Mag la kala qaato ayay ku heshiiyeen Beelaha Reer Garaad iyo Reer Xasan

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in labada beelood ee Reer xasan iyo Reer Garaad ay ku heshiiyeen inay mag kala qaataan dilkii loo gaystay marxuum Cumar Maxamud Warsame. Dilkaas oo ka dhacay oo tuulada Ceel-Guduud ayaa ahaa mid aanan ujeedo lahayn laakiin si kama’a ah u dhacay.
Dilkaas ayaa dhacay [...]

Maamulka degmada Ceel-Cadde oo lix bilood jirsaday, lix biloodna ay u harsan tahay

Maamulka degmada Ceel-Cadde ee la soo dhisay muddo lix bilood hadda laga jooga ayaaanan wali soo bandhigin waxqabadkooda iyadoo xilligiii loogu talagalay inay xilka hayaan ay ka harsan tahay muddo lix bilood oo kaliya.
Maamulkaan oo uu gudoomiye ka yahay Cabdi Maxamed Cabdille ayaa dhici doona muddo ku siman lix bilood iminka.
Sida uu qorayo go’aamadii ka [...]

Golaha Guurtida iyo maamulka ee Degmada Ceel-Cadde

Waxaa shir ballaaran isugu yimid waxgaradka deegaanka degmada Ceel-Cadde taariikhdu markay ahayds 01/03/07, shirkaas oo ku saabsanaa hagaanjinta nidaamyada dhaqanka iyo maamulka ee degaanka, waxaana shirka gabagabadiisa la soo saaray go’aamada hoos ku qoran:-

Samaynta gole guurti oo ka kooban 32 xubnood.
Dhismaha guddi maamul oo ka kooban 17 xubnood
Ansixinta qaabka magaha (Mag dheer, Rafiso, Dhignool iyo [...]

Tacsi: marxuum Xuseen Isaaq Sh. Saleebaan oo geeriyooday

Allah u naxariistee waxaa dhawaan degmada  Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ku geeriyooday caaqil Xuseen Isaaq Sh. Saleebaan oo ka mid ahaa waxgaradka iyo caaqilada sida wayn looga yaqaano degmada Ceel-Cadde iyo gobolka Gedo intaba. Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo. Qoyskii iyo ehelada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Caaqilka Taariikhdiisa haddii [...]

Roobabkii guga oo sidii la rabay aanan uga di’in degmada Ceel-Cadde iyo guud ahaan Gedo

Xoolalayda ayaa ka walaacsan sida ay uga gudbi doonaan xilliga jiilaalka mar haddii roobabkii guga ya ku yaraadeen oo xoolaha aysan helin naq iyo doog ku filan.
Beeralayda Diir-Diire iyoBuuhoodka ayaa iyaguna walaac ka muujiyey milicda kulul ee berahooda ku dhuftay. Cirka waxaa hadda ka muuqanaya daruuro ka curanaya meelo kala duwan oo la filayo inay [...]

Caaqil Nabadoon X. Maxamed Cabdille Maxamed oo dhawaan geeriyooday

Allaha u naxariistee Xaaji Nabadoon Maxamed Cabdille Maxamed-hadalwanaajiye waxaa uu ku dhashay dhulka cara-sanka ah ee loo yaqaano Diir-Haro ee degmada Ceel-Cadde
Ma sugna taariikhda dhabta ah ee uu marxuumku dhashay laakiin waxaa la qiyaasaa inuu jiray 95 sano amaba bilowgii sanadkii 1912. Marxuumka aabihii Cabdille Maxamed waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka soo hayaamay [...]

Iskoolada Hoose/Dhexe oo arday badani ku soo biireen

Tan iyo intii dagaalkii u dhexeeyey kooxaha wax iska caabinta iyo Ciidamada dowladda oo ay horkacayaan kuwo Itoobiya uu ka bilowday magaalada muqdisho waxaa soo qaxay dad aad u farbadan. Dadkaas intooda badani waxay dageen magaalooyinka ay ka heli karaan macluumaadka adeega bulshada sida waxbarashada iyo nabadgelyada oo aad muhiim uga ahaa.
Dadkaas soo barakacay meelaha [...]

Welcome to Ceel-Cadde District. Gedo, Somalia. Home of peace loving and prosperous society

                        Degmada Ceelcadde waxay ku taalaa qiyaastii 60 KM koonfur galbeed ee caasimadda gobolka Gedo ee g/haarey. Degmada Ceel-cadde waxay caan ku tahay xoolaha nool sida Geela, lo’da iyo arigaba. Degmada Cee-Cadde waxaa la aas-aasay sanadihii 1960-yadii. Hore waxaa ay u ahaan jirtay meel ku wanaagsan daaqa xoolaha oo cara san ah. Ka dibna waxaa [...]