan deegaankooda ayaa waxay guda galeen in ay ku tartamaan deeq ay saqinimo ku dheehanayd.
Muddo gaaban ka dib, waxay lacagtii isku shareertay $50,000 oo dollar. Wakhitaga oo yaraaday iyo dad shaqaynayay oo ka soo qayb gali waayay dartood ayaa mar kale dib loogu ballamay maalinta Axadda ah khadka Telephonka oo uu shirku ka socday manta, taas oo rajadu tahay in lagu dhamaasha tiro qorsha ah in la aruuriyo dhaqaala gaaraya $100,000.
Ma aha markii ugu horaysay oo lacag sidaa u badan ay reer Ceelcadde khadka Telefoneka ku aruuriyeen; horay ayay u aruuriyeen sanadkii 2005, $72,000 oo lagu dhisay Dugsiga Sarek, Isbitaalka, Ceelasha Biyaha iyo adeegyada kale ee bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, shirku wuxuu ahaa mid aad u xamaasad badan, dadkuna ay muujiyeed daacadnimo aad u badan iyo danayn ay danaynayaan ka qaybqaadashada dib u dhiska deegaankooda.
Ugu dambaystii, Reer Ceelcadde oo u ambaday dhanka Hormarka, ayaa waxa noqon karaan ku dayasho mudan oo ah in dadku ku tashadaan awooddooda daacadna u noqdaan dhib u dhiska deegaankooda, bulsha kastana ay si hoose isu abaabulaan si dalka dib loogu dhiso.
tuulo waynaatay waxay u dalacdaa dagmo… ceelcade wax ayaa oog haray inay gaarto halkaas xoogaa iska samra
kaama doo nay so tuulo adika naku anpia tulia kidogo my friend
dekmo way tahay
ta salamia nyinyi woto
asan teni sana