Shirkadda Isgaarsiinta “Hormuud” oo soo gabagabaysay Telefoon galin iyo Taagidda Towers-ka Isgaarsiinta degmada Ceel-Cadde

El-adde District Towers
Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku guulaysatay dhamaan inay telefoono raqiis ah ka hirgaliso degmada Ceel-Cadde gabi ahaanba. Iyadoo ay soo gabagabowday balaarintii ay beryahanba ka wadeen halkaas. Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dhamaystirtay Yagleelidda Taawerada Isgaarsiinta ama loo yaqaano Siimanka, si ay dadka ku nool deegaankaan u helaan isgaarsiin ku filan oo faseex ah. Read more…
Ogaysiis: Website-ka degmada Ceel-Cadde oo dib u howlgalay
Ka dib markii in muddo ah aanu hawada ku kala maqanayn waxaan akhrisyaahayada Qiimaha badan ugu bishaaraynaynaa inaanu dib u hawlgalinay Website-ka degmada Ceel-Cadde, oo ah mid u xilsaaran kaliya wararka degmada iyo nawaaxigeedaba. Webkaan ama bloggaan waxaa la sameeyey muddo hadda laga joogo 3 sano, waxaanan filaynaa inaanu idinka haqab tiri doono wixii warbaahintiisa. Read more…
Goobaha Ganacsiga oo ay Al-shabaab ka bur-buriyeen Degmada Ceel-Cadde, Gedo
Warar aanu si toos ah uga helayno maamulka ka arimiya degmada Ceel-Cadde ayaa sheegayo in dhawaan la bur-buriyey dhismooyin si sharci darro ah looga dhisay degmada Ceel-Cadde, lagana bur-buriyey dhismayaal cooshash ah oo ay dad danyar ah ay ku ganacsan jireen oo loo yaqaano “waratada” suuqa Read more…
Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato
Degmada Ceelcadde oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay isu diyaarineysaa sameynta maamul degma oo ka kooban qeybaha kala duwan ee maamulka sida guddoomiye, ku xigeenka, xoghaya maamulka iyo qeybaha kale ee waaxyaha hoose. Read more…
Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG oo ka codsaday in degmada Ceel-Cadde ay soo dirsato ergo, degmo ahaana uga qaybgasho shirka G/haarey
![]()
Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG ah mudane Maxamud Sayid Aadan waxaa uu ka codsaday in degmada Ceel-Cadde oo dhawaan ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo inay soo dirsato ergo uga qaybgasha shirka G/harey ee lagu dooranayo maamulka gobolka iyo degmooyinka.
Degmada Ceelcadde oo leh maamul ku meel-gaar ah oo waajibaadkiisu ahaa muddo hal sano oo ka bilabanayso bilowga sanadka 2007-ka ayaa ah mid iyada laftigeeda u tartamaysa gudoomiyaheeda cusub.
Maamulka ku meel-gaarka ah ee uu hadda madaxda ka yahay guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdille ayaanay wali soo bixin cidda la tartamaysa ee majaraha u qaban doonta degmada cusub, howlo adagna ay ku soo wajahmi doonaan nidaamka ka dhalan doona
Deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde?
Maadaama ay Ceelcadde noqotay degmo ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo, su’aashu waxay tahay deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde, asbaabahee bayse ku hoos imaanayaan: Masaafo, codka dadka, sharciyan wax qoran? Dhiibo fikirkaaga? Read more…
Ceel Cadde oo ay DFKMG ah u magacowday degmo iyo dikreetadii oo ku lifaaqan
![]()
Wasaaradda arimaha gudaha dawladda fadaraalka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in deegaanka Ceel-Cade ee gobalka Gedo si rasmi ah loogu magacaaway dagmo ka tirsan Dagmooyinka uu ka kooban yahay guud ahaan gobalka Gedo.
Shir’jaraaid oo uu maanta ku Qabtay wasiiru dawlaha arimaha gudaha Ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha xarunrta wasaaradda ayuu ku sheegay kadib markii wasaaradooda ay aragtay in deegaanka Ceel-Cade ee buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ay wasaaradooda garwaaqsatay in loo magacaabo deegaankaasi dagmo. Read more…